Sign in to follow this  
General Duke

Puntland admin people welcome new Federal Somali President..

Recommended Posts

Faahfaahin: Dawlada Puntland oo u hambalyeeyay Madexweynaha cusub ee Jamhuuriyada Federaalka Soomaaliya, Shacabka iyo Xildhibaanadanada la qaybsaday Farxada Isbadelka cusub.

Posted by Pi1 on September 10th, 2012

 

Garowe (Puntlandi.com):- Iyadoo Caawa si rasmi ah magaalada Mudisho cod aqlabiyad ah oo aan horay loo arag mid la mid ah loogu doortay Madexweynaha Jamhuuriyada Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheikh Maxamuud Cismaan ayaa isla daqiiqadihiiba waxaa si weyn oo niyad sami leh u soo dhaweeyay Dawlada Puntland ee Soomaaliyeed.

Madexweynaha Dawlada Puntland Mudane C/raxmaan Maxamed Maxamuud Faroole oo shir-saxaafadeed kooban ku qabtay xarunta Madextooyada dawlada Puntland ee Magaalada Garowe ayaa hambalyo diiran oo niyad sami ay ku dheehantahay u diray Madexweynaha Cusub ee Jamhuuriyada Federaalka ee Soomaaliya Mudane Xasan Sheikh Maxamuu.

Madexweynuhu wuxuu sidoo kale hambalyadan iyo Farxadan la qaybsaday dhamaan Umada Soomaaliyeed oo uu u sheegay in ay u soo bidhaantay Iftiinkii dawlad rasmi ah oo looga gudbayo kumeelgaarnimada iyo guushii dadaalkii badnaa ee Umada Soomaaliyeed oo kaashanaysa beesha Caalamka ay ku soo bixisay in

“Waxaan halkaas ku soo gudbinayaa Dareenkayga anigoo ku hadlaya Magacayga iyo magaca shacbiga reer Puntland, isbadelka weyn ee ka dhacay Mudisho madasha weyn ee lagu dooranayay Madexweynaha dawlada Federaalka Soomaaliya ee 4-ta sano ee soo socota, Waxaan Hambalyo iyo Bogaadin u dirayaa Madexweynaha Cusub Mudane Xasan Sheikh Maxamuud, Waxaan kaloo hambalyo u dirayaa Gaar ah oo Kasha iyo Laabta ka soo go’day Xildhibaanada Soomaaliyeed oo maanta geesinimada helay in ay isbadel cusub sameeyaan oo nin dhalinyaro ah oo aqoonyahan ah ay u doortaan, oo watiga cusub ee Kumeelgaarka laga baxay la kowsanaya aad baan uga masuud ahay, waana soo dhawaynaynaa, Waxaan Jeclahay oo kale in dawlada Cusub ay nooto midi la filaayay Dawladii Soomaaliyeed, Dastuurkii iyo Hawshii la galiyay, in lagaga saaro dhibaatada hada jirta, Maamuladii gobolada ka jiray ee Federaalka Soomaaliya ka mid noon lahaana la dardar galiyo, wadanka uu gacamaha is absado, Nabadna lagu soo dabaalo dalka ayaa soo dhawaynayaa” ayuu yiri Madexweynaha dawlada Puntland Mudane C/raxmaan Maxamed Maxamuud Faroole.

Madexweynaha dawlada Puntland wuxuu sidoo kale u mahadceliyay Beesha Calaamka oo uu sheegay in Umada iyo Maamulada Soomaaliyeed ay kala shaaysay hirgalinta iyo dhamaystirka Khariiradii Nabadda ee Soomaaliya oo maanta soo gabagaboobay islamarkaana lagu doortay Madexweynihii Jamhuuriyada Federaalka Soomaaliya, wuxuuna Ilaahay idinkii rajeeyay dadka Soomaaliyeed eek u kala daadsan daafaha Aduunka, Badaha, Maxaabiisyada dadlka ay tahriibta ku tageen, Xeryaha qoxootiga kuwa ku rafaadsan in Ilaahay Nasri cusub in uu u soo furo Ilaahay idinkiis, Madexweynahana nugu damabayntii wuxuu u rajeeyay guul.

Hadalka Madexweynaha dawlada Puntland oo uu jeediyay isla daqiiqadihii Guddoonka Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya uu ku dhawaqay Natiijadii Codka Baarlamaanka ee lagu doortay Madexweynaha Cusub Madexweyne Xasan Sheikh Maxamuud, wuxuuna muujinayaa Taageerada muuqata ee Puntland ay u hayso horayna ugu haysay israaca Umada Soomaaliyeed in helitaanka dawlad loo dhan yahay oo ka hana qaada wadanka Soomaaliya.

www.puntlandi.com

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this