Sign in to follow this  
General Duke

Mogadishu: President Hassan statement on today's blast.....

Recommended Posts

Madaxweyne Xasan Sheekh oo cambaareeyey qaraxyadi Hotel Jazeera

 

Updated About:5 mins ago

 

Madaxweynaha Jamhuuriyada Federaalka ah ee Soomaaliya Prof. Xasan Sheekh Maxamuud ayaa cambaareeyay qaraxyadii ay maanta ciidamada dowladdu fashiliyeen ee ay maleeshiyaadka Shabaab ku qaadeen hoteelkii uu degganaa, isago sheegay inaysan saameyn ku yeelan doonin ficillada noocaan ah howsha qaran ee ay masuuliyiinta dowladdu u hayaan shacabka.

 

Isagoo ku sugan madaxtooyada qaranka, ayuu madaxweynuhu ugu tacsiyeeyay shacabka

Soomaaliyeed askartii ku geeriyootay qaraxaasi ayagoo wajibaadkooda gudanaya. Wuxuuna ku tilmaamay qaraxyada fal fashilmay hase yeeshee lagu doonayay in shacabka lagu niyad jabiyo.

 

“Waxaan rabaa shacbiga Soomaaliyeed inaan u sheego, waxaas maanta dhacay iyo wax kasta oo kale oo ka weyn oo dhaca annaga naga leexin maayaan waddadii aan ku taagneyn, diiraddeenuna ma ka weecaneyso ballantii aan qaadnay iyo Kutubkii aan gacanta saarnay” ayuu yiri madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud.

 

Madaxweynaha ayaa hadalkiisa ku sheegay in weerarka ay Shabaab soo qaadeen uusan waxba

ka beddeli doonin is bedelka iyo dowladnimada uu dalku gaaray.

 

“ Waxaan rabaa inaan dadka Soomaaliyeed u xaqiijiyo, wixii maanta dhacay wax ay ka beddelayaan nimaadka cusub, isbedelka cusub iyo dowladnimada cusub ma jiraan, Wixii wanaag ahaa ee horay loo soo qabtay ayaana halkeeda ka sii wadeynaa” .

 

Cidamada ammaanka iyo Shacabka Soomaaliyeed ayuu madaxweynuhu ku boorriyay inay wada shaqeeyaan si loo xaqiijiyo nabadda ay soo hooyeen ciidamada qalabka sida ee waddanka iyo ciidamada Midowga Afrika ee AMISOM.

 

- Dhamaad –

 

Xafiiska Madaxweynaha

Moqdishu, Somalia

media@presidency.gov.so

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this