Sign in to follow this  
Xaaji Xunjuf

Somaliland wadani party presents 21 candidates for the local elections in Sanaag ceerigaabo+PICS

Recommended Posts

URURKA WADANI AYAA MAGAALADA CEERGAABO GEBI AHAANBA GOLA KEENAY 21 MURASHAX EE GOLAHA DEEGAANKA DEGMADA CEERGAABO UGA LOOLAMAYA XISBIGAASI OO KU JIRO MAYERKA MAGAALADA + SAWIRO

 

Thursday September 13, 2012

 

Ceergaabo(CNN) Urur-Siyaasadeedka WADDANI ayaa magaalada ceergaabo gebi ahaanba gola keenay 21 murashax ee golaha deegaanka degmada ceergaabo uga loolamaya xisbigaasi Munaasibadii shaacinta musharaxiinta oo ku suntanayd cududa iyo awooda taageero ee ururka wadani ku dhex leeyahay magaalda ceergaabo

 

Munaasibadi shaacinta musharxaniintaso waxa kasoo qayb galay Guddoomiyaha Golaha Deegaanka ahna Maayarka Magaalada Ceerigaabo, Guddoomiyaha Urur-Siyaasadeedka WADDANI, Salaadiin, cuqaal, Madaxda Ururka ee Gobolka Sanaag, martii sharaf iyo taageerayaasha Ururka ee Degmada Ceerigaabo oo ku gaashana astaanta iyo calanka ururka wadani taaso bilicda fagaaraha munaasibada ka dhigtay mid lagu indho daraan daro.

 

Xafladaas oo taageeyaal badani iskugu yimadeen ugu horayn waxaa munaasibadaas ka hadlay Guddoomiyaha Urur-Siyaasadeedka WADDANI ee Gobolka Sanaag Maxamed Jamac Xasan Daadey, waxaanu sheegay inay ka Urur ahaan si balaadhan u soo dhawaynayaan murashaxiinta ay soo xuleen taageerayaashoodu, waxaanu carabka ku adkeeyay inay xul yihiin murashaxiinta ay soo bandhigeen “Aniga ooku hadlaya magaca Ururka WADDANI, waxaanu halkan ku soo bandhigaynaa 21 murashax ee ka sharaxan Degmada Ceerigaabo kusaas oo dhammaan tood xul ah in badana aanu ka soo fiirsanaynay, waxaana ku jira rag ruug cadaa ah oo shaqada si fiican u garanaaya, waxaanan u mahad naqayaa dhammaan taageerayaasha Ururka WADDANI ee sida xamaasadu ku jirto halkan iskugu soo baxay, waxanan leeyahay waad mahad san tihiin, Murashaxiintuna waa kuwii ugu cududa weynaa.

 

Waxaa kaloo halkaas ka hadlay Guddoomiyaha Golaha Deegaanka Ceerigaabo ahna Maayara Magaalada Ceerigaabo isla markaas ka mid ahaa Murashaxiinta xafladaas lagu soo bandhigay Ismaciil Xaaji Nuur, waxaanu sheegay inuu aad ugu faraxsan yahay inuu mar labaaad isku soo taago Golaha Deegaanka Ceerigaabo“ Taareeyashaa ururka WADDANI waxaan u soo dhawanayaa si balaadhan, farax iyo karaamo ayay i tahay inaad mar labaad isku soo taago Golaha Deegaanka ee aan Guddoomiyaha u ahay, waxanan ku farasanay taageeradiina balaadhan ee aad noo fidiseen.” Sidaas waxaa yidhi Maayarka Ceerigaaabo MD Ismaciil Xaaji Nuur, isaga oo hadalkiisa sii watana waxa uu yidhi “Markii aanu bilownay siday ahayd idinka ayaa ka markhaati ah iyo sida ay maanta tahay Ceerigaabo waayo idinka ayaa xaakim ah oo garsooraaya waxa aanu qabanay, anagu odhan mayno waxaas ayaanu qabany, shacabkaanu ka codsanayaa wixii saxda ah ee aanu qabanay inay muujiyaan, dadka meelahaas ka hadlaya idinka ayaa garsoori oo sheegi waxay yihiin.

 

Suldaan Cali Yuusuf Cabdi Bad Cas oo ka mid ahaa Salaadiinta xafladaas ka hadlay ayaa sheegay inuu soo dhawaynaayo murashaxiinta u taagan Golaha Deegaanka Ceerigaabo “Aniga oo ah Suldaan Bada cas, hadaad tihiin reer Ceerigaabo waxaan idin sheegaaya inaan idiin sahan tagay oo aan eegay Ururada iyo Xisbiyada, waxanan idin soo helay Ururka WADDANI oo ah urur miyi iyo magaalaba la leeyahay waa Ururka keliya ee la hubo inuu yahay mid bari ilaa galbeed bulashada ku nooli ku jiraan oo ah urur hogaan fiican .”

 

Sidoo kale Boqor Maxamed Nuux Aadan oo munaasibaad ka hadlay ayaa soo dhaweeyay 21 murashax ee u taagan Golaha Deegaanka Ceerigaabo “Waxaan idin qirayaa in Murashaxiintu yihiin kuwii ugu mudnaa ee ugu miisaanka cuslaa waayo waxaa ku jira aqoon yahano wadanka wax badan u soo qabtay, waxaana ka mid ah Maayarka hada talada haya, waxaanan idin sheegayaa in dadka maanta halkan iskugu yimi yihiin tiradii ugu badnaa ee Urur u soo baxa marka loo eego ururkada kale, waxaan kaloo fariin hambalyo ah idinka sidaa salaadiinti galbeed ee uu ka mid yahay Suldaan Xiiray iyo Suldaan Good.”

 

Boqor Maxamuud Cismaan oo ka mid ah Boqorada Gobolka Sanaag oo isaguna halkaas ka hadlay ayaa hoos ka xariiqay inuu ku faraxsan yahay sida loo soo agaasimay xafladaas Ururka WADDANI ku soo bandhigay Murashaxiinta u taagan Golaha Deegaanka Degmada Ceerigaabo “Ururka WADDANI dadku waxay yidhaahdeen habeenkaa wata, anagu maanta markhaati ayaanu ka nahay in habeenku wato, waayo dadka maanta halkan iskugu yimi waxay ka kooban yihiin dhamaan beelaha halkan degan .”

 

Cabdilaahi Nuur, Axmed Maxamed Cabdi, Maxamed Warsame Xirsi, Xuseen Xasan Xirsi, Xasan Askar Maxamed, Maxamed Ibraahim Cabdi (Sumuli), Maxamuud Aamiir Warsame Jaamac oo Murashaxiinta u taagan Golaha Deegaan Degmada Ceerigaabo ee xafladaas lagu soo bandhiga oo dhamaantood xafladaas ka hadlay ayaa sheegay inay ku faraxsan yihiin in Ururka WADDANI u soo sharaxo Golaha Deegaanka, waxaanay taageerayaashooda ka codsadeen sida ay xafladan ugu soo baxeen inay codayntoodana ugu soo baxaan.

 

Sidoo kale Caaaqil Maxamed Cabdi Soofe iyo Cabdilaahi Axmed Daamur oo iyaguna xafladaas ka hadlay ayaa hambalyo iyo bogaadin u soo jeediyay murasahaxiinta, waxaanay ilahay uga baryeen inay noqdaan kuwo doorashada ku guulaysta isla markaasna dadkooda iyo dalkoodaba wax u qabta

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this