Sign in to follow this  
Fiqikhayre

Puntland congratulates new Somali President and the bravery shown by the new MP's to bring change

Recommended Posts

Puntland greatly welcomes the change in Somalia and especially thanks the MP's for bringing about that change by voting for an educated and young new President for the Federal Republic of Somalia and wishes the President great Success.

 

Xasan-Sheekh-Maxamuud(1).jpg

Share this post


Link to post
Share on other sites

Dawladda Puntland oo si diiran u soo dhawaysay madaxwaynaha cusub ee Soomaaliya Xassan Shiikh Maxamuud.

 

Garowe, Sept, 10 - Dawladda Puntland ayaa si diiran oo dareen leh waxay u soo dhawaysay madaxwaynaha cusub ee Jamhuuriyada Federaalka Soomaaliya Xassan Shiikh Maxamuud.

 

Madaxwaynaha dawladda Puntland Dr C/raxamaan Shiikh Maxamed Maxamuud 'Faroole' oo waraysi gaar ah siiyay BBC-da ayaa caddeeyay sida ay Puntland u soo dhawaynayso madaxwaynaha cusub ee 4-ta sano ee soo socota Soomaaliya maamuli-doona haddii-rabbi-idmo.

 

"Dhabtii waa nin aqoonyahan ah, waa nin aan filaayo inuu Soomaaliya ka samatabixin-karo dhibka maantay haysta, waa nin dhabtii daacad ah, waxaana rajo-wayn aan ka qabnaa Soomaaliya inuu gaarsiin-doono meel-wacan, dibna u soo celin-doono sharaftii iyo ciskii ay Soomaaliya xilliyadii hore aduunka ay ku lahaan-jirtay" sidaasina waxaa yiri madaxwayne Faroole.

 

Madaxwaynaha Puntland Dr C/raxmaan Sh. Maxamed Maxamuud 'Faroole' ayaa hadalkaan waxaa uu jeediyay xilli aan guddoonka sare ee baarlamaanku si toos ah ugu dhawaaqin cidda ku guulaysatay doorashada madaxwaynaha Soomaaliya.

 

Maxamed C/llaahI Cali 'Kooshin'

Radio Daljir.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Madaxweynaha Puntland oo soo dhaweeyey doorashada Madaxweynaha Cusub ee DFS

 

September 10, 2012

 

faroole.jpg

 

Madaxweynaha dowlada Puntland Dr.Cabdiraxman Maxamed Faroole ayaa soo dhoweeyey doorashada Madaxweynaha cusub ee DFS Dr. Xasan Sheekh Maxamuud wuxuuna hambalyo iyo bogaadin u diray Madaxweynaha cusub ee DFS iyo xildhibaanada dowlada Federaalka ee Soomaaliya.

 

Madaxweyanaha Puntland Dr.Cabdiraxman Maxamed Faroole ayaa ku tilmaamay madaxweynaha Cusub ee Soomaaliya Dr. Xasan Sheekh Maxamuud aqoonyahan isbedel keeni kara wuxuuna sheegay in dowladiisa ay si buuxda ula shaqeyn doonto.

 

Madaxweyanaha Puntland Dr.Cabdiraxman Maxamed Faroole ayaa sidoo kale u mahad celiyey beesha caalamka iyo dhamaan dadkii kala dhaqeeyey dhameystirka RoadMapka wuxuuna umada Soomaaliyeed u rajeeyey in ay ka baxaan dhibaatadii ay ku jirtay mudo ka badan 20sano.

 

M_M Deeq

Halgan.net

Isha maqalka BBC

Share this post


Link to post
Share on other sites

Madaxweynaha iyo Xukuumada Puntland oo hambalyeeyey Madaxweynaha cusub ee la doortey Madaxweyne Xasan Sheikh Maxamuud

 

Posted by Pi on September 10th, 2012

 

Madaxweynaha Dowlafa Puntland Dr. Cabdiraxmaan Sheikh Maxamed Faroole ayaa hambalyo iyo bogaadin u direy Madaxweynaha Cusub ee Dowlafa Feedaraalka Soomaaliya Xasan Sheikh Maxamud,.

 

Puntlandi oo daqiiqado ka hor la hadley Afhayeenka Madaxtooyada Puntland Axmed Cumar Xirsi Libaax joore wuxuu noo sheegey in Madaxweyne Faroole isagoo ku hadlayaa Magaca Xukuumafa oyo Shacabka Puntland uu u hambalyeeyey Mafaxweynaha cusub.

