Sign in to follow this  
General Duke

Historic moment- The Birth of the Federal Republic of Somalia...

Recommended Posts

IMG_9275.jpg

 

Guddoomiyaha KMG ah ee Baarlaaanka cusub ee Soomaaliya Jen. Muuse Shiikh Xasan Cabdulle

 

--------------------------------------------------------------------------------

Isniin, August 20, 2012(HOL): Sidii aad kula socoteen wararkeennii hore waxaa hool ku yaalla garoonka diyaaradaha Muqdisho ka socotay dhaarinta xildhibaannada Baarlamaanka cusub ee Soomaaliya, kuwaasi oo tiradoodu dhammeyd 211 Mudane, waxaana dhaarintaas kaddib guddoomiye kumeel gaar ah loo doortay Jen.Muuse Shiikh Xasan Cabdulle Xasan.

 

Jen. Muuse Shiikh Xasan Cabdulle Xasan oo xilkan si KMG ah u sii heyn doona illaa iyo inta laga soo dooranayo guddoomiye Baarlamaan oo rasmi ah ayaa wuxuu ka tirsanaa Ciidamadii qalabka siday ee Soomaaliya, waana Xildhibaanka ugu da’da weyn xildhibaannada baarlamaanka cusub ee Soomaaliya, iyadoo ay da’diisu tahay 72 sano.

 

Guddoomiyaha KMG ah ee Baarlamaanka Soomaaliya ayaa hadal uu jeediyay markii xilka loo doortay kaddib waxaa uu ku sheegay in uu shacabka Soomaaliyeed u hambalyeynayo, ayna maanta heleen dowlad aan kumeel gaar ahayn.

 

Kaddib waxaa uu ka sii hadlay howlaha horyaalla Baarlamaanka cusub ee Soomaaliya, wuxuuna sheegay in berri laga billaabo ilaa 25 bishan ay musharrixiinta jagada Guddoomiyaha Baarlamaanka ay soo gudbin karaan musharraxnimadooda, iyagoo la xiriiri doona guddi doorasho oo uu magacaabi doono, kaasi oo shaqeyn doona 9-ka subaxnimo illaa iyo 3-da galabnimo.

 

Muuse Shiikh Xasan Cabdulle, Guddoomiyaha KMG ah ee Baarlamaanka Soomaaliya waxaa uu faah faahin ka bixiyay sida ay noqon doonto doorashada Guddoomiyaha Baarlamaanka, wuxuuna sheegay in wareegga koowaad ay ka wada qeybgeli doonaan dhammaan musharrixiinta, wareegga labaadna ay ka qeybgeli doonaan intii wareegga koowaad ka soo gudubta oo haddana hesha codad ka badan 50%, iyadoo wareegga 3aad oo ugu dambeeyana ay ku tartami doonaan labadii musharrax ee isugu soo hartay, iyadoo midkii wareeggan ku guuleystaahi uu noqon doono Guddoomiyaha Baarlamaanka Soomaaliya.

 

Maanta oo ay taariikhdu tahay 20-ka Agoosto ayaa waxaa ku ekeyd xilligii loo qabtay dowladdii Federaalka KMG ahayd in ay xilliga kala-guurka ah ku dhammeyso howlaha horyaallay, waxaana sida muuqata hadda dhisan baarlamaan aan KMG ahayn, kaasi oo soo dooran doona guddoomiye baarlamaan, kaddibna madaxweyne soo magacaabi doona ra’iisal wasaare.

 

Doorashada Guddoomiyaha Baarlamaanka Soomaaliya ayaa waxaa la qorsheeyay in ay dhacdo 26-ka bishan kaddib marka 25-ka musharrixiinta xilkaas u tartameysa ay soo gudbiyaan musharraxnimadooda. Laakin waxaanan la shaacin xilliga ay dhici doonto doorashada madaxweynaha oo iyadana si weyn loo sugayo.

 

 

Salaad Iidow Xasan (Xiis), Hiiraan Online

sxiis@hiiraan.com

Share this post


Link to post
Share on other sites

Faahfaahin: Fadhigii kowaad ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya

 

August 20, 2012 19:43 0 Comments

--------------------------------------------------------------------------------

 

Xildhibaanada Baarlamaanka cusub ee Federaalka Soomaaliya ayaa kulankoodi u horeeyey ku yeeshey hool weyn oo ku yaala bartamaha Garoonka diyaaradaha ee Caalamiga ah “Aden Cadde”. Kulankaas waxaa ka qaybgalaey wufuud heer sare ah oo ka socotey beesha caalamka, Madaxda Xilkoodi dhamaadey ee Faderaalka Soomaaliya, diplomaasiyiin caalami ah iyo marti sharaf kale.

 

Guddoomiyaha Maxkmadda Sare ee Soomaaliya Caydiid Ilkaxanaf iyo qaar kamid ah garsoorayaasha sare ee Maxkmadda ayaa Xildhibaanada u dhaariyey Xildhibaanimo iyo in ay masuuliyadooda gudanayaan iyaga oo kitaabka quraanka ah gacanta ku haya isla markaana si koox koox ah loo dhaariyey.

