Sign in to follow this  
malistar2012

Banaanbax Lagu Taageerayo In Madaxweyne Shariif Uu Markale Qabto Xilka Madaxweynenimo Oo Afgooye Ka

Recommended Posts

Banaanbax lagu taageerayo in Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Shariif Sheekh Axmed uu markale qabto xilka madaxweynenimo ee Dalka ayaa maanta ka dhacay degmada Afgooye ee gobolka Shabeelada Hoose.

 

Banaanbaxan oo ahaa mid aad u ballaaran ayaa waxaa kasoo qeybgalay qeybaha kala duwan ee bulshada ku dhaqan degmada Afgooye iyo deegaannada hoos yimaada ayadoo banaanbaxaasina ay hogaaminayeen waxgaradka degmada.

 

Banaanbaxayaasha ayaa socod dheer ku maray wadooyinka degmada Afgooye ayaga oo sitay sawirrada Madaxweyne Shariif islamarkaana waxey ku dhawaaqayeen ereyo ay ka mid yihiin “Halgame Sheekh Shariif noosoo laabo” “Aabihii Nabad Noo Dhaliyayoow Na Hogaami Markale” iyo halku dhigyo kale oo badankood ay kuu muujinayeen waxqabadka Madaxweyne Shariif Sheekh Axmed mudadii uu xilka hayey.

 

Qaar ka mid ah Waxgaradka degmada Afgooye oo banaanbaxayaasha kula hadlay fagaare ku yaala degmadaasi oo ay banaanbaxayaasha ugu dambeyn isgusoo urureen ayaa tilmaamay in sababta ay banaanabaxan usoo qaban qaabiyeen ay tahay iney ku muujiyaan dareenkooda ku aadan in Madaxweyne Shariif uu markale qabto xilka Madaxweynenimo ee Dalka maadaama ay arkeen mudadii uu xilka hayey waxqabadkiisa.

 

Waxgaradku waxey xuseen in Madaxweyne Shariif Sheekh Axmed sababaha ugu waaweyn ee ay ku taageerayaan ay tahay ka xoreyntii uu deegaannadooda ka xoreeyey cadowga Al-Qaeda iyo inuu leeyahay sababta maanta dalka loogu qabanayo doorasho xor ah islamarkaana dowlad loogu dhisayo iyo in KMGkii uu dalka ka saaray.

 

Madaxweyne Shariif Sheekh Axmed ayaa Seddaxdii sano ee lasoo dhaafay hayey xilka Madaxweynenimo ee Dalka ayadoo hadana uu ka mid yahay musharixiinta u taagan xilka Madaxweynenimo ee Dalka.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this