Sign in to follow this  
General Duke

Mogadishu: Somali Speaker meets International Community..PIcs

Recommended Posts

Gudoomiyaha Baarlamaanka oo kulan la qaatey Beesha Caalamka

.August 29, 2012 18:21 0 Comments

--------------------------------------------------------------------------------

 

 

Gudoomiyaha Baarlamaanka Soomaaliya Prof Maxamed Cusmaan Jawaari ayaa maanta kulankiisii ugu horeeyey la yeeshey wakiilo ka socday beesha caalamka oo uu danjire Augustine Mahiga Kamid yahay.

Wakiiladan oo ka socdey Midowga Yurub oo ay kamid yihiin Talyaaniga,Ingiriiska, Norwey,wakiilka Mareykanka uqaabilsan Soomaaliya,wakiilada IGAD, iyo xubno kale oo ka tirsan hay’adaha Gargaarka.

kulankan oo ahaa mid isbarasho ah ayaa waxaa markuu soo dhamaadey saxaafada la Hadley Gudoomiyaha Baarlamaanka Soomaaliya Prof Jawaari oo sheegey iney fursad weyn u aheyd inuu maanta la kulmo wakiiladan ka socdey midowga Yurub iyo Mareykanka,isagoo intaasi ku darey inuu ahaa kulankani mid isbarasho iyo sidii labada dhinac iskaashi uu u dhexmari lahaa.

 

Alex Rondos oo ah ergeyga midowga Yurub ee Arimaha Soomaaliya oo isna Hadley ayaa sheegey iney ka go’an tahey iney taageero siiyaan Baarlamaanka Soomaaliya,isagoo doorashada Jawaarina ku tilmaamey tallaabo hormar leh ayna aad u soo dhaweynayaan, wuxuuna sidoo kale ka codsadey in doorashada madaxweynaha si dhaqso ah loo qabto.

 

Dhinaca kale Afhayeenka Baarlamaanka Soomaaliya ayaa sheegey iney ka go’antahey in si dhaqso ah loo qabto oo uusan dib u dhac ku imaaneyn doorashada madaxweynaha Soomaaliya,wuxuuna xusey in maalinamada Beri ah ay baarlamaanku kulmi doonaan kana tashan doonaa habka ay doorashada Madaxweynuhu u dhaceyso.

 

Dajire Augustine Mahiga ayaa sheegey iney tahey rajo hormar lagu gaari doono wuxuuna gudoomiyaha baarlamaanka ku booriyey in doorashada madaxweynaha ay dhacdo mudo 10 cisho gudahooda.

 

Ilaa iyo hada ma jirto xili sax ah oo loo qabtey iney dhacdo doorashada madaxweynuhu iyadoo horey uu qorshuhu ahaa 20kii August balse uu dib u dhac ku yimi waqtigaasi taasoo ay ka timi kadib dib udhaca ku yimi soo xulida baarlamaanka oo murano ka dhasheen.

 

Si kastaba ha ahaatee madaxdii kulanka laqaadatey Gudoomiyaha Baarlamaanka ayaa waxey ku booriyeen iney dardar galiyaan doorashada madaxweynaha Soomaaliya,iyadoo beesha caalamku ay siweyn u sugayso bal sida ay u dhacdo doorashada madaxtinimada Soomaaliya oo noqoneysa mid taariikhi ah.

 

Horseed Media

Muqdisho Somalia

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this