Sign in to follow this  
General Duke

Mogadishu: 14 new roadblocks between Xamar Balcad [Tarzan should be fired]

Recommended Posts

Tarsan-_22.jpg

 

Gudoomiyaha Gobolka Banaadir ahna duqa magaalada Muqdisho ayaa ka digay inay go'do wadada isku xirta Muqdisho iyo Balcad, kadib markii ay ku soo bateen isbaarooyin ay dhigteen Ciidamada dowladda, kaasoo gaadiidka lacago looga qaadayo.

 

Tarsan ayaa kormeer uu ku tagay qeybaha canshuuraadka lagu qaado ee degmooyinka ayaa sheegay inuu indhihiisa ku arkay ilaa 14-Isbaaro oo la dhigtay bartamaha Muqdisho ilaa wadada aada Balcad.

 

"Indhaheyga ku arkay isbaarooyinka la dhigtay wadadaas, waxaa dhaceysa in jidka uu go'o, waa 14-isbaaro, markaan ciidankii u tagay oo aan weydiinay waxay ii sheegeen inay dhamaan yihiin Guutada labaad"ayuu yiri Gudoomiye Tarsan.

 

Waxaa uu ugu baaqay saraakiisha Ciidamada inay ciidamada wadada ka qaadaan, isagoo ka digay in hadii ay sidan wax ku sii socdaan dadka ganacsatada baa dhibaato soo wajaheysa.

 

"Ninka Taliyaha ka ah Guutada labo arrimood ayaa u furan, mida koowaad waa qeyrul Mas'uulnimo in ciidan wadada dadka isbaaro uga qaadaan, ama hadii uu dhaho iima tira koobna waa la mid, tan kale hadii uu dhaho aniga howshaas u dirsaday iyadana waa jid kale, labadaas arrimood mooyee wax kale sadexaad ma jiraan"ayuu yiri Gudoomiye Tarsan.

 

Hadalka Gudoomiyaha Gobolka Banaadir ayaa ku soo beegmaya, iyadoo darwalada gaadiidka kala duwan ee ku safra duleedka Muqdisho ay qaati ka taagan yihiin isbaarooyin soo kordhay, isla markaana gudaha magaalada Muqdisho lacago ay uga qaadaan dowladda hoose iyo Taraafikada.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Muqdisho (RBC) Gudoomiyaha gobolka Banaadir ahna duqa caasimada Maxamuud Axmed Nuur “Tarsan” oo maanta booqday xarumo loogu talagalay in canshuuraha degmooyinka lagu qaado ayaa si cad oo aan ka leexad lahayn u sheegay in ciidamada dawlada ay yihiin kuwa dadka dhaca, isla markaana isbaarooyinka dhigtay gudaha caasimada iyo hareeraha magaalada.

 

Gudoomiye Tarsan oo hadal wariyaasha ku siiyey xarun ku taalla xaafada suuqa xoolaha ee magaalada Muqdisho ayaa sheegay in indhihiisa uu ku arkay ciidan ka tiran guutada 12aad ee ciidamada dawlada oo ku lebisan dharka tuutaha oo isbaaro ay lacag baad ah ku qaataan u taallo wadada warshadaha ee tagta xaafada Suuqa Xoolaha.

 

“Anigaa indhahayga ku arkay, waan u dagay oo waan la hadlay, waxay ahaayeen ciidamada guutada 12aad” ayuu yiri Tarsan oo wax aan suurtagali karin ku tilmaamay in amaanka caasimada uu hagaago inta ciidankaasi ay jidadka joogaan.

 

“Labo mid unbey noqoneysaa; sarkaalka ciidankaasi wata inuu dhaho kama warqbi oo uu kheyrul masuul yahay oo uu dhaho masuuliyad ma qaadi karo, ama inuu wax ka og yahay oo lacagta ay soo ururiyaan ay wax uga keenaan mid saddexaad ma jiri karto..” ayuu hadalkiisa ku daray gudoomiyaha gobolka oo si kulul uga hadlay jid gooyooyinka sharci darrada ee ay dhigteen ciidamada dawlada.

 

Waa imisa isbaarooyinka yaalla Muqdisho?

 

Gudoomiye Tarsan ayaa sheegay in wadada isku xirta Muqdisho iyo Balcad illaa laga soo galo bartamaha caasimada ay yaallaan 14 isbaaro oo dhamaantood lacago qasab ah looga qaato baabuurta dadweynaha, inta ay arintaasi jirtana aaanu jiri karin nidaam dawladeed oo shaqeynaya.