 

Madaxweyne Faroole wuxuu kaloo u hambalyeeyey Xildhibaadada cusub oo howl taariikhi ah qantey

Share this post


Link to post
Share on other sites

Faahfaahin: Dawlada Puntland oo u hambalyeeyay Madexweynaha cusub ee Jamhuuriyada Federaalka Soomaaliya, Shacabka iyo Xildhibaanadanada la qaybsaday Farxada Isbadelka cusub.

 

Posted by Pi1 on September 10th, 2012

 

farool.jpg

 

Garowe (Puntlandi.com):- Iyadoo Caawa si rasmi ah magaalada Mudisho cod aqlabiyad ah oo aan horay loo arag mid la mid ah loogu doortay Madexweynaha Jamhuuriyada Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheikh Maxamuud Cismaan ayaa isla daqiiqadihiiba waxaa si weyn oo niyad sami leh u soo dhaweeyay Dawlada Puntland ee Soomaaliyeed.

 

Madexweynaha Dawlada Puntland Mudane C/raxmaan Maxamed Maxamuud Faroole oo shir-saxaafadeed kooban ku qabtay xarunta Madextooyada dawlada Puntland ee Magaalada Garowe ayaa hambalyo diiran oo niyad sami ay ku dheehantahay u diray Madexweynaha Cusub ee Jamhuuriyada Federaalka ee Soomaaliya Mudane Xasan Sheikh Maxamuud.

 

Madexweynuhu wuxuu sidoo kale hambalyadan iyo Farxadan la qaybsaday dhamaan Umada Soomaaliyeed oo uu u sheegay in ay u soo bidhaantay Iftiinkii dawlad rasmi ah oo looga gudbayo kumeelgaarnimada iyo guushii dadaalkii badnaa ee Umada Soomaaliyeed oo kaashanaysa beesha Caalamka ay ku soo bixisay in

 

“Waxaan halkaas ku soo gudbinayaa Dareenkayga anigoo ku hadlaya Magacayga iyo magaca shacbiga reer Puntland, isbadelka weyn ee ka dhacay Mudisho madasha weyn ee lagu dooranayay Madexweynaha dawlada Federaalka Soomaaliya ee 4-ta sano ee soo socota, Waxaan Hambalyo iyo Bogaadin u dirayaa Madexweynaha Cusub Mudane Xasan Sheikh Maxamuud, Waxaan kaloo hambalyo u dirayaa Gaar ah oo Kasha iyo Laabta ka soo go’day Xildhibaanada Soomaaliyeed oo maanta geesinimada helay in ay isbadel cusub sameeyaan oo nin dhalinyaro ah oo aqoonyahan ah ay u doortaan, oo watiga cusub ee Kumeelgaarka laga baxay la kowsanaya aad baan uga masuud ahay, waana soo dhawaynaynaa, Waxaan Jeclahay oo kale in dawlada Cusub ay nooto midi la filaayay Dawladii Soomaaliyeed, Dastuurkii iyo Hawshii la galiyay, in lagaga saaro dhibaatada hada jirta, Maamuladii gobolada ka jiray ee Federaalka Soomaaliya ka mid noon lahaana la dardar galiyo, wadanka uu gacamaha is absado, Nabadna lagu soo dabaalo dalka ayaa soo dhawaynayaa” ayuu yiri Madexweynaha dawlada Puntland Mudane C/raxmaan Maxamed Maxamuud Faroole.

 

Madexweynaha dawlada Puntland wuxuu sidoo kale u mahadceliyay Beesha Calaamka oo uu sheegay in Umada iyo Maamulada Soomaaliyeed ay kala shaaysay hirgalinta iyo dhamaystirka Khariiradii Nabadda ee Soomaaliya oo maanta soo gabagaboobay islamarkaana lagu doortay Madexweynihii Jamhuuriyada Federaalka Soomaaliya, wuxuuna Ilaahay idinkii rajeeyay dadka Soomaaliyeed eek u kala daadsan daafaha Aduunka, Badaha, Maxaabiisyada dadlka ay tahriibta ku tageen, Xeryaha qoxootiga kuwa ku rafaadsan in Ilaahay Nasri cusub in uu u soo furo Ilaahay idinkiis, Madexweynahana nugu damabayntii wuxuu u rajeeyay guul.

