Sign in to follow this  
Dr_Osman

Somalilanders Getting The Federal Republic Of Somalia Passports In Garowe.

Recommended Posts

Dr_Osman   

Xog rasmi ah: Reer Somaliland oo noqdey dadka ugu badan ee Puntland u yimaada qaadashada Baasaboorka Federaalka ee Jamhuuriyada Soomaaliya (Warbixin)

 

Posted by Pi on September 4th, 2012

 

Garowe (Puntlandi) Laanta socdaalka iyo jinsiyaddaha dowladda Federaalka ah Soomaaliya ee Garowe ayaa dadka ugu badan ee Baasaboorada Dowladda Federaaliga ah ee Soomaaliya ka qaata waxay yihiin dadka reer Somaliland, xiligan oo la isku diyaarinayo soo gudashada waajibaadkaka xajka xafiiska Garowe ee baasaboorada baxsha waxa uu ku jiraa xiligiisii ugu shaqada badnaa.

 

Xarumaha laga bixiyo Baasaboorada ee Puntland waa Boosaaso, Garowe iyo Gaalkacyo dadka ugu badan ee Baasaboorada Federaalka ka qaata waa dadka Somaliland sida ay ogaatey Shabakada Puntlandi oo baaris ku samaysay, Gaalkacyo iyo Boosaaso waxaa baasaboorada ka qaata dadka masuuliyiinta ah iyo ganacsatada kuwaas oo diyaarad uga daga Boosaaso iyo Gaalkacyo halka kuwa Garowe ka qaatana ay yihiin dhalinyarada, waayeelka iyo haweenka aysan u suurta galin inay diyaar raacaan waxayna ku yimaadaan baabuur ay kasoo raacaan Boorama, Hargaysa, Berbera, Burco, Ceerigaabo iyo magaalooyinka kale.

 

Masuuliyiinta Wasaaraddaha Somaliland qaar kood sida agaasime waaxeedyada, madaxda mashaariicda ee Wasaaraddaha, Madaxda hay’adaha dowliga ah ee madaxa banaan ee Somaliland iyo Ganacsatada Somaliland waxay u yimaadaan Puntland qaadashada Baasaboorka cusub ee Soomaaliya si ay ugu safraan masuuliyiintu shirarka iyo tabobarada ay caalamka iyo wadamada dariska uga qaybgalayaan halka ganacsataduna ay ku aado Baasaboorka cusub wadamada Africa iyo carabaha ilaa Bariga fog si ay ugu suurta gasho inay ganacsigooda si xor ah ugu dhoofaan meeshii ay badeeco kasoo iibsanayaan.

 

Mid ka mid ah masuuliyiinta Wasaaraddaha Somaliland oo wariyaha Puntlandi kula kulmey Garowe isagoo baasaboor soodoontey kana gaabsaday magiciisa waxa uu sheegay in baasaboorka cusub uu qaadanayo danta uu ka leeyahayna ay tahay inuu wadamada dariska u aado tabobar sida Kenya iyo Kampala oo labaduba aan ogolayn in baasaboorkii hore ee Soomaaliya lagu tago. masuulkan oo ah agaasime waaxeed waxa uu Puntlandi u sheegay in masuuliyiin badan ay Gaalkacyo, Garowe iyo Boosaaso u yimaadaan qaadashada baasaboorka cusub oo aysan ahayn wax isaga uu bilaabayo balse uu hadda u joogo Garowe inuu baasaboorka qaato maadaama aan xafiis baasaboorada ah laga helayn Hargaysa iyo magaalooyinka Somaliland.

 

Maamulka Somaliland waxa uu iskiis u samaystey Baasaboor kaas oo ah mid fadhiid ah oo aan meelna lagu aadi karin oo ay xukuumadu ku beerlaxawsato shacabkeeda in baasaboorka la aqoonsan yahay balse waxay runtu tahay in masuuliyiinta Somaliland ay intooda badani wataan baasaboorka cusub ee dowladda Federaalka ah ee Soomaaliya, hargaysa waxaa looga yaqaan Baasaboorka dowladda Federaalka ah ee Soomaaliya “Baasaboorka Cabdillaahi Yuusuf” oo ay ula jeedaan waxaa samaysatey dowladdii AUN C/laahi Yuusuf Axmed Madaxwaynihii hore ee Soomaaliya, Madaxda Wasaaradaha Somaliland waxay kaga dhoofaan Hargaysa iyo Barbara oo aykaga soo dagaan baasaboorkooda fadhiidka ah iyadoo marka ay dalalka dariska ah iyo kuwa caalamka ah ka dagayaana ay soo dhawaystaan Baasaboorka Federaalka Soomaaliya uuna yahay Baasaboorkan midka ay Fiisaha dal ku galka ku dalbadaan waxayna marka ay garoomada ka dagaan lasoo baxaan baasaboorka Federaalka Soomaaliya iyagoo kan Somaliland ay leedahayna ay galiyaan meesha ugu danbaysa shandadaha ay masuuliyiintu wataan.

 

Cabdi Yusuf Geeljir

Puntlandi

Garowe

Share this post


Link to post
Share on other sites
Daqane   
No no they will insist they have their own passports they can use to traverse the world such as ethiopia and djibouti...

Share this post


Link to post
Share on other sites
Tallaabo   

Oh the usual articles. And the author forgot to mention that the government of Somaliland uses your blue flag when travelling abroad.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Xarumaha laga bixiyo Baasaboorada ee Puntland waa Boosaaso, Garowe iyo Gaalkacyo dadka ugu badan ee Baasaboorada Federaalka ka qaata waa dadka Somaliland

Kaasi xataa beenta ma sheegi yaqaan ,,,, Intay Garowe dhaafaan bay Galkacyo u doontaan ?? :D

Share this post


Link to post
Share on other sites

with all these new threads from puntlanders shows they lost the presidency & primiership in Mogadishu.

Sharif and Farmajo....it's official.

they no longer argue with Oba & turn their attention else where:D

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this