Sign in to follow this  
Macallinka

Faroole and Puntland campaigning hard to get PM's Position

Recommended Posts

Madaxweynaha Puntland C/raxmaan Faroole ayaa dadaal ugu jira sidii Ra'iisul Wasaare loogu magacaabi lahaa shaqsi u dhashay Puntland, kadib markii wakiilo ka socda Maamulkiisa ay Muqdisho u yimaadeen sidii ay ugu gogol xaari lahaayeen qorshaha Puntland ku dooneyso sidii nin ka soo jeeda loogu magacaabo xilka Wasiirka Koowaad.

 

Warar ku dhow dhow Madaxtooyada ayaa sheegaya in Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud uu diiday in Ra'iisul Wasaare u magacaabo shaqsi ka soo jeeda Puntland, isagoo miiska saartay shaqsiyaad u dhashay Beesha ********* oo lagu wado in Madaxweynuhu dhowaan magacaabo.

 

Dadaalka Faroole ugu jiro in shaqsi u dhashay Puntland loogu magacaabo Ra'iisul Wasaare waxaa dhinac ka daadihinaya Ergeyga Qaramada Midoobey u qaabilsan Soomaaliya Augustine Mahiga oo saaxib dhow la ah Mr Faroole, iyadoo magaalada Muqdisho uu soo gaaray ninka Puntland dooneyso in Ra'iisul Wasaare looga dhigo, kaasoo ka yimid qurbaha.

 

Kulamo gaar gaar ah oo uu Madaxweynaha la qaatay Xildhibaanada iyo siyaasiyiinta ayuu kaga dalbaday inay ka war sugaan isaga shaqsiga uu u xulan doono Ra'iisul Wasaaraha, isagoo u balan qaaday inuu soo magacaabi doono shaqsi karti iyo aqoon leh.

 

Shakiyo xoogan ayaa soo baxay markii habeen ka hor Madaxtooyada ay kulan ku qaateen Madaxweyne Xasan Sheekh iyo Ra'iisul Wasaarihii hore Farmaajo, taasoo keentay in durba ay suuqa soo galaan warar sheegaya in Madaxweynaha magacaabay, hase ahaate war ka soo baxay Madaxtooyada lagu beeniyay.

 

Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa la sheegayaa in labada maalmood ee soo socoto kama dambeyn uu ku dhawaaqayo Ra'iisul Wasaaraha cusub ee Soomaaliya, inkastoo arrinta ugu weyn ee heysata ay tahay sidii marka hore Xildhibaanada Baarlamaanka ugu qanci lahaa si uu u horgeeyo marka uu magacaabo.

 

Shaqsiyaadka la hadal haayo ayaa waxaa ka mid ah nin lagu magacaabo Maxamed Barre oo horay uga soo shaqeeyay Hey'adaha UN-ka, Ra'iisul Wasaarihii hore Farmaajo iyo nin ay saaxibo dhow ahaayeen Xasan Sheekh Xisbigiisa PDP ka tirsanaa oo lagu magacaabo Maxamuud Doodishe, inkastoo saadaashii u dambeeyay ee soo baxday uu dib uga dhacay.

 

Riix halkan(CLICK HERE)Soo booqo bogeena Ciyaarah ee jowharsport.com

Share this post


Link to post
Share on other sites
Abwaan   

Loool, XX ayaantaan my brother is in Xamar-na waan kaa maqlayee, malaha some Northerners jagadan raadinaya oo Muqdisho jooga baad la haysaa, waayo si aan hore loo arag baad siyaasadda Koofurta u danaynaysaa this time:D

Share this post


Link to post
Share on other sites

Abwaan anigu cid gaar ah ama shakhsi anu isku qoys nahay anigu u ololeynaya arki meysid anigu waxan raba nin shaqadisa qaban kara iyo nin runti cadalaad ku dhaqi kara wadanka oo siyasad gaar ah lugu hagayn ma fahantay.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Somalia   

Xaaji Xunjuf;874017 wrote:
The President doesn't want agents from the garowe clan enclave he wants a Prime Minister who can do the job and is impartial.

Yes and every other state is impartial except Puntland (because they don't exist) right? That is wrong and you should apologize to other states such as Khaatumo, Jubbaland and Galmudug.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Warar ku dhow dhow Madaxtooyada ayaa sheegaya in Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud uu diiday in Ra'iisul Wasaare u magacaabo shaqsi ka soo jeeda Puntland

Am I reading this right? Did the President really said this as Jawhar reports.

 

Nominating the post for anyone is one thing but striking off and out-rightly crossing any candidate from certain Somali clan for being that clan is akin to hosting hostility. It's big prejudice from the President's part if indeed he said that as reported and will not lead to an easy path to get along with this certain community as they will not trust him.

 

The President needs to get 101 clan politiks as he seems to be making big gaffes and massive miscalculations before he even began his journey to Somali politics.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this