Sign in to follow this  
malistar2012

DEG DEG: Xildhibaan C/raxmaan Xoosh Jibriil oo Laga Saaray Shirkii Baarlamaanka

Recommended Posts

Muqdisho (RBC) Xildhibaan C/raxmaan Xoosh Jibriil oo horey u ahaa wasiirka dastuurka ee dawlada Soomaaliya ayaa goordhow laga saaray shirka baarlamaanka kadib markii buuq iyo gacantaag uu ka dhashay baarlamaanka dhexdiisa.

 

Buuqa ayaa waxaa uu ka dambeeyay kadib markii cod loo qaaday in baarlamaanka lagu soo daro 20 xildhibaan oo ka mid ahaa xubnihii baarlamaanka horey loogu diiday inay ka mid noqdaan arintaasoo xildhibaan Xoosh iyo koox kale ay diideen.

 

Cod ayaa loo qaaday in 20 xildhibaan oo saaka soo galay shirka iyadoo gudoomiyuhu baarlamaanka uu ku dhawaaqay in natiijada ay noqotay;-

 

- 98 Haa ayey ku codeeyeen

 

- 85 Maya ayey ku codeeyeen

 

- 9 Way ka aamuseen

 

- Waxaan codeynin 50 xildhibaan oo joogay baarlamaanka

 

Waxaa arinta ka dhashay buuq iyadoo la diiday natiijada hase yeeshee gudoomiyaha baarlamaanka ayaa amray in dibadda loo saaro cid kasta oo buuq keenta waxaana la saaray xildhibaan C/raxmaan Xoosh Jibriil.

 

Xildhibaanada la fasaxay waxaa ka mid ah Maxamed Qanyare Afrax oo hadda kadib ah xildhibaan.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Abwaan   

Xoosh meesha ciyaal squunimo ayuu ku hayey, isaga iyo Cumar Calasoow baan arkayey oo gacmaha taagtaagayey. Muddo daqiiqado ah ayaa laga codsaday inay buuqa daayaan, wayna iska dhego tireen. Haddii uu Shariif Sakiin kula yaabanaa Sharciga inuu ku tumanayey sidee buu isaguna waxaan ugu kacay waa yaabe? Waxay ku tusaysaa sidaan meeshan rag badani waxba isku dhaamin. Ceeb ka weyn ma jirto adigoo ahaa wasiir hore ee dastuur oo ku faanayey inaad process-kaan qayb weyn ka ciyaartay, anshax-xumo darteed bannaanka laguu xooro.:D

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this