Sign in to follow this  
oba hiloowlow

The New Kismaayo Admin

Recommended Posts

Nairobi (RBC Radio) Waxa si rasmi ah loogu dhawaaqay maamulka ka arriminaayo magaalada dekadda leh ee Kismaayo, oo bishii la soo dhaafay ay galeen ciidamada dowladda iyo kuwa Kenya oo qeyb ka ah howgalka AMISOM.

 

Maalmahan waxa magaalada ka socday kulamo aan loo kala kicin, kuwaasoo lagu doonayay in maamulo loogu sameeyo Kismaayo.

 

Hadaba shabakadda RBC Radio ayaa maanta heshay qaabka loo sameeyay maamulka ka arrimin doono Kismaayo.

 

Waxana maamulkaas loo sameeyay sidan:

 

1-Guddoomiyaha maamulka Kismaayo waxa looga dhigay Axmed Madoobe oo gaaminayay xoogaga Raskambooni oo qayb ka ahaa ciidamadii la wareegay magaalada Kismaayo.

 

2- Gudoomiyaha Gudiga Amniga General Ismaaciil Saxardiid oo horrey u ahaa Taliyaha Ciidamada Dowladda ee gobbolada Jubbooyinka.

 

3- Madaxa arrimaha bulshada iyo afhayeenka maamulka cusub waxa loo magacaabay Cabdinaasir Seeraar.

 

4- -Gudoomoiyaha Gudiga Maaliyadda iyo Mareeyaha dekadda Kismaayo waxa loo magacaabay Muuse Gaab.

 

5- Gudoomiyaha arimaha Garsoorka waxa loo magacaabay Xujaale.

 

6- Gudoomiye Ku xigeenka magaalada Kismaayo waxa loo magacaabay Axmed Carab .

 

Sida aan xogta ku helnay waxa maamulkan oo lagu dhawaaqay maanta oo Jimco ah, taarikhdana ay ku beegan tahay 12-ka October 2012-ka, uu xilka heyn doonaa muddo bil ah.

 

Waxa goobta lagu dhawaaqay guddigan ku sugnaa Gudiga Sheekh Axmed Madoobe oo hadda madax looga dhigay maamulka Kismaayo iyo Taliyaha AMISOM ee Jubbooyinka oo u dhashay dalka Kenya Colonel Jeff Nyagah..

 

Dowladda Soomaaliya ilaa hadda kama hadlin maamulka loo sameeyay Kismaayo oo ah mid ku-meel-gaar ah, laakin waxa magaalada Nairobi ka socdo shir looga hadlaayo mustaqbalka Kismaayo.

 

Kenya waxa ay dooneysaa qoxootiga Soomaalida ee ku nool waqooyi-barri dalka Kenya in loo wareejiyo gobolada Jubbooyinka.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Xildhibaanada Baarlamaanka ee ka soo jeeda deegaanada Jubooyinka ayaa ka hadlay Maamul KMG ah oo loo sameeyay magaalada Kismaayo, kaasoo ay ku mideysan yihiin Ciidamada huwanta ee qabsaday magaalada.

 

Xildhibaan Dahir Amiin Jeesow ayaa sheegay in aanay la socon wax maamul ah oo loo sameeyay, balse ay ogyihiin in Gudi loo sameeyay oo howsha caadiga ee magaalada sii wadaya.

 

"Anaga hadii aan nahay Xildhibaanada ka soo jeeda, wax maamul ah oo la sameeyo ma jirto, anaga waxaa ku ognahay in Gudi loo smaeeyo waliba saddex gudi ah"ayuu yiri Dahir Amiin Jeeso.

 

Mr Jeesow ayaa sheegay in Maamul loo sameeyo magaalada ay soo magacaabeyso dowladda Soomaaliya, isagoo xusay in gudiga loo dhisay magaalada ay ka tirsan yihiin jabhadihii soo dagaalamay.

 

"Gudiga waxaa ku jira jabhadihii soo dagaalamay, dadka deegaanka ay ku jiraan qeyb walba iskeed u madax banaan tahay, Maamulka dowladda ayaa looga fadhiyaa iyadaana soo magacaabeyso"ayuu yiri Xildhibaan Dahir Amiin Jeesow.

 

Waxaa uu sheegay in deegaanada Jubooyinka ay wada degan yihiin dhamaan beelaha Soomaaliyeed ee shanta ka kooban, isagoo xusay in hadii Maamul loo dhisayo qaabka awood qeybsiga ee shanta beelood.

 

"Soomaaliya inta qabiil ka kooban tahay beel aan deganeyn ma jirto Jubooyinka, markii wax la dhisayo inay ku dhisaan shantii beelood"ayuu mar kale yiri.

 

Arrinta Kismaayo ayaa noqotay xasaasiyad taagan oo gudaha iyo dalka laga hadlo, iyadoo shirar looga hadlayay aayaha iyo maamul u sameynta Kismaayo laga soo saaray digniino.

 

Xigasho Jowhar.com

Share this post


Link to post
Share on other sites

Apophis;879343 wrote:
^^ Since the whole of Somaliweyne is claiming natural residency in the Jubbas there has to be an independent arbiter, separating the wheat from the chaff, so to speak. Beledweyne doesn't have the same problem.

So because several clans claim to be from kismayo or the juba regions IGAD is getting involved i see lets hope they can help create a fair administration than.

Share this post


Link to post
Share on other sites

^Even you xaaji xunjuf are dedicating entire posts to Kismayo precisely because you are afraid of the emerging state :D

 

Relax waryaa ...if IGAD was involved in sorting things out in Mogadishu which we appreciate and value, why not Kismayo ...

Share this post


Link to post
Share on other sites

^^ Well it never happened before that IGAD got involved in creating a state in parts of Somalia but if you say its good for the bigger cause than so be it no problem on my side:D

Share this post


Link to post
Share on other sites

^^We tend to exaggerate things out of proportion xaaji , what is happening in Kismayo is within the political framework ---IGAD, AMISOM, and others have been babysitting the Somali roadmap to end the transition . Their involvement in Kismayo therefore should not be singled out ...it is part of the program...

Share this post


Link to post
Share on other sites

^^XX has been over analyzing teh events in Kismayo ...ever since Godane rose to the Alshabaab leadership and made Kismayo his home , our brother xaaji xunjuf got somehow interested in the city , its geography, the community that resides :D

 

However, Kismayo being the big city it is, would ultimately separate the nomadic wanderers from the true urbanite ...:D

Share this post


Link to post
Share on other sites

^^ I can understand the Amisom peace keeping forces being heavily involved in combating Islamists shabaab but does the Amisom IGAD mandate includes creating states inside Somalia's territory.

 

This would be a better option

 

- Organize a grand conference in kismayo invite all the elders and influential people from Jubaland

- Let all the MPS who hail from those regions facilitate the conference.

- Establish a central committee for the Jubaland state based on the stakeholders of those regions.

- let the conference happen inside Somalia under the supervision of the Somali government troops/Amisom.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Apophis;879354 wrote:
^^ XX is the biggest supporter of Jubboyinka so he's definitely with us. The quote was for the spoilers, they know who they are
:D

U sheeg i am always with the people :D

Share this post


Link to post
Share on other sites
Carafaat   

xiinfaniin;879344 wrote:
Step in the right direction. Hopefully Somalis will outgrow of the strong clannish affiliation they tend to have ...

Just in another thread you claimed your sub-clan owns Kismayo. :D

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this