Sign in to follow this  
Daqane

Prof. Jawaari “Ma dhaceyso hadda ka dib Baarlaman iyo Madaxweyne isqaqabsada safaro macno daro ah”

Recommended Posts

Daqane   

Afhayeenka Baarlamaanka Soomaaliya Maxamed Cismaan Jawaari oo shalay ka qeybgalay kulan ka dhacay magaalada Muqdisho ayaa shaaca ka qaaday in laga bilaabo maanta oo axad ah Madaxweynaha cusub ee dalka uu ka howlgeli doono xafiiskiisa Villa Soomaaliya, wuxuuna intaasi ku daray inuu rajeynayo inay dhexmarto Baarlamaanka, Madaxweynaha cusub iyo xukuumadda la soo dhisi doono wada-shaqeyn buuxda, isla markaasna waxa uu sheegay inaysan dhici doonin Baarlamaan iyo Madaxweyne is’heysta oo khilaaf uu ka dhex jiro.

 

“Haddii Alle idmo ma dhici doonto Guddoomiye Baarlamaan iyo Madaxweyne isheysta, anaga Baarlamaan haddaan nahay shaqadeena waa sharci dejin, shaqadeena ayaan aqoonsan doonaa, waxaana Madaxweynaha ka fileynaa siduu noo balanqaaday inuu noo dhiso xukuumad garbo u noqota baarlamaanka” ayuu yiri Guddoomiyaha Baarlamaanka Soomaaliya.

 

Wuxuu intaasi raaciyey Guddoomiyuhu in isagu iyo xildhibaanada baarlamaanka aysan faragashan doonin arrimaha fulinta ee xukuumadda, isla markaasna Madaxweynaha ay ku ixtiraami doonaan howshiisa Madaxweynanimo.

 

Guddoomiyaha Baarlamanka ayaa sheegay in waxyaabaha Baarlamaanka laga sugayo ay tahay soo saarista sharciyo dalka iyo dadka waxtar u leh isagoo ballanqaaday in shuruuc wax ku ool ah ay dalka u sameyn doonaan.

 

“Baarlamaanka waxa uu ku ekaan doona howshiisa sharci dejinta, wixii fulin ah waxaa u deyn doonaa xukuumadda” ayuu yiri Prof. Jawaari. wuxuuna ugu baaqay Guddoomiye Jawaari xildhibaanada qurbajoogta ee ku jira baarlamaanka inay u soo diyaar-garoobaan shaqo dheer oo qaranka loogu adeegayo, ayna iska iloobaan inay dibadaha had iyo jeer u dhoofaan.

 

Jawaari wuxuu sheegay in isaga iyo xubnaha kale ee gudoonka Baarlamaanka ay diyaar u yihiin sidii shaqada Baarlamaanka ugu socon laheyd sidii loogu talogalay, isla markaasna ay meesha ka saari doonaan safaro dibadda ah oo micno darrro ah.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Daqane   

Hope inshallah that this will be true, it was so tiring watching a speaker of parliament with no idea what his remit was, interfering in everything including ambassadorial appointments.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this