 

Hadalka Madexweynaha dawlada Puntland oo uu jeediyay isla daqiiqadihii Guddoonka Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya uu ku dhawaqay Natiijadii Codka Baarlamaanka ee lagu doortay Madexweynaha Cusub Madexweyne Xasan Sheikh Maxamuud, wuxuuna muujinayaa Taageerada muuqata ee Puntland ay u hayso horayna ugu haysay israaca Umada Soomaaliyeed in helitaanka dawlad loo dhan yahay oo ka hana qaada wadanka Soomaaliya.

 

www.puntlandi.com

Share this post


Link to post
Share on other sites

Dr.Farole oo hanbalyo u direy madaxweynaha Somalia

 

11 Sep 11, 2012 - 2:44:12 AM

 

Doorashada.jpg

 

Madaxweynaha Dowladda Dr.Cabdiraxman Shiikh Maxamed ayaa hanbalyo maanta 11 September,2012 u direy Madaxweynaha cusub ee Jamhuuriyada Federaalka Dr.Xasan Shiikh Maxamuud oo xalay lagu doortey Muqdisho.

 

Dr.Farole waxa uu sheegey inay soo dhoweynayaan doorashada madaxweynaha aqoon iyo karti leh islamarkaasina rajo wanaagsan ka muujiyey in dalka isbedel uu ka dhaco.

 

‘’Waxaan halkan hanbalyo uga dirayaa Dr.Xasan Shiikh Maxamuud oo xalay loo doortey madaxweynaha Jamhuuriyada Federaalka Somalia’’ ayuu yiri Dr.Cabdiraxman Farole.

 

Madaxweynaha Puntland waxa uu ku eedeeyey gudoonka Barlamanka Somalia inay u ogolaadeen ku biirtaanka golaha rag horey loogu tiriyey hogaamiyaal kooxeedyo islamarkaasina ay celiyeen guddigi farsamo ee qaabilsanaa xulista mudanyaasha.

 

‘’Xalay Mar baan siganey waxana eedaasi iska leh gudoonka Barlamanka’’ ayuu markale yiri Dr.Farole.

 

Dhinaca kale magaalada Garowe ayaa waxa maanta ka dhacey dibad bax lagu soo dhaweynayo doorashada madaxweynaha cusub ee Somalia Dr.Xasan Shiikh Maxamuud ,waxana soo abaabuley maamulka gobolka Nugaal.

 

Dadweynaha ku dhaqaan Puntland ayaa siyaabo kala duwan u soo dhoweeyey Doorashadan waxana ay rajo wanaagsan ka qabaan in xaalada dalku isbadal inay ku timaado.

 

GAROWE ONLINE

Share this post


Link to post
Share on other sites

Puntland President Congratulates the president of federal republic of Somalia

 

Posted by Pi2 on September 11th, 2012

 

On behalf of his government and his People, the president of Puntland Dr. Abdirahman Farole sent a warm congratulation to the newly elected president of Federal Republic of Somalia Hassan Sheikh Mohamud.

 

After the new president was elected in massive votes by Somali parliamentarians, Puntland government has immediately showed their admiration to the new president.

 

In a press conference Puntland president Abdrihman Farole sent his warmth welcoming message and congratulations to Mr. Hassan Sheikh Mohamud.

 

Puntland seems they are happy about the new change because they had previously warned about some corrupted leaders to come back at Somalia’s political arena.

 

The light of hope and prosperity has just shined , and I congratulate Somali people to have new face and their effort seems successful” Says Dr. Abdirahman Farole.

 

“To show my feeling and the feeling of my people, I am happy to see the change , and I say the new president “welcome” , the new president would lead Somalia in the coming 4 years” Said Puntland president Dr. Faroole.

 

Puntland president thanked to International Community , African Union, IGAD for their effort to restore the dignity of Somali People.

 