 

“Haddaan wadadaasi waxlaga qaban ma sii shaqeyn doonto dadkuna ma mari doonaan” ayuu sheegay gudoomiyaha. “Waa in ciidankaasi jidadka taagan laga xareeyaa si deg deg ah” ayuu sii raaciyey.

 

Hadalka gudoomiyaha gobolka Banaadir ayaa soo baxay xilli dadka ku nool Muqdisho iyo magaalooyinka Afgooye iyo Baslcad ay qaati ka taagan yihiin isbaarooyinka xadka dhaafay ee ku soo laabtay waddooyinka isku xira magaalooyinkaasi kuwaasoo ay taagan yihiin rag katirsan askarta dawlada oo tuutahaciidanka kyu lebisan arintaasoo dadweynuhu si weyn uga niyadjabeen.

 

Ka sokow isbaarooyinka yaalla waddooyinka u baxa Afgooye iyo Balcad oo guud ahaan 24 jidgooyo ah waxaa dheer isbaarooyin ay dhigteen maamulada degmooyinka Wadajir iyo Dharkeenley oo gaaraya 7 isbaaro kuwaasoo dhamaantood lacag xoog ah baabuurta looga qaado.

 

Si la mid ah dhawaaqa maanta ka soo baxay gudoomiyaha gobolka Banaadir ayey shacabka ku nool Muqdisho maalin kasta isweydiiyaan goorta isbaarooyinka laga nadiifin doono xaafadaha caasimadan bahala galeenka noqotay labaatameeyada sano.

 

 

 

RBC Radio

Share this post


Link to post
Share on other sites

isbaaro business never gets old but that should not be a reason for the greatest Mayor of Mogadisho to be fired Tarzan is a man who loves Xamar i cant think of a better mayor.

Share this post


Link to post
Share on other sites

oba hiloowlow;874690 wrote:
this man will replace tarzan soon, this is not something the mayor can do something about, the government has to take actions.

 

Jibriil-Ibraahim-Cabdulle-300x1681.jpg

Tarzan is both Mayor & Governor thus why can he not do something abou this? . As for Jibril, he once gave a job to the current President, its payback I guess.:D

Share this post


Link to post
Share on other sites
Somalia   

Isbaarooyin are back? Is this because the government is failing to pay salaries, that's not possible, not in Mogadishu now of all times, I think these are independent militias.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Somalia;874697 wrote:
Isbaarooyin are back? Is this because the government is failing to pay salaries, that's not possible, not in Mogadishu now of all times, I think these are independent militias.

This another sign people are playing games with the new President. They think he is soft.. Lets see how it turns out.

Share this post


Link to post
Share on other sites

General Duke;874695 wrote:
Tarzan is both Mayor & Governor thus why can he not do something abou this? . As for Jibril, he once gave a job to the current President, its payback I guess.
:D

because ciidamadan kuwa qaranka waaye and wasaarada gaashandhiga and wasaarada gudaha should take action against saraakiisha ciidamadaan.

Share this post


Link to post
Share on other sites

General Duke;874695 wrote:
Tarzan is both Mayor & Governor thus why can he not do something abou this?.
:D

Tarzan does NOT command these armed forces who have set up these roadblocks. Infact, I don't think he commands any forces of significance.

 

I believe he has done well to highlight the problem and he should directly work with the minister of defense or interior(or however these soldiers take orders from) to lift these frivolous roadblocks. If however these are done for security reasons, then everything should be done to ensure that they do just that, and not become stations of extortion and brigandry.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Abwaan   

It is Tarzan who is saying this, I wouldn't beleive him until other sources confirm this. 14 roadblocks on a single area? This sounds impossible to me this time. Mogadishu had about 43 roadblocks during the period warlord used to rule, are we saying that there is even more than that number on a sigle road/one area, when there is a government in place? Tarzan is hab-hable and I would not just beleive this man. Wax walba wuu buunbuuniyaa although I am not saying that there is no Isbaaro.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Nonsense. Pay or no pay, nothing gives them the right to resort to thievery. If you they are not happy with the pay, then they should quit and find some other job. You might say, there are no other jobs--but that still can't and won't justify such daylight robbery on the roads, especially wearing there government issued uniforms.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this