Sign in to follow this  
Miskiin-Macruuf-Aqiyaar

Crucial days of Oktoobar 14-21, 1969

Recommended Posts

I have this original interview of Sheekh Mukhtaar Maxamed Xuseen in the original printed edition, published both in Muqdisho and London in mid 2000 on Kasmo newspaper. It is a long interview that touches many important historical subjects and facts, including how the blue flag came out, who had the idea and how it was approved; who killed Kamaaludiin Saalax, the Masri envoy and the historical days of Oktoobar 1969. Some of the interview were published by the original paper online two months ago.

 

For now, I will post the parts that deal in those crucial, decisive, history-changing days of Oktoobar, 1969: Dilkii madaxweyne C/rashiid; yaa dilay marxuum madaxweyne C/rashiid; afgambigii; yaaka dambeeye dilkiisa; muxuu ku dhacay afgambiga; yaa watay afgambiga and more.

 

Wargeyska Kasmo oo wareysi dheer la yeeshay Sheekh Mukhtaar Maxamed Xuseen

 

[
Bishii Juun 2000, wargeyska Kasmo wuxuu wareysi ugu tegay Sheekh Mukhtaar Maxamed Xuseen, Guddoomiyihii Baarlamaanka Soomaaliya, 1967dii -969kii. Wuxuu kaloo qabtay jagada Madaxweynenimo, geeridii Cabdirashiid Cali Sharmaarke kadib ilaa uu talada la wareegay Maxamed Siyaad Barre
.

 

[Qeybtaan hoose waa qeybta ka hadleyso maalmihii Oktoobar, 1969.]

 

Dilkii Madaxweyne Cabdirashiid

 

Kasmo
: Waxaad goobjoog ka ahayd dilkii Madaxweynihii Soomaaliya
Cabdirashiid Cali Sharmaarke
. Bal nooga warran siday wax u dheceen?

 

Sh. Mukhtaar
: Muqdisho ayaan ka baxnay. Dhulka abaar ayuu ahaa, gaar ahaan [gobollada Bari]. Abaartaas inaan soo fiirinno ayaan meeshaas u aadnay. Maalintaan Xamar ka tagnay isla dharaartii waxaan ku dagnay Garoowe, galabtii ayaan ka tagnay degmada Eyl ayaan habeenkii u hoyannay. Subaxdii dambe ayaan ka baxnay, Qardho ayaan tagnay, habeen baan ku hoyannay oo habeen iyo dharaar ayaan joognay. Waan ka baxnay oo Bandarbeyla ayaan tagnay. Waan ka tagnay, Iskushuban ayan tagnay, waan ka baxnay Boosaaso ayaan tagnay. Qandala ayaan sii marnay. Soomaalileyn Laasqoray ayaan ka galnay, Ceerigaabo ayaan sii marnay, Burco ayaan marnay, Hargeysa ayaan tagnay.

 

Markaan Hargeysa tagnay oo aan labo habeen iyo maalin joognay, ayaan subaxdii dambe soo noqonnay. Waxaan soo aadnay Laascaanood. Waxaa la yiri, 'Laascaanood garoonkeedu waa yar yahay oo diyaaraddaan weyn ma tegi karto.' Wafdigii badnaa iyo diyaaraddii weyneyd ayaan iska soo dirnay. Labo diyaaradood oo yaryar ah ayaan ka soo qaadannay Hargeysa. Kuwii ayaan Laascaanood ku imaannay.

 

Laascaanood waxay ahayd magaalo yar, booliis yar ayaa joogay. Guddoomiyihii gobolka Burco iyo taliyihii booliiska Daraawiishta ayaa askar soddomeeyo illaa afartameeyo dhan soo watay, noogana soo hormaray Laascaanood si ay madaxweynaha salaan u siiyaan. Meeshii ayaan imaannay. Madaxweynaha salaan baa la siiyay. Waan baxnay guriga guddoomiyaha degmada ayaan ka soo quraacannay. Waxaan soo aadnay beledka dhexdiisa sar ku taalla oo dowladda hoose leedahay oo aan rabnay inaan shacbiga meesha kula shirno. Meeshii ayaana shacbiga kula shirnay. Saacaddu markay ahayd 12;45pm (Duhurnimo) ayaan shirka ka soo baxnay. Markaan shirka ka soo baxnay ayaan soo aadnay gurigii aan ka soo quraacannay oo ay alaabteena taallay. Guriga iyo beledkana xoogaa ayay kala go’naayeen.

 

Subaxii, markii aan guriga tegeynay, waxaa waardiye ka hayey booliiska magaalada. Markii aan guriga ka soo tagnay, waxaa la geeyay Daraawiishtii Burco ka timid, booliiskii magaaladana waxaa loo soo beddelay meeshii aan shirka ku qabaneynay.

 

Waxaan soo aadnay gurigii. Nin Daraawiishtii ka mid ah oo ku wareegsanaa guriga (toban toban mitir ayay isku jireene, gurigana bannaankuu ku yaallay) ayaa soo kacay oo safkii ka soo baxay, waa ninka madaxweynaha dili rabo, kariyeyaashii ayuu u yimid biyo aan cabo isiiya ayuu yiri, biyihii waa la siiyay. Waa noo jeeday fatuurada soo socoto. Sidaan u soo soconnay ayaan guriga hortiisa istaagnay. Baabuurku wuxuu ahaa Landrover dedan. Waxaa horay saarnaa
Qoorsheel
oo nala socday oo booliiska madax u ahaa iyo guddoomiyhii gobolka Burco, anigana iyo madaxweynahana dhexdaan ku jirnay, gadaalna askartii madaxweynaha ilaalineysay ayaa saarneyd.

