Sign in to follow this  
Shinbir Majabe

Soomaaliya oo Reebtay Sudan

Recommended Posts

579548_3143513686610_1825219445_n.jpg

 

Xulka Kubada cagta dalka Soomaaliya ee da’doodu ka yartahay 17-ka sano ayaa maanta oo jimco ah xulka dhigooda ah ee Sudan ku reebay wareega hore ee isreebreebka cayaaraha dhalinyarada Qaarada Africa, kaddib cayaar aad u adkeyd oo ka dhacday magaalada Khartoum.

 

Cayaarta oo ahayd mid adag ayaa waxaa koox waliba ka go’neyd in ay urursato 3-da dhibcood ee lagu helo guusha cayaarta isla markaana ay usoo gudubto wareega labaad ee is reeb reebka cayaaraha dhalinyarada Africa, waxaana qeybtii hore ee cayaartu ay kusoo dhamaatay 0-0, inkastoo xaga weerarka ay ciyaartoyda Soomaalidu weerar badnaayeen.

 

Macalinka xulka qaranka Maxamed Cabdulle Farayare oo ka hadlayay shir jaraa’id dhamaadkii cayaarta kaddib ayaa sheegay in markii qeybta hore dhamaatay uu sameeyay is badal weyn oo dhanka weerarka ah taasina ay keentay in Soomaaliya ay hesho gool daqiiqadii 78-aad, waxaana goolkaas u saxiixay cayaaryahan Maxamuud Cabdi Nuur oo loo yaqaano Meman .

 

Cayaaryahankan ayaa kusoo baxay cayaarihii goballada ee 2 sanadood ka hor ka dhacay magalada Garowe.

 

“Goolka aan xiliga dambe helnay wuxuu shiiqiyay rajadii Sudan ay lahaayeen dhanka kalana wuxuu sare u qaaday niyada wiilasheyda yar yar—Si kasta oo aan u nahay dad ka yimid dal dagaalo la dageen hadana waxaan aad ugu faraxsanahay guusha aanu gaarnay”ayuu saxaafada u sheegay macalin Maxamed Cabdulle Farayare.

 

Sida caadiga ah cayaaraha waxaa loo dheelaa HOME iyo AWAY laakin labada xiriir ee Soomaaliya iyo Sudan ayaa ku heshiiyay in hal cayaar lagu qabto Khartuum iyadoo sababtuna tahay xiriirka kubada cagta dalka Jabuuti oo ah meesha ay Soomaaliya ka dhigatay gurigeeda ku meel gaarka ah ayaan hada lahayn wax hogaan ah, taasina ay keentay in Soomaaliya ay weyso meel ay cayaar caalami ah ku martigelin karto.

 

Si kastaba ha ahaatee soomaaliya maanta waxaaay usoo gudbtay wareega labaad ee cayaaraha dhalinyarada Africa waxaana 12-ka bisha soo socota ay la cayaari doontaa dalka Algeria lugta hore halka lugta labaadna ay ka dhici doonto magaalada Algeris 26-ka isla bisha October.

 

“Inkastoo wali aan ku dhex jirno dhibaatooyin fara badan oo dalka ka jira hadana xiriirka Soomaaliyeed ee kubada cagtu waxaa uu dadaal xoogan ku bixiyay sidii kor loogu qaadi lahaa xulalka kala duwan hadii ay ahaan lahaayeen kuwa yaryar ama kuwa waaweyn, waxaana qabnaa rajo ah in kubada cagta Soomaaliya ay wax badan iska badalaan sanadaha soo socda”ayuu yiri xoghayaha guud ee xiriirka Soomaaliyeed ee kubada cagta Cabdi Qani Saciid Carab oo galabta saxaafada la hadlay.

 

Wafdiga Soomaaliya waxaa hogaaminaya Cali Cabdi Maxamed (Cali Shiino) oo xubin ka ah guddiga fulinta xiriirka Soomaaliyeed ee kubada cagta waxaanay dalka dib ugusoo laaban doonaan todobaadka inasoo aadan iyagoo Transit kusoo ah magaalada Nairobi.

 

Radio Muqdisho

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this