 

Xildhibaanada la dhaariyey waxaa ka mid ahaa Raysalwasaaraha Xilkiisu maanta ku ekaa Prof.Cabdiweli Cali Gaas una sharaxan Madaxweynaha Federaalka Soomaaliya, Guddoomiyihii hore ee Baarlamaanka Shariif Xassan Shiikh Adan oo isaguna musharax ah qaar kamid ah Goloaha wasiirada ee Xukuumadda xilkeedi dhamaadey.

 

Kadib dhaarta ayaa xildhibaanadu iska soo dhexsaareen qofka ugu da’da weyn isla markaana ugu khibradda badan waxaana uu noqdey Gen.Muuse Xassan Cabdulle. Generaalka ayaa la wareegey Shirguddoonka, waxaana uu gaarsiinayaa tan iyo inta laga dooranayo Shirgudoonka Baarlamaanka.

 

Gen. Muuse Xassan Cabdulle ayaa isla maanta ku dhawaaqey xiliga ay dhacayso doorashada Baarlamaanku, waxaana uu sheegey in taariikhdu markey tahay 26 August ay dhacayso doorashada Baarlamaanka, isla markaana qabashada codsiga tartanka Guddoomiyaha Baarlamaanka ay ku egtahay 25. August 2012.

 

Xildhibaanad ayaa kulankooda labaad isugu imaanaya maalinta berri ah kulankaas oo ka dhacaya Iskoolka Booliska ee degmada Xamarjajab, halkaas oo nhorey loogu ansixiyey Dastuurka, kualnaas ayaa lagu dhisaytaa guddiga doorashada ee Baarlamaanka.

 

Doorashada Madaxweynaha ayaa lagu wadaa in ay dhacdo ugu danbeyn 03 September 2012.

 

Artintan ayaa noqoneysaa guul weyn ee ay ku talaabsatey geedi socodka nabadda Soomaaliya iyada oo maanta dalka Soomaaliya lee yahay baarlamaan rasmi ah oo si wanaagsan loo soo xuley, markii ugu horeyseyna lagu dhisey dalka Soomaaliya muddo aad u dheer.

 

Sawirada iyo codadka ka dhawr Horseedka Media

 

Horseed Media

Share this post


Link to post
Share on other sites

JANARAAL MUSE XASAN SHEEKH OO LOO DOORTAY GUDOOMIYE KU MEEL GAAR AH IYO SAADO CALI WARSAME OO SOO GASHAY BARLAMAANKA CUSUB

Posted by SEK4 on August 20th, 2012

Waxaa goordhow lasoo gaba gabeeyey kulankii Baarlamanaka uga socday gudaha garoonka diyaaradaha ee magaalada Muqdisho, waxaana lagu dhaariyey 211-Xildhibaan.

 

Dhaarinta kadib ayaa waxaa la doortay Guddoomiyaha KMG ah ee Baarlamaanka Soomaaliya oo loo doortay Gen. Muuse Xassan oo ah ninka ugu da’da weyn mudanayaasha.

 

Kadib doorashada Guddoomiyaha Baarlamaanka ee KMG ah ayaa Guddoomiyahu waxa uu ku dhawaaqay in Baarlamaanku furan yahay.

 

Guddoomiyaha cusub ee Baarlamaanka Soomaaliya Gen. Muuse Xassan waxa uu ku dhawaaqay in laga bilaabo maalinta beri ah la diiwaan gelin doono musharaxiinta u xilka Guddoomiyaha iyo laabda kuxigeen ee Baarlamaanka.

 

Intaasi kadib waxa uu sheegay Gen. Muuse Xassan in 25-ka bishaan lasoo afjari doono diiwaan gelinta kadibna 26-da bishaan la dooran doono Guddoomiyaha cusub ee Baarlamaanka iyo labadiisa ku xigeen.

 

Guddoomiyaha KMG ah ee Baarlamaanka Soomaaliya Gen. Muuse Xassan waxaa kale oo uu ku dhawaaqay in Baarlamaanka cusub maalinta berri ah uu ka dhici doono xarunta gaadiidk Booliska ee maagalada Muqdisho.

 

Dhaarinta Baarlamaanka cusub ee Soomaaliya ayaa waxay kusooa aaday xilli uu dhamaaday wakhtigii Dowladdii KMG ahayd oo ku eg caawa 12-ka habeenimo.

 

Kulanka labaad ee ay mudanayaasha Baarlamaanka cusub ee Soomaaliya berri ku yeeshaan maagalada Muqdisho gaar ahaana xarunta gaadiidka ahaa waxay ku go’aamin doonaan wakhtiga la dooran doono Madaxweynaha dalka

 

Waxa kale oo xusid mudan in fanaanad weyn ee qaranka Saado Cali Warsame ay ka mid noqtay xubnaha cusub ee barlamanka soomaliyeed

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this