 

Markaan joogsannay, Madaxweynaha waa fududaaye (
yacni wuxuu ula jeedaa qof furfuran ayuu ahaa - my words
), asna waa degay, anagoo weli inteenii kale aan dagin. Markuu dhulka istaagayba xabbad ayaa lagu furay, toddobo xabadood aya ku dhacday. Markuu dhulka ku dhacay ayaan baabuurka ka soo degnay. Nin
Cali Karraani
la dhihi jiray oo booliska waardiyaha ka mid ahaa ee dadkii ugu horeeyay ee baabuurka ka degay ahaa ayaa qabtay ninkii dilay
Cabirashiid
. Sidaas buu C/rashiid ku dhintay, ninkiina lagu qabtay.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Yaa dilay madaxweyne C/rashiid

 

Kasmo
: Sidaad meesha ka dareemi kartay, ma islahayd waxaa jiray dil qorsheysnaa oo la sii abaabulay?.

 

Sh. Mukhtaar
: Sidaasaa markii hore nalagu yiri, dad ayaaba loo qabqabtay. Tuhmadii
Maxamed Abshir Muuse
ayaa ku jiray. Ninka wax dilay nin la dhashay oo booliiska alifle ahaa Eyl laga soo qabtay ayaa ku jiray,
Sheekh Nuur Cali Colow
ayaa ku jiray. Dad badan baa ku jiray oo isugu jiray wax la xiray iyo wax kor laga ilaalinaayay.

 

Annaga oo dhan waan qabnay dil la soo qorsheeyay inuu ahaa. Laakiin gadaal, sida la sheegaayay, ninkan wax dilay waxaa naloo sheegay, intaanan [gobollada Bari] aadin ka hor, ayaa aniga iyo
C/rashiid
waxaan aadnay shir dalalka Islaamka oo Marooko ka dhacayey. Inta Madaxweynihii ayaa soo baxaya la yiri, oo (Gobolka Bari) soo aadaaya, Raadiyihiina laga sheegay, ayaan ka baaqannay,oo aan Marooko aadnay.

 

Dad baa ka marag kacay, in ninkaan wax dilaya, inuu markaas yiri: ‘Waxaa igu fiicneyd Alleylehe C/rashiid in uunan baaqanin’.

 

Markii la yiri, ‘Maxaad ka rabi lahayd?’

 

Inuu yiri: ‘Wallaahi toddobo xabadood ayaan ku dhufan lahaa’.

 

Markii la yiri ‘Maxaa jiro uu kaa galabsaday?’

 

Wuxuu yiri; ‘Ninkii Maxamed Abshir kaarikadii (jagadii) ka qaaday sow ma'aha?".

 

Maxamed Abshir
iyo
C/rashiid
ayaa siyaasaddii isla gafay. Doorashadii ayaa soo dhoweyde, markaasaa la yiri 'gurigaaga iska fariiso',
Qoorsheel
ayaan jagadii u dhiibnee. Waxaa wasiirkii arrimaha gudaha ahaa
Yaasiin Nuur Xasan
.
Maxamed Abshir
gurigiisuu iska joogay.

 

Waxaa la sheegay wiilka wuxuu sidaas u leeyahay inay ahayd asaga iyo walaalkiisba reer Kismaayo ayay ahaayeen, aabahood iyo hooyadoodna way dhinteen. Islaan eeddadood ah ayaa intay soo kaxaysay
Maxamed Abshir
u keentay oo u tiri, ‘ilmahaan aabbe iyo hooyo ma leh, waana qaangaareen, shaqo ayay u baahan yihiin ee shaqo sii’. Labadiiba Maxamed Abshir booliis ayuu u qoray, sababta uu sidaas u leeyahay waa saas ayay yiraahdeen.

 

Maxkamaddii (qaadaysay dacwadda gacan-ku-dhiiglaha) aniga waxbay i weydiiyeen, waana isaga soo kacay. Wax marag furay iyo dadkii meesha joogay aniga ma'ogi, gadaal wixii marag furay, maxaa yeelay aniga gurigaan ku xirnaa.

 

Kasmo
: Ma aaminsan tahay arrinta dilkan waxaa kaloo lug ku lahaa raggii askarta ahaa ee uu Maxamed Siyaad horkacayay ee talada dalka la wareegay?

 

Sh. Mukhtaar
: Maya ma qabin, mana lagu tuhmin taas.
Maxamed Siyaad
waaba ninkii qabrigiisa dhisay oo ka xumaaday dilkiisa.

 

Kasmo
: Waxaa la sheegaa sababta xukuumaddii militeriga ahayd ay baaritaanka u sii wadi weyday, inay ahayd in arrintan la dåboolo. Eedeymahaas maxaad ka leedahay?

 

Sh. Mukhtaar
: Arrintaas aniga ma qabo. Nimankaan waxaa inqilaabka ku kallifay,
Muuse Boqor
ayay ka cararayeen, iyagana waxaa la taliyahooda ahaa Ruush oo saraakiisha Ruushka ayaa ciidanka ku dhex jiray.

