Sign in to follow this  
NGONGE

Somalia: Why East Africa and the world are watching closely as Somalia votes

Recommended Posts

AYOUB   

^^Your I*r*r man waa neefsan karaa markan , Ayuubow , bal hoos aqri

:):) My backing of Sh. Sharif is political not tribal. A lot of folks believe we can do The Business with him. :)

Share this post


Link to post
Share on other sites

^^In Somalia, politics are in nature tribal:D

 

More news on the topic;

 

Shiikh Shariif oo degmo cusub magacaabay, xili uu waqtigii ka dhacay dowladii uu madaxweynaha ka ahaa

 

Madaxweynaha dowlada KMG Somalia ee waqtigiisu dhamaaday Shariif Shiikh Axmed ayaa maanta degmo cusub ku kordhiyey degmooyinka gobolka Bay ka dib wareegto ka soo baxday xafiiskiisa.

 

Madaxweynaha ayaa wareegtada ku sheegay in degmo loo magacaabay degaanka Goof-guduud oo ka tirsan gobolka Bay ka dib markii ay arintaas soo jeedisay wasaarada arimaha gudaha ee dowlada KMG Somalia sida wareegtada ku xusan.

 

Madaxweynaha ayaa todobaadyadii u dambeeyey si is daba joog ah u soo saarayey wareeegtooyin lagu magacaabayey degmooyin cusub oo lagu daray qaar ka mid ah gobolada dalka, arintaasoo ay si cad uga soo horjeesteen golaha wasiirada ee xukuumada KMG Somalia ee uu waqtigeedu dhamaaday.

 

Hase ahaatee wareegtadan ayaa ku soo aaday xili labo maalin ka hor oo ku beegneyd 20-kii bishan uu guud ahaan waqtigii ka dhacay madaxda dowlada KMG ah oo isu bedelay ku-simayaal sii gaarsiinaya madaxda la dooran doono, waxaana dad badan ay isweydiinayaan sida ay sharci ku noqon karto wareegto ka ka soo baxday madaxweyne markii horeba KMG ahaa oo haatana uu waqtigii ka dhacay.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Liibaan   

sharif-mahiga-a-kreem.jpg

 

MadaxWeyne Sheikh Shariif Iyo Mahiga " Waxaa Loo-Baahan Yahay In Baarlamaanka Lagu Soo Daro shakhsiyaadka Ay Soo Magacaabaan Odayaasha Dhaqanka Soomaaliyeed"

 

 

Waxaa goor dhaw si wadajir leh Saxaafadda Magaalada Muqdisho ugula wada-hadlay Madaxweyne Shariif iyo Dr Augustine Mahiga, ka gadaal markii kulan ballaaran ay ku yeesheen Magaalada Muqdisho.

Madaxweynaha Dowladda Kmg ah ee Soomaaliya Mudane Shariif Sheekh Axmed iyo Ergayga Gaarka ah ee Qaramada Midoobe u Qaabilsan Arrimaha Soomaaliya Dr Augustine Mahiga, ayaa waxay kulan ay uga hadleen sidii hogaamiye kooxeeyadii loogu soo dari lahaa Xildhibaanada Baarlamaanka cusub.

Madaxweyne Shariif ayaa wuxuu shaaca ka qaaday in xilligaan laga baxaayo Xilligii Ku Meel Gaarka, lana doonaayo buu yiri in la-dhaqan geliyo Roadmap-ka, isla-markaana haddii aan hogaamiye kooxeeyada lagu soo darin ayaa wuxuu sheegay inay keyni kareyso arin khatar badan, sida uu sheegay.

Madaxweynaha ayaa wuxuu tilmaamay inaysan jirin sabab ama ujeedo gaar ah oo hogaamiye kooxeeyadii looga saari karo buu yiri Baarlamaanka cusub, maadaama aysan jirin buu yiri wax dambiyo ah oo ay Maxkamad ku heshay.

Sidoo kale wuxuu sheegay inay wanaagsan tahay inaan shaki iyo murun toona la-gelin ka mid noqoshada hogaamiye kooxeeyadii ay kaga mid noqonayaan Xildhibaanada Baarlamaanka cusub ee xilligaan dalka loo-sameynaayo.

Ergayga Gaarka ah ee Qaramada Midoobe u Qaabilsan Arrimaha Soomaaliya Dr Augustine Mahiga, oo goobtaasi isna ka hadlay ayaa ka gaabsaday in u ka hadlo arinta uu murunka badan ka taagan yahay ee hogaamiye kooxeeyadii, oo xilligaan dib loogu soo daraayo Baarlamaanka cusub.

Hase yeeshee Dr Augustine Mahiga ayaa wuxuu sheegay in uu soo jeedinaayo in si deg deg ah lagu soo dhameystiro Xildhibaanada Baarlamaanka cusub, isagoona si maldahan u sheegay in loo-baahan yahay in Baarlamaanka lagu soo daro shakhsiyaadka ay soo magacaabaan Odayaasha Dhaqanka.

Mahiga ayaa saacadihii la-soo dhaafay ogolaaday in hogaamiye kooxeeyadii lagu soo daro Baarlamaanka cusub, bacdamaa uu sheegay inay sidaasi ogolaatay Qaramada Midoobe, isla-markaana aysan jirin buu yiri wax dambiyo ah oo lagu helay.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this