Sign in to follow this  
General Duke

If the two Sharif's are so confident why do they want to meet Jawaari at this point?

Recommended Posts

Don’t let the parties fool you and the staged demonstrations. Sharif Ahmed is not a confident man, his presentation was lackluster, his repeated attempts to get the warlords into the Parliament has failed.

However the question that I have for his supporters is why he wants to hold closed door talks with Jawaari on the eve of the elections?

Share this post


Link to post
Share on other sites

Waxaa habeenimadii xalay kulan ku yeeshey Xarunta Madaxtooyada ee Villa Somali Madaxweynaha xilkiisu dhamaadey iyo Guddoomiyaha Baarlamaanka Jamhruuriyadda Federaalka ah ee Soomaaliya.

 

Xog Horseed Media heshey ayaa sheegaysa in kulankan uu dalbadey Musharax Shariif Shiikh Axmed Madaxweynihii hore ee Soomaaliya, Shariifka ayaa doonayey in kulanku noqdo mid qarsoodi ah, waxaase taas diidey Prof.Maxamed Shiikh Cismaan Jawaari, waxaana uu sheegay in aanu waqtigan kulan qarsoodi ah la yeelan karin mid kamid ah Musharixiinta.

 

Sidoo kale Prof.Jawaari ayaa diidey in Madaxweynuhu ku qaabilo xafiiskiisi, waxaana kulanku ka dhacay Hool yar oo ku dhexyaala Madaxtooyada, sida sharcigu qabo Madaxweyne Shariif waxa Mandete-kiisi ka dhacay 20 August 2012, waxaana kusimaha rasmiga ah Guddoomiyaha Baarlamaanka oo Adduunku kala hadli karo wixii ku sabsan Soomaaliya, sida ku cad dastuurka.

 

Shariifka ayaa ka codsadey Jawaari in uu taageero siiyo maanta, isla markaana ay wada shaqeyn jooogta ah dhexmareyso una ballan qaadey waxkasta oo uu u baahan yahay.

 

Shiikh Shariif ayaa sidoo kale kala hadley Jawaari in uu oggolaado ka hor berri in dagaal oogayaashii loo dhaariyo Baarlamaanka oo uu joojiyo hor istaaga, Wararka Horseed Media ka heleyso xubno ku dhaw Guddoomiyaha Baarlamaanka ayaa sheegaya in Jawaari uu ku adkeystey in guddi loo saarey arrintaas meel fiicana ay marayso.

 

Hadal wada jir ah oo ay saxaafadda siiyeen kulankooda kaddib ayaa Jawaari sheegey in Xubnaha ka dhiman Baarlamaanka aanu u baaqaneyn shirka berri lagu dooranayo Madaxweynaha.

 

Si kastaba ha ahaatee Shariifka ayaan ka helin afhayeenka sidii uu filayey waxaana uu kala kuolmey weji gabax, waxaana uu saxaafadda u sheegay in ay kawada hadleen sidii ay waxkasta ugu dhici lahaayeen qaabkii loogu talo galay.

 

Dhanka kale wararkii u danbeeyey ayaa sheegaya in Shariif Shiikh Axmed uu samaystey Isbahaysi weyn si uu ugu guulesyto marlabaad xafiiska Madaxweynaha, waxaana sibahaysigaas ku jira Shariif Xassan Shiikh Adam oo saameyn kuleh qaar badan oo kamid ah Xildhibaanada.

 

Horseed Media

Muqdisho, Somalia

Share this post


Link to post
Share on other sites

Prof: Jawaari iyo Sheekh Shariif oo kulan yeeshay habeenkii xalay

 

Muqdisho(WNT)-Madaxweynahii xilkiisu dhamaaday ee dowladdii KMG ahayd ee Soomaaliya Shariif Sheekh Axmed ayaa xalay kulan la yeeshay guddoomiyaha baarlamaanka federaalka Soomaaliya, Prof. Maxamed Sheekh Cismaan Jawaari.

 

Labada masuul ayaa ka wada hadlay doorashada madaxweynenimo oo dhacaysa maalinta berri ah ee 10 bishan aynu ku jirno,waxaana kulankaasi ka dhacay guriga guddoomiyaha baarlamaanku uu ka degan yahay magaalada Muqdisho.

 

"Waxaan ka wada hadalay aniga iyo Sheekh Shariif sidii loo howlaha harsan loogu dhameystiri lahaa si wanaagsan, baarlamaanka howshiisana uma hakanayso dhowr xildhibaan oo ka maqan baarlamaanka," ayuu yiri Prof. Jawaari.

 

Dhinaca kalena Jawaari ayaa mar uu ka hadlayey in xildhibaannada horay looga reebay inay ka mid noqdaan baarlamaanka ee ay xukuntay maxkamadda sare ay u saareen guddi ka soo shaqeeya, inta go'aan laga gaarayana aysan arrintan darted u hakan doonin howlaha baarlamaanka.

 

Dhankiisana Madaxweynaha xilku ka dhammaaday Shariif Sheekh Axmed oo isaguna la hadlayey warbaahinta ayaa sheegay in waxyaabihii ugu waaweynaa ee ay ka heleen ay ka mid ahaayeen sidii lagu dhameystiri lahaa howlaha harsan oo ay ugu muhiimsan tahay doorashada la filayo inay beri dhacdo.

 

Shariif ayaa geed dheer iyo geed gaabanba u fuulay sidii golaha baarlamanka ay ku soo geli lahaayeen qab qablayaashii dagaalka, oo la aaminsan yahay in Soomaaliya ka gaysteen tacadi aad u xooggan,lana aaminsan yahay in yihiin denbiilayaal.

 

Horay ayaa saxiixayaashii Road map ay ku heshiiyeen oo saxiixeen inaan baarlamanka cusub lagu soo darin dad danbiila yaal ah

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this