 

Muuse Boqor
iyo
Cumar Macallin
iyo niman badan waxay ahaayeen nimankii shirkadda Coca-colada keenay, Ameerikaan aad xariir ula leh ayay ahaayeen. Muuse Boqor diidadiisa ayaa nimankan inqilaabka ku kalliftay ayaan aniga qabaa.

Waa socotaa.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Habeenkii inqilaabka

 

Kasmo: Habkii ay ciidamadu talada ula wareegeen iyo xaalku siduu ahaa habeenkii Talaadada ahaa ee Afgambigu dhacayay. Siday maalmahaas wax u dhacayeen, ma noo sawiri kartaan?

 

Sh. Mukhtaar
:
Maxamed Ibraahim Cigaal
ayaa Ra’iisul Wasaare ahaa, Ameerika ayuuna jiray markii madaxweynaha la dilayay. Waa yimid. Laakiin intuusan imaanin ka hor ayaa
Cumar Macallin iyo Hilowle Macallin
labo isla dhalatay oo mudaneyaal baarlamaan ah ayay ahaayeen iyo
Yaasiin Nuur Xasan iyo Yuusuf Cigaal
oo ganacsade ahaa, mudane baarlamaanna ahaa, iyagoo shan ah ayay showreen, Cabdirashiid maaddaama la dilay, nin
Muuse Boqor
la dhashayna xilligii doorshada Caluula lagu dilay.

 

Labadaas dil ee isku jilibkaas ku dhacay, C/rashiid carruur badan oo yaryar ah dhaafay, nin cidda daryeela oo ciddahooda ah ha la doorto ayay ku heshiiyeen oo ilamaha xilkooda haayo, samirna ay u qaataan haddii kursiga la siiyo, maddaama labo ruux oo magac lahaa laga dilay. Sidii ayay ku heshiiyeen.

 

Maxamed Ibraahim Cigaal
haddii uu yimidna waa la showreen, waa u sheegeen sidaasaan ku tashannay ayay yiraahdeen, asigana waa ku raacay. Gurigeyga ayay iigu yimaadeen, ra’yigaasaan wadnaa ayay yiraahdeen. Muuse Boqor inaan murashax ka dhigno oo baarlamaanka aan geeyno.

 

Geeya ayaan iri, laakiinse waxaan idiin sheegayaa:

 

"
Muuse Boqor
, dowladdii
C/laahi Ciise
mutakabirnimo iyo madax adayg ayaa looga bixiyay, isagoo wasiirka arrimaha gudaha ah. Isaga iyo
Cali Jimcaale
ayaa isqabtay. Waa la yaaqaannaye markii dowladda C/rashiid dhalatay, waxaa la yiri, 'Waa madax adagyahee, wasiirna lama siin karee, waana nin soo halgamaye, sideen yeelnaa?' Waxaa la yiri ruqso (Voluto) dahab ah ha loo fasaxo. Meeshaas ha ka maaleysto. Dahabkuu ayuu keligiis keeni jiray Soomaaliya. Ninkii saas ahaa oo wada ogtihiin, baarlamaanka cod ugama helaysaane, haddaad wadataan aniga ka jooga idin ma dhahayo."

 

Markii iyaga tageen,
Maxamed Siyaad
ayaa ii yimid. "Ma ka war heshay niman ku showray Muuse Boqor in murashax laga dhigo?"

 

Haa ayaan iri, iyagana sidaasay yiraahdeen, sidaasaanaa ku kala tagnay. Waxaa ii yimid isla saacaddii
safiirkii Ruushka
. Wuxuu yiri ‘Sidaas baa la wadaa, aan maqalnee,
Muuse Boqor
haddii la doorto, Soomaaliya sow gacan Ameerika ma galeyso?

 

Waxaan ku iri, 'Ilaah baa og.
C/rashiidba
markii hore Ruush ayuu la jiray. Waxaan iri ‘Siyaasad dadka waa la gad gaddoomeysaa, mabda’ meel lala joogaayo ma aha. Marba meelaa lagu dayaa, inuu Ameerika ka soo go’ana waa iska suuroobeysaa, in sida aad u maleynaysaan uu noqdana waa suurogal,' sidii ayaana ku kala tagnay.

 

Marka fadhiga Talaada ahaa ee Leegada isugu tagtay C/rashiid oo nool ayaa la qabtay waqtigaas oo waqtigaas inuu congress-ka shiro, waqtigii ayaa la gaaray. Aniga ma tagin. Baarlamaanka wuxuu lahaa nin sharci yaqaan ah oo
Chevron
la dhihi jiray oo Talyaani ahaa oo nala talinaayay oo sharciga iyo qawaaniinta dawliga ah noo sheegayay. Wuxuu I yiri, 'Adiga ma tagi kartid shirkaas, maxaa yeelay Madaxweynihii Soomaaliya ayaad maanta tahay, xisbi kama tirsanid.' Markaas aniga gurigeygaan iska soo aaday.

