Sign in to follow this  
Xaaji Xunjuf

Cali sandule with his xaqsoorparty gets a hero's welcome in Sool Laascaanood+VIDEO

Recommended Posts

REER LAASCAANOOD OO MAANTA SI AAN HORE LOO ARAG U SOO DHAWEEYEY GUDOOMIYE KU XIGEENKA URURKA XAQSOOR IYO WAFTI UU HOGAAMINAAYO+ SAWIRO

 

Sunday September 02, 2012

 

 

 

Laascaanood ( CNN)- Gudoomiye ku xigeenka urur siyaasadeedka Xaqsoor Md Cali Maxamuu Axmed (Cali Sandule) iyo wafti balaadhan uu hogaaminaayo ayaa maanta si weyn loogu soo dhaweeyey magaalada Laascanood ee Xarunta Gobolka Sool.

Soo Dhaweynta gudoomiye ku xigeenka ahna murashaxa ururka Xaqsoor ayaa guud ahaan laga soo dhaweyey Gobolka Sool, waxaanay reer Sool oo oodohoogii wataa kaga horyimaadeen deegaanada Yogori, Guumaysay iyo tuulooyinka yar yare ee dhanka galbeed ka soo xiga magaalada Laascaanood.

 

 

Taageerayaal aad u tiro badan iyo baabuur xad dhaaf aha ayaa kaga horyimi Adhicdaysay iyo Yogori, kuwaas oo ilaa magaalada galbiyey waftiga iyo gudoomiye ku xigeenka ururka Xaqsoor.

 

 

Dadweynaha magaalada Laascaanood ayaa gudoomiye ku xigeenka ururka Xaqsoor u muujiyey taageerada balaadhan ee ay u hayaan ururka iyo Cali Sandulaba, waxaana guud ahaan la kala xidhay isku socodka baabuurta, waxaana mar kaliya xidhmay wadada dheer ee magaalada Laacaanood dhex marta.

 

 

Reer Laascaanood waxay guud ahaan hareero tubnaayeen soo dhawaynta gudoomiye ku xigeenka Xaqsoor ageed laamiga dheer ee magaalad Bariga uga baxa, waxaanay laamiga la tubnaayeen calamada ururka Xaqsoor iyo caleemo qoyan oo ay ka jarteen dhirta hareeraha wadada ku taalay.

 

 

Gudoomiye ku xigeenka ururka Xaqsoor Cali Sandule ayaa Hotel Xamadi ee magaalada Laascaanood kula hadlay taageerayaasha soo dhaweeyey, waxaana u sheegay in aanu marnaba abaal kooda gudi karin, isaga oo ilaahay uga baryey in uu badalkeeda siiyo.

 

 

Sidoo kale Cali Sandule ayaa halkaasi ka shaaciyey in maalinta bariah la shaacin doono dhamaan murashaxiinta golaha deeganka ee magaalada Laacaanood uga qayb galaysa, waxaanu sheegay inuu la tashiyo la samayn doono odayaasha iyo waxgaradka gobolka, si buu yidhi loo soo xulo dad tayo leh oo gobolka iyo magaaladaba waxqabad dhab ah u sameeya.

 

 

Cali Sandule ayaa wax laga xumaato ku tilmaamay laamiga magaalada Laascanood, gaar ahaana jidka laamiga ah ee u dhexeeya Laascaanood iyo Adhicadays oo burbur bani soo gaadhay, waxaanu ugu baaqay dhamaan qurba jooga Xaqsoor iyo kuwo gobolka u dhashay in maalmaha soo socda jidkaas la dhiso.

 

 

Ugu danabyntii gudoomiye ku xigeenka ururka Xaqsoor wuxuu soo dhawayn kala kulmay intii uu jidka ku soo jiray tuulooyinka, Yogori, Adhi cadays, Guumays, Caynaba oo ah xarunta gobolka Saraar.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Tallaabo   

Mooge;863807 wrote:
stooge will always be a stooge.

Of course you tribalists will still be calling him stooge even if he is elected Somaliland's president or vice president.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this