Sign in to follow this  
Somalia

Djibouti Minister: Jubbaland Shouldn't Make Their Own State, Mogadishu Should

Recommended Posts

Somalia   

Jabuuti:-Wasiirka caddaaladda awqaafta iyo arrimaha diinta ee dalka Jabuuti Xaamud Cabdi Suldaan ayaa markii ugu horeysay ka hadlay maamul u sameynta gobadalada Jubooyinka gaar ahaan magaalada Kismaayo ee xarunta gobalka J/hoose wuxuuna uu sheegay in maamul u sameynta gobollada Jubbooyinka ay u madax bannaan tahay dowladda Soomaaliya loogna danbeeyo.

 

Wasiirka caddaaladda awqaafta iyo arrimaha diinta ee dalka Jabuuti Xaamud Cabdi Suldaan ayaa waxaa uga digay dowlada dariska ee faragalinta ku haya dowlada Soomaaliya in ay ka daayaan faragalinta maadaama ay dowlada Soomaaliya ka baxday ku meel gaarka.

 

Sidoo kale wasiirka cadaalada ee Dowlada Jabuuti Xaamud Cabdi Suldaan ayaa sidoo kale ugu baaqay beesha caalamka in ay garab istaagto dowlada federaalka ee Soomaaliya si ay dib ugu soo ceshato dowladnimadeedii .

 

Dowlada Jabuuti ayaa waxay ka mid tahay dowlada ciidamada ay ka joogaan dalka Soomaaliya qeybna ka ah ciidamada AMISOM waxaana ay ciidamo ka joogaan magaalada B/weyne ee xarunta gobalka Hiiraan

 

Waxaa soo ifbaxaya Khilaaf ka dhex aloosan dowladaha ay ciidamada ka joogaan dalka Soomaaliya ee ku howlgala magaca AMISOM iyaga oo ku kala argtiyo duwan xalka Soomaaliya iyo kala taageerida kooxaha iska soo horjeeda Soomaaliya.

 

HalganNet

Share this post


Link to post
Share on other sites
Somalia   

Wasiirka Cadaalada, Awqaafta iyo Arimaha Diinta Ee Dalka jabuuti Xaamud Cabdi Suldaan ayaa maanta ku hadley hadalo ka careysiiyey Shacabka Jubooyinka iyo Gedo wuxuuna shacabkaas uu ku tilmaamey kuwo aan aayahooda ka tashan karin.

Wasiirka Jabuuti oo ku hadlay siyaasada qaawan ee Jabuuti ka leedahay Soomaaliya tasoo ah mid isireysi iyo qaab qabiil ku wajahan wuxuu amar kusiiyey Madaxweynaha JF. Soomaaliya Xasan Sheikh Maxamuud inuu ka hortago maamul sameynta ka socota Jubooyinka.

 

Jabuuti waxay Kenya iyo Itoobiya ku eedeysey iney Faragalin ku hayaan Soomaaliya, lakiin wuxuu illaawey wasiirku inuu isagu faragalin qaawan oo aan loo dulqaadan karin ku hayo Soomaaliya.

 

Wasiirku wuxuu si dadban Ugu dhawaaqay inaysan Jabuuti marnaba ogolayn in federaalku ka hirgalo Soomaaliya, wuxuu kaloo muujiyey kuna hadlay hadalo meel ku dhacku ah shacabka Soomaaliyeed.

Ciidamada Kenya ee la dagaalamaya Alshabaab gacana siinaya shacabka Soomaaliyeed ma ahan in laga xumaado, waxay ahayd Jabuuti iney u hambalyeyso Dowlada Kenya guusha ay ka gaartey Xasilinta Jubooyinka.

 

Waxaa xusid iyana mudan Ciidamada Itoobiya oo iyana guulo muuqda ka gaarey la dagaalanka Argagixisada.

 

Waxaa iswaydiin mudan hadalka kasoo yeerey Jabuuti ma mid lagu taageerayo Al-shabaab baa, mise waa mid qas kale la doonayo in Soomaaliya looga bilaabo.

 

Saraakiisha Jubooyinka ayaa la filayaa inay maalmaha soo socda ka hadlaan hanjabaada iyo faragalinta Jabuuti ku heyso geedi socodka Nabada.

 

Puntlandi.com

Nairobi-Kenya

Share this post


Link to post
Share on other sites
The Zack   

Who asked for this dude's advice and more importantly who will listen to him. He should focus on the khat sessions in little Djibouti.

Share this post


Link to post
Share on other sites
The Zack   

^So Djibouti - a foreign country -has the right to talk about the internal issue of another country and can tell another foreign country - Kenya - to stop intervening Somalia?

 

Adiga iyo asagaba qaadkaa idin waalay LOL

Share this post


Link to post
Share on other sites
Somalia   

Xaaji Xunjuf;880169 wrote:
Djibouti is an IGAD country and they have troops in Somalia under the Amisom command they can comment on this issue.

In Beledweyne, this is Kismayo, they have no business commenting on this and should focus on their own territory of security. You don't see Burundi commenting alone about affairs regarding areas of Somalia that it doesn't provide security to.

Share this post


Link to post
Share on other sites

The Zack;880170 wrote:
^So Djibouti - a foreign country -has the right to talk about the internal issue of another country and can tell another foreign country - Kenya - to stop intervening Somalia?

 

Adiga iyo asagaba qaadkaa idin waalay LOL

 

Its between Kenya and Djibouti , kenya and Ethiopia daily advise the Somali govt big deal they all meddle in domestic issues of Somalia since they have troops in Somalia under the Amisom command.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this