 

Nimankii Muuse Boqor murashax ka soo dhigay maamulkii Leegada ayay ula tageen. Waxay ku yiraahdeen sidaasaan ku heshiinnaye warkaan soo jeediya. Nimanka Leegadana waxaa madax u ahaa
Sheekh Maxamuud Maalinguur
iyo
C/raxmaan Muumin
. Waxay yiraahdeen anaga
Muuse Boqor
kuma ceeboobeynee, codna looma helaayee, idinka sow ma wadataan, soo jeediya. Sidii ayey ku kala tageen. Ayadoo xaalkii inta maraayo ayaa shirkii la iskugu tegay. Nin
Aadan Isååq
la dhihi jiray oo wasiir ahaa iyo
Ismaaciil Jimcaale
, waxaan maqlay Ismaaciil Jimcaale ayaa hadalka billaabay oo yiri:

 

Yaasiin
, wasiirkii arrimaha gudaha ayaad tahay, siyaasadda adaa madax u ah,
Muuse Boqor
ayaad murashax ka soo dhigteen aan maqalnee, ma jirtaa?’.

 

‘Maya ayuu yiri’. Waa inkiray.

 

Aadan Isååq
ayaa haddana su’aalay,

 

Waa inkiray Yaasiin.

 

Marka inkiraaddoodii kuma kaaftoomine, yaqiin bay qabeene,
Aadan Isååq
ayaa yiri, ‘Waan maqalnay waa waddaane, haddii Muuse Boqor aad meeshan soo marisaan oo madaxweyne ka dhigtaan, naago ayaan nahaye, nagu soo hoyda!’.

 

Markii hadalkaas dhacay ayaa la isku buuqay oo lagu diriray, laguna kala tegay.
Xaaji Faarax Cali Cumar
oo gurigiisa igu dheggan yahay oo shirka ka yimid ayaa i soo maray oo inta guriga iigu yimid, ii sheegay; Baarlamaankii sidaas ayaa la isugu tegay, sidaasaana lagu kala tegay. Sidaasayna ciidamdii talada kula wareegeen.

Waa socotaa.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Afgambigii iyo xarigii

 

Kasmo
: Markuu Maxamed Siyaad talada la wareegay, wuxuu xabsiga u taxaabay inta badan raggii xilalka ka soo qabtay xukuumadihii rayadka ahaa. Maxaa isleedahay way ku dhaliyeen inuu tallabadaas qaado.

 

Sh. Mukhtaar
: Qawaaniinta caalamiga ah ayaa sidaas ah, meel kasta oo uu inqilaab ka dhaco, madaxweynaha lama xiraayo: ama waxaa la geeyaa askarta dhexdeeda oo lagu waardiyeeyo ama gurigiisaa lagu xabisaa. Aniga gurigeygaa laygu xabisay. Hal sano iyo shan bilood iyo toban iyo shan bari ayaan gurigeyga ku xabisnaa.
Maxamed Abshir
na sidaasuu ahaay. Inta kale wasiirradiiyey ahaayeene, intii bannaanka u baxaan ajnabi yuusan kaalmo soo siinin oo inqilaab idinku suubinin ayaa loo xiraa, waaba qawaaniin caalami ah. Intii mas’uuliyiin ah waa layska xiraa intii xaalka ka ansaxaayo.

 

Kasmo
: Ma jiraan wax xil ah oo aad ka qabatay maamulkii ciidamada?

 

Sh. Mukhtaar
: Waxba kama qabanin. Markaan xabsi-gurigii ka baxayba beer aan Dhoobey ku lahaa ayaan iska aaday.

 

Kasmo
: Wax talo iyo tusaale oo uu maamulkaas kuu soo raadsan jiray ma jiraan, maadaama aad waayo-arag ahayd?

 

Sh. Mukhtaar
: Inuu ii soo raadsado ma jirin, anigaaba raadiyay, waraaqa u qoray oo aan u tegay markii dadka ciriiri la geliyay, suus galley ah aan laga soo qaadi karin Afgooye, la keeni karin Xamar. Wax beled laga qaado aan beled kale la geyn karin. Iyadoo sidaas jirto, ayaan
Maxamed Siyaad
xaanshida u qoray oo u tegay. Waxaan iri, 'Sicirka badeecadaha u goyneysaan ee waddanka gudihiisa ah ka dhaafa. Alaabta beled laga qaadaayo oo beled kale la geynayo, aad u diideysaanna dhaafa, sicir-gooye Ilaahay waaye, laakiin wixii badda ka yimaada sicir u gooya, sidii rabtaan yeela.'

 

Waxaan iri maaddo cilmi ah oo caqiido Islaamka ku saabsan waxaan ka rajeynayaa inaad sikoollada ku dartaa. Maxaa yeelay ayan iri askartii gurigeyga waardiyaha ka haysay nin ka mid ah labo alifle ahaa ayaa sidaan u sheekeysaneynay wuxuu yiri, ‘Ruushka anagoo joogno ayaa nin gaal ah Ruush ah wuxuu na yiri (idinka Ilaahay adduunkaan dhan suubiyay; dhulka, cirka iyo waxaan dhan suubiyay ayaad leedihiine, Ilaahayga naftiisa yaa soo suubiyay?). Wax jawaabo waa la waayay ayuu yiri. Marka Soomaalida dhan ayaa sidaas ah ee maaddo cilmi ah oo caqiiddo ah iskoollaha ku dar adaa dictator (kali-taliye) ahe waxa dhan suubin kartee.

