Sign in to follow this  
MoonLight1

Shariif announces more clan districts.

Recommended Posts

Wareegtoyinka madaxweyne Shiikh Shariif uu ku magacabayo gobolo iyo degmooyinka cusub oo sii kordhaya

 

Madaxweynaha dowlada KMG Somalia Shariif Shiikh Axmed ayaa iska sii wada magaabida degmooyin cusub oo hor leh, iyo gobolo cusub oo lagu kordhiyey goboladii dalka horey uga jiray gaar ahaan koonfurta Somalia xili ay arintaas sharci daro ku tilmaameen RW Gaas iyo golihiisa wasiirada ee waqtigoodu dhamaaday.

 

Madaxweynaha ayaa shalay soo saaray saddex wareegto oo mid ka mid ah degmo loogu aqoonsaday degaanka Jameeca Jilyaale oo ka tirsan gobolka Sh/Dhexe laga bilaabo 16 Febraayo sanadkan 2012-ka.

 

Wareegtaad 2aad ayuu madaxweynuhu dagmo buuxda ugu aqoonsaday degaanka Shaw oo ka tirsan gobolka Hiiraan laga bilaabo taariikhda marka ay aheyd 30-ka June sanadkan 2012-ka, waxaana sidoo kale wareegtooyinkaas degmo cusub loogu aqoonsaday degaanka Gamboole oo ka tirsan gobolka Sh/dhexe laga soo bilaabo taariikhda marka ay aheyd 30-kii June sanadkan 2012-ka.

 

Wareegtooyinkan ayaa wasaaradda arrimaha gudaha ugu baaqay in ay dhameystirto waxyaabaha ay u baahan tahay degmo waliba si loo horumariyo kaabayaasha dhaqaale, amaanka garsoorka iyo waxyaabaha kale ee ay u baahan yihiin dagmooyinkaas bulshada ku nool.

 

Sidoo kale kulan shalay ka dhacay magaalada Muqdisho ayaa waxaa lagu soo bandhigay wareegto kale oo lagu magacaabay gobol cusub oo ka mid noqonaya gobolada dalka ka dib markii la sheegay in la kala jaray gobolka Hiiraan, waxaana wareegtada lagu sheegay in gobolka cusub loo bixiyey gobolka Shabeellaha sare kaasoo xaruntiisu noqon doonto degmada Buulo Burde.

 

Arinta magacaabida degmooyinka iyo gobolada cusub ayaa muran badan ka dhalisay madaxda dowlada, iyadoo wareegto ka soo baxday xafiiska Raisul wasaaraha lagu sheegay in talaabooyinka uu madaxweynuhu qaadayo ay yihiin kuwo sharci daro ah oo aan waafaqsaneyn nidaamka dowliga ah, hase ahaatee madaxweynaha ayaa sheegay in magacaabida degmooyinka aysan ka hor istaagi karin golaha wasiirada iyo raisul wasaaraha.

 

dayniile.com

Share this post


Link to post
Share on other sites

it seems shabeelada dhexe which is one of the smallest regions in Somalia has more districts than any other region, Thanks to Sheekh Shariif aiming to leave tolka on high note.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this