Sign in to follow this  
General Duke

Mogadishu: AMISOM forces attacked, last 24 hours have been tough

Recommended Posts

Qarax miino ayaa lala beegsaday kolonyo ay la socdeen Ciidamada AMISOM oo marayay nawaaxiga Isgoyska Florence ee degmada Wardhiigley, iyadoo warar kala duwan ka soo baxayaan qasaaraha ka dhashay.

 

Sida wararku sheegayaan qaraxan oo ahaa miino dhulka la geliyay, lagana hagayay meelaha fog fog ayaa lala helay mid ka mid ah gaadiidkii ay wateen Ciidamada AMISOM.

 

Wararka ayaa sheegaya in Ciidamada AMISOM qasaare ka soo gaaray qaraxaas, inkastoo aan si dhab ah loo ogeyn, hase ahaatee Kolonyo kale oo u soo gurmatay ayaa soo gaaray halka qaraxa lagula eegtay.

 

Rasaas ay fureen Ciidamada AMISOM ayaa waxaa ku dhaawacantay labo caruur ah, waxaana jira qasaarooyin kale oo la sheegayo in qaraxa iyo rasaastii xigtay ay geysteen.

 

Ciidamo ka tirsan dowladda ayaa howl galo ay ka sameeyeen halka qaraxa ka dhacay ku qab qabtay ilaa tobaneeyo ruux oo u badan dhalinyaro.

 

24-kii saac ee u dambeeyay ayaa magaalada Muqdisho waxaa ka dhacay qaraxyo iyo dilal, iyadoo ammaanka magaalada xilligan uu u muuqdo mid faraha ka sii bixi raba, kadib qaraxiii ismiidaaminta ee shalay lagu xasuuqay dad ay ku jireen Wariyeyaal.

Riix halkan(CLICK HERE)Soo booqo bogeena Ciyaarah ee jowharsport.com

 

Hoyga wararka Somaliyeed

www.jowhar.com

jowharnews@gmail.com

jowharcom@hotmail.com

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this