 

Kasmo
: Markaad intaas tiri, muxu kaaga jawaabay?

 

Sh. Mukhtaar
: Shib ayuu iga yiri, waraaqddiina waa u dhiibay, wax uu ka qabtayna ma jirin. Mar dambe juuq uma dhihin, maadaama xaalkaas aan ula tegay uu wax ka soo qaadi waayay. Habeenkii uu xabiska iga bixinaayay dad buu ii soo diray. Ninkii askarta aniga ila joogtay xukumay iyo aniga ayaa fatuuro nalagu qaaday. Asagaa noo yeeray, waana u tagnay. Markaasuu i yiri; ‘Raalli ahow, dambi maad lahayn, laakiin siyaasad ayaa nagu kalliftay, adduunka dhaba saas waaye. Ninkii madaxweynaha jamhuuriyadd ah xabis lama geeyo, laakiin waa layska xareeyaa. Hadda ka horna inaan ku sii deynaan rabnay,
Salaad Gabeyre
sababtiisaa waqtigan ku soo gaartay. Mar Alle markii
Sheekh Mukhtaar
aan iska deyno aan niraahaba, wuxuu dhahaa ‘
Aadan Cabdille
na ha la daayo.
Aadan Cabdiile
na markii horaa naga xumaataye oo siyaasaddii ayaan ku darnay soddonkaas Afgooye ku xiran, si kaligiis aan u soo saarnana waa weynay. Muddadan
Salaad Gabeyre
sabatiisa ayaad ku soo gaartay, haddana raali ahow, dambi ma lihid, meeshii rabtana mar.

 

Kasmo
: Maxay ahayd sababta uu
Salaad Gabeyre
soo-deyntaada iyo tan
Aadan Cadde
isugu xirayay?.

 

Sh. Mukhtaar
: Soddogiis sow ma ahayn? Gabadhiisuu qabay. In anigana lay daayo, asigana la daayo ayuu rabay. Markaan saas leenahay waa xiran yahay Salaad Gabeyre, dambigii inqilaabuu suubinayaa ayuu u xirnaa. Markaasaan iri ‘
Salaad Gabeyre
ninkii inqilaabka suubiyay, gacantaada midig waaye lagu sheegayay, waa sidee?’. Markaasuu (Maxamed Siyaad Barre) yiri, ‘Gacanta Allaha ka gooyo, gacantay midig ma'aha.'

Waa socotaa.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Khilaafaadkii waagii kontomeyadii iyo lixdameyadii

 

Kasmo
: Dad badan ayaa yiraahda dhibaatada Soomaalida waxay soo billaabatay 1960-kii. Arrintaas maxaad ka leedahay ?.

 

Sh. Mukhtaar
: Khilaaf markii Soomaalileyn la isku darmay ka hor ayuuba soo billowday, wuxuu khilafkaasi billawday 1948-dii Leegada gudaheeda ayaaba ka billowday, dadkii Talyaaniga la jiray (pro-Italian) oo badnaa oo
Ilbuundo
ka mid ahaa,
Muuse Samatar
ka mid ahaa,
Daahir Seed
oo reer Gaalkacyo ahaa ka mid ahaa, raggii asaga ahaa intay isdarraaween (yaseen), aqlabiyaddii Leegada inay qaadanaysana ogåådeen ayee damceen inay Leegada soo galaan, markaasaa la diiday nimankiiyaa la isku khilaafay oo qof kasta oo Leegada ku jiray wuxuu damcay inuu kan beeshiisa ah la qoro oo la soo dhaweey oo cod laga helo, masiibadaasaa dhacday oo la isku khilaafay. Khilaafka kowna
Cali Jimcaale
iyo
Muuse Boqor
ayaa ka soo billawday, khilaafkii isaga ahaa Leegada asigoo ku dhex jira ayaa la isku darmay.

 

Soomaalileynkii xagga wadajir bay kaga yimaadeen, iyagana markii hore sidaasay isku khilaafsanaayeen beelaha Boorama (**********), Seylac (*****), Ceerigaabo (*******), iyo Laascaanood (***********) isku meel bay ahaayeen, beesha kale ee ***** ee Hargaysa iyo meelaha kale degtana meel bay ahayd. Waa wada socdeen, isku siyaasadna ma ahayn, waa iskhilaafsanaayeen.

 

Niman reer Burco ahaa iyo nimankii kale ee beelaha aan soo sheegay ayaa isku xirtay,
Maxamed Ibraahim Cigaal
ayaa bannaanka lagu tuuray, (qabiilka gobollada Bari) iyo iyagaa heshiiyay, markaasaa la yiri 'annagana Ra'iisul Wasaare aan qaadanno, adinkana ra’iisul Baarlamaan qaata.' Waa lagu heshiiyay. Sidii ayaa doorashadii ku soo baxday.

 

Maxamed Ibraahin
markaasba mucaarad ayuu noqday. Gadaal markii Aadan Cabdulle meesha ka baxay ayuu soo galay, dowladda maahine, bannaankiisuu iska joogay.

 

Khilaaf siddaas ah ayaa jiray oo ka soo billawday nimankii Talyaaniga la jiray ee ka soo noqday.

