Sign in to follow this  
Fiqikhayre

Puntland Government in preparation of a IDP/Refugee policy and special law according to Consitution

Recommended Posts

Puntland government is preparing a special law that will govern the rights and lives of IDP's and refugees in Puntland which is accordance with the Islamic religion and Puntland constitution.

 

It has done consultations with many experts on the field and many scholars who used to live in Puntland. That new Policy towards the improvement and what rights IDP's and refugees in Puntland have was started in 2011 and is in near completion and will be presented to the cabinet soon, inshaallaah.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Dawlada Puntland oo wada qorshe lagu hirgalinayo siyaasada Barakaaayasha/Qoxootiga Puntland.

 

Posted by Pi1 on October 6th, 2012

 

Garowe(Puntlandi.com):- Dawlada Puntland ee Soomaaliyeed ayaa wada qorshe lagu samaynayo laguna hirgalinayo siyaasada Barakaayaasha Puntland.

 

Shir-saxaafadeed ay maanta xarunta wasaaradda si wada jir ah ugu qabteen Wasiirka iyo Agaasimaha guud ee Wasaarada Arrimaha gudaha, dawladaha hoose iyo horumarinta reer miyiga ayaa waxay uga warbiiyeen qorshahan ay wasaaradu ku samaynayso siyaasada Barakaayaasha iyo Qoootiga ee Puntland ku dhaqan.

 

Agaasimaha guud ee Wasaarada Arrimaha gudaha, dawladaha hoose iyo horumarinta reer miyiga Puntland C/laahi siciid Aw-yuusuf oo hadalka ku hormaray ayaa sheegay in qorshahani ay wasaaradu soo bilawday sanadkii 2011 maadaama xilligaasi wasaarada lagu soo kordhiyay waxda barakaayaasha oo si gaar ah uga shaqaynaysa arrimaha barakacayaasha.

 

Isla xilligaasi wasaradu waxay samaysay labo agaasime waaxeed oo arrimaha barakaayaasha ah kana shaqaynaya barnaamijyada wax loogu qabanayo ama lagu horumarinayo Barakaayaasha ku dhaqan deegaanada Puntland.

 

Agaasimuhu wuxuu sheegay in horay ay Magaalooyinka Gaalkacyo iyo Boosaaso ugu qabteen kulamo balaaran oo aad loogu falanqeeyay arrimaha barakaayaasha iyo siyaasadaha la xiriira Nolosha Qoxootiga iyo barakaayaasha ku dhaqan deegaanada Puntland, wuxuuna carabaabay in dhawaan la filayo in qorshahan la dejiyay uu rasmi noqdo lana shariyeeyo.

 

Wasiirka iyo Agaasimaha guud ee Wasaarada Arrimaha gudaha, dawladaha hoose iyo horumarinta reer miyiga C/laahi Axmed Jaamac Ilka-jiir oo isna hadal jeediyay ayaa sheegay in xeerkani uu ku salaysan yahay diinta Islaamka iyo Dastuurka Puntland islamarkaana uu qeexayo kala jawaabayo baahida nololeed ee barakaayaasha iyo xuquuqdooda kale.

 

Wasiirku wuxuu sheegay in Xeerkani ay hordhigi doonaan golayaasha dawlada si loo meelariyo kadibna uu u noqdo shari rasmi ah oo ka dhaqan gala dhamaan gobollada Puntland.

 

Wasiirka iyo Agaasimaha guud ee Wasaarada Arrimaha gudaha, dawladaha hoose iyo horumarinta reer miyiga C/laahi Axmed Jaamac Ilka-jiir wuxuu sheegay in dejinta qorshana siyaasadeed ee lagu wajahayo barakaayaasha ay u qaateen lana kaashadeen khuburo farabadan iyo aqoonyahanno horay uga soo shaqeeyay Puntland kuwaas oo talo iyo tusaalayn fiicanba ka dhiibtay siyaasadan Barakaayaasha Puntland.

 

Shir-saxaafadeedka masuuliyiintan ayaa imaanaya xilli xarunta Wasaaradan ee Magaaladan Garowe uu ka socdo kulan balaaran oo gabagabo ku dhaw loogaana hadlayo qorshayaasha iyo siyaasada Puntland ay hada kadib ku wajahayso Barakaayaasha.

Share this post


Link to post
Share on other sites

So people from Somalia are considered refugees in Puntland? So tell me how Puntland is still a part of Somalia with that kind of thinking? How can one be a refugee in his own country. An IDP is legally distinct from a refugee.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this