Sign in to follow this  
AYOUB

Ictisaam's Message to New President

Recommended Posts

AYOUB   

Jamaacada al ictisaam bil kitaab wasunnah oo madaxweyne Xasan sheekh u dirtay tahniyad iyo talooyin

September 11, 2012 - Written by editor

Muqdisho:-Waxaa dhowaan soo gaaray halgan.net nuqulka bayaan tahniyad iyo isugu jira talo siin oo ay Jamaacada Al-Ictisaam bil bitaabi wassunnah u dirtay madaxweynaha cusub ee Soomaaliya Prof. Xasan Sh. Maxamuud.

 

Bayaanka oo uu ku saxiixan yahay amiirka jamaacada Sh. Bashiir Axmed Salaad ayaa jamaacadu waxay* si qoto dheer ugu tahniyadeysay madaxweynaha cusub, waxayna ugu duceysay in Ilaahay solonsiiyo talada toosan, iyo in uu ku galladeysto holwadeenno wanwanaagsan.

 

Intaa kadib jamaacada Altisaam waxay madaxweynaha ugu naseexeyneysaa Alle ka cabsi sir iyo calanba, iyo in uu daacad u ahaado Kitaabka Alle iyo sunnada nabiga s.c.w. iyo in danta guud ee dalka uu ka hor mariyo danaha gaarka ah.

 

Jamaacada Al Ictisaam ayaa sidoo kale madaxweynaha ugu naseexeysay in uu u doorto xukuumadda la filayo in uu dhiso gole xukuumadeed oo lagu xulay amaano iyo karti sida ku xusan Qur’aanka kariimka ah ( إن خير من استأجرت القوي الأمين)

 

Jamaacada Ictisaam ayaa sidoo kale madaxweynaha ugu baaqday hirgelinta mashruuca Islaamiga ah dalka iyo Islaameynta nolosha mujtamaca inuu ka dhigo kan ugu horreeya barnaamijkiisa iyo hagaajinta hey’adaha dowladda gaar ahaan hey’adda garsoorka iyo tan amniga si ay u baahdo cadaaladda oo ah aasaaska ay isku taagaan madaxnimada iyo xasilloonida.

 

Jamaacadas Al-Ictisaam ayaa sidoo kale kula dardaarantay madaxweynaha in uu u sacyiyo sidii isku fillaansho loo gaari lahaa loogana kaaftoomi lahaa ku tiirsanaanta qeyrkeen, gaar ahaan arrimaha ammaanka, difaaca ilaalinta qaranimada iyo madaxbannaanida dalka.

 

Jamaacada ayaa ugu dambeyntii kula dardaarantay madaxweynaha* cusub mudane Xasan Sh. Maxamuud in khilaafaatka siyaasadeed uu ku xaliyo si nabadgalyo ah iyo in uu furo albaabada wadahadalka iyo dib u heshiisiin loo dhan yahay si looga baxo dhibaatada dabada dheeraatay ee dalku ku jiro.

 

Halkaan riix Jamaacada al ictisaam bil kitaab wasunnah oo madaxweyne Xasan sheekh u dirtay tahniyad iyo talooyin

 

Halgan.net

http://halgan.net/2012/09/11/amaacada-al-ictisaam-bil-kitaab-wasunnah-oo-madaxweyne-xasan-sheekh-u-dirtay-tahniyad-iyo-talooyin/

Share this post


Link to post
Share on other sites
AYOUB   

Well, they used to advice Sh. Sharif as well. Maybe you're right and it's some kind of reminder their kind of Mullahs "exist" and ministry of religious affair would be handy for a start. :)

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this