Qeybtaan waa dhammaad.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Abwaan   

Great Stuff...Ilaah ha u naxariisto Sh. Mukhtaar. Kasmo hawl weyn ayay qabatay oo inay waraysigaan taariikhiga ah qaadaan wax wanaagsan ayay ahayd. Hadda ka hor ayaan ka akhriyey caddad ka mid ah kuwii Kasmo balse it was good to read again in order to refresh my memory. Thanks for sharing this MMA.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Idinkaa wada mudan.

 

Somalia;858309 wrote:
Where is the bit with Kamaluddin Salah, was he killed by a mentally deranged man?

Dilkii Kamaaludiin Salaax

 

Kasmo
: Bishii Apriil sanadkii 1957dii waxaa Muqdisho lagu dilay
Kamaaluddin Salaax
oo Masar u joogay Soomaaliya. Haddaba dilkaasi maxaad kala socotaa?

 

Sh. Mukhtaar
:
Kamaaluddiin
waxaa dilay nin la yiraahdo
Wiilow
oo reer Luuq ah, aabihiisna waxaa la dhihi jiray
Sheekh C/raxmaan Dheere
. Ninkaasi wuxuu ahaa dadkii loo qaaday Masar.
Xaaji Maxamed Xuseen
kii Leegada madaxda ka ahaa iyo isaga dadkii kowda hore ee tacliinta loogu qaaday Masar ayay ahaayeen. Akhlaaq-xumaa loo soo eryay oo Soomaaliyaa lagu soo noqay. Waxaa laga sheegay ninkaas ka hor inuu yiri ‘Alleylehe nin Masar ah markii aan dilo unbaan aarsanaayaa sidii ay ii galeen.'

 

Marka Kamaaludiin la dilayo, anigu Xamar baan ka baxay oo waxaan ku sii socday Xuddur oo la ii beddelay, waxaana habeen barinay Maanyafuulka, habeenkii dambe meel Seenilow la yiraahdo ayaa baabuurkii nooga hallaabay.

 

Subaxdii shufeerkii (wadihii) iyo niman hunguri noo soo doonay oo beledka (Baydhabo) ku soo noqday ayaa na yiraahdeen, 'Waa la dilay Kamaaluddiin!'

 

Runtii Kamaaluddiin dilkiisa
Talyaani
ayaa ku lug lahaa. Niman Soomaali ah oo Talyaaniga taagersanaana waa ku jireen.
Kamaaluddiin
gurigiisa ayuu isugu yeeray Golihii (Councilia Teritoriale) oo Talyaanigii suubiyay oo
Aadan Cabdulle Cusmaan
madax ka ahaa iyo nimankii axsaabta madaxda ka ahaa dhamaantood wixii pro-Italian ahaa iyo wixii ka soo hor-jeeday ee dawladnimo dalbaayay ayuu isugu yeeray gurigiisa, wuxuuna ku yiri:

 

"
Soomaalida waa shacbi isticmaar dilay oo niyadda ka dhintay waaye. Toban sano ka bacdi xor baad noqoneysaan ayaa la leeyahay, dhegna uma dhigaysaan! Waxaad yeeshaan calankiinii ha la suubiyo, oo tan Talyaani ha la baal suro. Haddii calankii Soomaaliya la yiraahdo oo ay arkaan inay rumeystaan ayaa la arkaaye, calan suubista
."

 

Ra’yigaas isagaa keenay (Counciliyadii) ayaa ra’yigii la keenay, waana laga dooday, waana lagu heshiin waayay. Xisbi kasta calan ayuu lahaa. Calankiisii in laga dhigo ayay damceen. Leegada ayaa ugu rooneyde oo shan xiddigey lahayde oo shan Soomaali lagu ishaaraayo. Waa diideen. Nin aan maqlay waa sariir-fuul oo Kanada jooga,
Maxamed Cawaale Liibaan
la yiraahdo oo Golaha ku jiray ayaa gurigiisa intuu tegay soo hindisay calankaan midabkaan leh, xiddigta shanta gees leh. Saakay oo kale ayuu soo fariistay, hadal buu soo jeediyay, wuxuu yiri, ‘Waa tii aan ku heshiin waynay calankii. Ka warrama calan hadda ka hor aan la arkin, xisbi suubsadayna aan la arkin, haddaan bandiirad (calan) ka dhiganno maxaad ka qabtaan?’

 

‘Waa fiican tahay’ ayaa la yiri. Jeebkiisuu ka soo bixiyay, sidaas ayuu u taagay, sacabaa lagu taageeray. Intaas iyo wax la mid ah iyo ka badan ayuu
Kamaaluddiin
suubinaayay. Waxa Talyaaniga kula colloobay taas ayey ahayd, nimankaan dilayna Talyaani ayaa soo diray.

 

Kasmo
: Wax ma nooga sheegi kartaa Soomaalidii Talyaaniga taageersaneyd ee dilka Kamaaluddiin ku lug lahayd?.

 

Sh. Mukhtaar: Aniga hebel iyo hebel ma dhihi karo, qabiillo badan ayey lahaayeen.

Share this post


Link to post
Share on other sites
AYOUB   

MMA, any chance of a bio book of the old man? You should've taken advantage of the Sheekh's (AUN) impressive memory, integrity and great lifespan.