Puntlandi.com

Share this post


Link to post
Share on other sites
“Waxaan halkaas ku soo gudbinayaa Dareenkayga anigoo ku hadlaya Magacayga iyo magaca shacbiga reer Puntland, isbadelka weyn ee ka dhacay Mudisho madasha weyn ee lagu dooranayay Madexweynaha dawlada Federaalka Soomaaliya ee 4-ta sano ee soo socota, Waxaan Hambalyo iyo Bogaadin u dirayaa Madexweynaha Cusub Mudane Xasan Sheikh Maxamuud, Waxaan kaloo hambalyo u dirayaa Gaar ah oo Kasha iyo Laabta ka soo go’day Xildhibaanada Soomaaliyeed oo maanta geesinimada helay in ay isbadel cusub sameeyaan oo nin dhalinyaro ah oo aqoonyahan ah ay u doortaan, oo watiga cusub ee Kumeelgaarka laga baxay la kowsanaya aad baan uga masuud ahay, waana soo dhawaynaynaa, Waxaan Jeclahay oo kale in dawlada Cusub ay nooto midi la filaayay Dawladii Soomaaliyeed, Dastuurkii iyo Hawshii la galiyay, in lagaga saaro dhibaatada hada jirta, Maamuladii gobolada ka jiray ee Federaalka Soomaaliya ka mid noon lahaana la dardar galiyo, wadanka uu gacamaha is absado, Nabadna lagu soo dabaalo dalka ayaa soo dhawaynayaa”

Share this post


Link to post
Share on other sites

GAROOWE : M-weynaha Puntland “Shaley waan siganee ogaada, eedaasna waxaa leh Guddoonka Baarlamaanka Somalia”.

 

September 11, 2012

 

Garoowe:-M-wenaha Puntland Dr. Cabdiraxmaan Faroole ayaa waxa uu si diiran u soo dhaweeyay M-weynaha cusub ee Somalia Pro. Xassan Sheekh Maxamuud, waxaana uu sheegey in uu aaminsan yahay in uu isbadal ballaaran ka dhalin doono dalka Soomalia, hasa ahaatee, waxa uu eed kulul u jeediyay Guddoonka Baarlamaanka isaga oo ku eedeeyay 20-kii qof ee Guddigii Farsamaddu diideen ee shelay ku biirey Baarlamaanka.

 

“Ogaada shaley waan siganey, waxaana lagu sigtey in uu buuq iyo fawdo dhacdo, ku biiritaanka 20kan Xunbnood ee Baarlamaanka waxaa eedeeda leh Guddoonka Baarlamaanka iyakaana qaadaya waxii dhibaato ah oo ka timaada ayuu yiri”.

 

Sheley oo ahayd maalintii doorashada Madaxweynaha Somalia ayaa si lama filaan ah ay Baarlamanka u soo galeen oo la dhaarshey 20 Xubnood uu badan dagaal oogayaashii kuwaas oo Guddii Farsamada ee Xulitaanka Baarlamaanku ay ka hor istaageen in ay ku biiraan Baarlamaanka, kadib markii Guddoonka Baarlamaanka uu soo jeediyay in cod loo qaado, taas oo muran kale dhalisey kadib markii 50 Xildhibaan oo joogey banaanka Baarlamaanka cod la qaadey dabadedna ay ku gudbeen tiro aad u yar.

 

Putlandpost.com

Share this post


Link to post
Share on other sites

Madaxweynaha Puntland Oo Hanbalyo u Direy Madaxweynaha Cusub Ee Jamhuuriyadda Federaalka SoomaaliyaSEPTEMBER

 

Madaxwayanaha Puntland C/rixamaan Maxamed Maxmuud Faroole oo maanta saxaafada la hadlay ayaa xusay in uu soo dhawaynaayo madaxwaynaha Cusub ee dowladda soomaliya waxaan uu xusay in Soomaaliya uu maanta uu abuurmey waa cusub oo soomaliya u horseedi kara in ay u soo noqto hanaankeedii dowladnim.

 

Madaxwayne Faroole ayaa sidoo kale xusay in xildhibaanada soomaliya uu hanbalyo gaar ah u diraayo madaama ay codkooda in ka badan 70% ay ku siiyeen xasan sheikh Maxamuud ayna yihiin barlamaan ka duwan barlamaankii hore ee Soomaliya oo uu kan hada yahay barlamaan aqoon leh.

 

Madaxwayne Faroole ayaa xusay in in shalay mar hanaanka Soomaliya uu sigtay balse markii danbe laga badbaaday in Soomaliya hanaankeeda uu khaldamo taasoo uu madaxwayne Faroole sheegay in ay dhaliisheeda lahaan lahaayeen gudoonka barlamaanka Soomaliya.

 

Madaxwaynaha Puntland ayaa ugu danbayntii xusay in uu diraayo madaxwaynaha Cusub hanbalyo kal iyo laab ah uuna yahay nin mudan in uu noqdo madaxwaynha Soomaaliya uuna leeyahay aqoon iyo karti uu ku hagaamin karo dalka

 

Horseed Media

Garowe,Somalia

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this