Sign in to follow this  
General Duke

8 musharax baa ilaa hadda buuxiyay shuruudihii madaxweynenimo

Recommended Posts

8 musharax baa ilaa hadda buuxiyay shuruudihii madaxweynenimo

 

Posted by SEK5 on September 5th, 2012

 

 

Gudiga Doorashada Madaxweynaha Soomaaliya ayaa maanta sheegay in 8 musharax oo kaliya ay ilaa iminka buuxiyeen shuruudaha codsiga madaxweynenimo.

 

Musharixiinta ayaa ka mid ah 37 murashax oo Guddiga doorashada ka qaatay foomamka codsiga.

 

Afhayeenka guddiga doorashada madaxweynaha, xildhibaan Cismaan Libaax oo la hadlay saxaafadda maanta ayaa sheegay in 8 murashax oo ka mid ah xubnaha doorashada madaxweynimo u taagan ay illaa hadda u soo gudbiyeen foomam ay kusoo buuxinayaan shuruudaha looga baahan yahay. Wuxuu sheegay in 5 musharax ay saaka soo buuxiyeen shuruudaha, 3-na ay galabta soo buuxiyeen.

 

Murashaxiinta illaa iyo hadda foomamkii shuruudaha soo buuxiyay waxay kala yihiin:

 

1) Dr. C/weli Maxamed Cali Gaas

 

2) Dr. C/raxmaan Macallin C/llaahi (Baadiyoow)

 

3) Maxamed Cabdullaahi Farmaajo

 

4) C/llaahi Axmed Caddoow

 

5) C/weli Cilmi Goonjeex

 

6) Prof. Axmed Ismaciil Samatar

 

7) Xasan Sheekh Maxamuud

 

8) Shariif Shiikh Axmed

 

Afhayeenka guddiga doorashada Cismaan Libaax ayaa sheegay inay berri ku egtahay arji qabashada oo wixii berri ka danbeeya aan la qaban doonin wax araaji ah.

 

Murashaxiinta u taagan xilka madaxnimo ee Soomaaliya oo maanta araajidooda gudbiyay ayaa waxaa kusoo biiray xubno uu ka mid yahay Maslax Maxamed Siyaad .

 

Doorshada madaxweynaha somalia ayaa la sugayaa inay dhacdo10-ka bishaan.

 

 

 

Xafiiska Muqdisho

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this