 

When an old man dies, it's like a library has burned down ~ African Proverb

Share this post


Link to post
Share on other sites

Ayuub, I wish. Waa jeclaan lahaa saas laakiin shaqsi ahaantiisa asaga ma jecleen in uu siyaasadda iyo wixii soo dhacay uu ciyaalkeena (koley ciyaal u nahnee) kala hadlo ama ugu sheekeeyo.

 

Waa runtaa xasuustiisa iyo xiskiisa aad iyo aad u sareeye. Anaga lama yaabi jirin laakiin dadka soo booqdo had iyo jeer la yaabi jiray suu xiskiisa juusto u yahay maadaama yaraantooda iyo eheladooda ugu sheekeen jiray. Waxee moodi jireen waa boqol jiree waxba lama socdo, kuwana waxee dhihi jireen Quraanka uu had iyo jeer aqrin jiray ayaa ugu wacan xasuustiisa wanaagsan. Waa runtooda. Waagii nabadda ayaan xasuustaa oo wuxuu seexan jiray cishaha ka bacdi markuu Quraanka iyo kitaabyada kale dhameysto. Kitaabyo badan library ah ayaa u yaalay. Saacado yar ayuu jiifi jiray haddana 3 am ayuu soo kici jiray Quraan kale aqris ilaa iyo aroortii salaad subax waaga ka baryaaya. Subaxdiina sidaas u aqrin jiray Quraanka inyar uu seexdo ka bacdi. Galabtiina sidaasoo kale. Xasuusteyda haddaa xasuusto intaa arki jiray kaligiis markuu yahay uu guriga uu joogo Quraanka ayuu aqrin jiray, ka ahayn kaliya markee martida soo booqdaan. Masaajidkana kama baaqan jirin labada salaadood oo ahaa duhurkii iyo maqribkii. Macalin Quraanka na barana wuu ahaa, oo iskoolka markaa ka imaano Quraanka asagaa noo wada dhigi jiray carruurtiisa soo wada baray.

 

im13qo.jpg

 

Waa sawirkii laga qaaday wareysigaan markii la qaadaaye, gurigiisa dhexdiisa waana bishii Juun, 2000.

 

Wareysiga bilowgiisa waxee ku bilaabanee taariikhdiisa ka sheekeynaayo:

 

Kasmo
: Ugu horreyn waxaad noo sheegtaa taariikhda iyo meeshii aad ku dhalatay.

 

Sh. Mukhtaar
: Waxaan ku dhashay Baydhabo baadiyaheeda, sanadkii 1913kii, isla degaankaas ayaana ku barbaaray ilaa laga soo gaaro sanadkii 1935tii. Markaas ka dib waxaan tegay Xudur, Waajid iyo Beledweyne.

 

Kasmo
: Ka warran waxbarashadaadii.

 

Sh. Mukhtaar
: Waad ogtahay waqtigaas dugsiga haddii laga baxo, masaajiddadaa wax lagu akhrisanaayay. Iskool iyo wixii la yiraahdo ma jirin. Qu’aankana baadiyahaas dugsiyo ah ayaan ku bartay, markuu ii dhamaadayna masaajidyadaan wax ku akhrisan jiray. Talyaanigii u dambeeyay mark uu yimid ayaan seeraalihii saddex sano shahaado ka qaatay. Tacliin iskool kale ma arkin.

 

Kasmo
: Gobollada Soomaaliya ayaad soo martay. Maxaad qaban jirtay?

 

Sh. Mukhtaar
: Ganacsi ayyaan ku biiray, Soomaaliya iyo dhulkaan Soomaalida Itoobiya deggan tahay illaa Harar iyo Dirirdhabe, Jigjiga, Fiiq iyo Iimeey intaba ganacsi ayaan ku maray. Waxaan kaloo ganacsi u tegay beledka Soomaalidu deggan tahay, (gobollada Bari) illaa Kismaayo. Xoolo iyo dhar ayaana ka ganacsan jiray.

 

Ku soo biiritaankii Siyaasadda

 

Kasmo
: Goorma ayaad ku soo biirtay siyaasadda Soomaaliya?

 

Sh. Mukhtaar
: Siyaasadda waxaan ku soo biiray waqtigii xisbiga Leegada Xuddur laga furay, sanadkii 1946dii.

 

Kasmo
: Maxaa xilal ah oo aad ka soo qabatay SYL?

 

Sh. Mukhtaar
: SYL meeshaas ayay ahayd, wax badan baan madax ka ahaa, labo nin oo walaalahay ahna waan isku beddeli jirnay, maaddama aqoontu iska yareyd, qof wax dhigi karana ay yaraayeen. Ganacsigeygana waa iska watay, xisbigana xubin baan ka ahaa, marna madax baan ka ahaa, marna maamulkaan ku jiray.

 

Kasmo
: Siday ku timid inaad noqoto Guddoomiyihii baarlamaanka Soomaaliya, sideed heerkaasi ku soo gaartay?.

 

Sh. Mukhtaar
: Talyaanigii dambe Soomaaliya inuu xornimo gaarsiiyo loo soo diray 1950kii, markuu yimid qolo ka dhahaayo (Councilia Territoriale "Golaha waddaniga") oo beled kasta laga soo wadaayo, axsaabtana labo, saddex ama afar laga soo wadaayay oo 60 ruux ah oo 4 Talyaani ah iyo 4 Carab ah ku jiraan, ayuu Muqdisho ka sameeyay. Markii hore kuwaas ayaan soo galay. Sidaan kuwaas ugu jiray ayaa 1953dii mar kalaan soo galay. Haddana saddex sano kadib (ku beegnayd 1957) isdoorasho ayaa dhacday, Xuddur ayaana mar kale la iga soo doortay oo aan baarlamaanka soo galay.

 

Sanadkii ugu horreeyay dowladdii
C/laahi Ciise
waxaan ka noqday wasiir-ku-xigeenka wasaaradda caddaaladda. Doorashadii labaad 1964tii waa la ii soo doortay, haddana waxaan ka noqday baarlamaanka guddoomiye-ku-xigeen. Doorashadaas iyada ahayd oo aan guddoomiye-ku-xigeenka ka noqday, ninkii madaxa baarlamaanka ahaa oo Soomaalileyn ahaa ayaa lacag dhumiyay. Waa laga qaaday madaxnimadii. Saddex ku-xigeenno ayaan ahayn:
Axmed Qumane Rooble
oo reer Jabuuti ahaa iyo
Xaaji Bashiir Ismaciil
oo reer Boosaaso ahaa iyo aniga ayaan ahayn. Markii ninkaas laga qaaday ayaa la yiri ‘ku-xigeennada ninkii ugu da’ weyn ha qabto jagada illaa Ra’iisul Baarlamaan laga dooranaayo. Sidii ayaan ku qabtay, saddexdeena anaa u da’ weynaa. Haddana doorashaa dhacday anigaa la ii doortay, Ra’iisul Baarlamaannimada sidaasaan ku gaaray, waxayna ahayd sanadkii 1967dii.

 

Kasmo
: Yaa kaaga horreeyay guddoomiyenimada baarlamaanka Soomaaliya?

 

Sh. Mukhtaar
:
Aadan Cabdulle
,
C/laahi Jaamac Qaalib
oo Soomaalileyn ah,
Xaaji Maxamed Cabsiiye
oo lacagta dhumiyay oo laga qaaday ayaa iga horreeyay. Sanadkii 1960kii markii la isku darmay
C/laahi Jaamac Qaalib
ayaa Ra’iisul Baarlamaan noqday.

Share this post


Link to post
Share on other sites
AYOUB   

Miskiin-Macruuf-Aqiyaar;858713 wrote:
Ayuub, I wish. Waa jeclaan lahaa saas laakiin shaqsi ahaantiisa asaga ma jecleen in uu siyaasadda iyo wixii soo dhacay uu ciyaalkeena (koley ciyaal u nahnee) kala hadlo ama ugu sheekeeyo.

 

Waa runtaa xasuustiisa iyo xiskiisa aad iyo aad u sareeye. Anaga lama yaabi jirin laakiin dadka soo booqdo had iyo jeer la yaabi jiray suu xiskiisa juusto u yahay maadaama yaraantooda iyo eheladooda ugu sheekeen jiray. Waxee moodi jireen waa boqol jiree waxba lama socdo, kuwana waxee dhihi jireen Quraanka uu had iyo jeer aqrin jiray ayaa ugu wacan xasuustiisa wanaagsan. Waa runtooda. Waagii nabadda ayaan xasuustaa oo wuxuu seexan jiray cishaha ka bacdi markuu Quraanka iyo kitaabyada kale dhameysto. Kitaabyo badan library ah ayaa u yaalay. Saacado yar ayuu jiifi jiray haddana 3 am ayuu soo kici jiray Quraan kale aqris ilaa iyo aroortii salaad subax waaga ka baryaaya. Subaxdiina sidaas u aqrin jiray Quraanka inyar uu seexdo ka bacdi. Galabtiina sidaasoo kale. Xasuusteyda haddaa xasuusto intaa arki jiray kaligiis markuu yahay uu guriga uu joogo Quraanka ayuu aqrin jiray, ka ahayn kaliya markee martida soo booqdaan. Masaajidkana kama baaqan jirin labada salaadood oo ahaa duhurkii iyo maqribkii. Macalin Quraanka na barana wuu ahaa, oo iskoolka markaa ka imaano Quraanka asagaa noo wada dhigi jiray carruurtiisa soo wada baray.

 

im13qo.jpg

 

Waa sawirkii laga qaaday wareysigaan markii la qaadaaye, gurigiisa dhexdiisa waana bishii Juun, 2000.

 

Wareysiga bilowgiisa waxee ku bilaabanee taariikhdiisa ka sheekeynaayo:

I guess the October revolution changed his personal destiny for the better. Power corrupts, and Kacaan saved his soul from getting corrupted. IHN Sheekha.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Sh. Mukhtaar: Muqdisho ayaan ka baxnay. Dhulka abaar ayuu ahaa, gaar ahaan [gobollada Bari]. Abaartaas inaan soo fiirinno ayaan meeshaas u aadnay. Maalintaan Xamar ka tagnay isla dharaartii waxaan ku dagnay Garoowe, galabtii ayaan ka tagnay degmada Eyl ayaan habeenkii u hoyannay. Subaxdii dambe ayaan ka baxnay, Qardho ayaan tagnay, habeen baan ku hoyannay oo habeen iyo dharaar ayaan joognay. Waan ka baxnay oo Bandarbeyla ayaan tagnay. Waan ka tagnay, Iskushuban ayan tagnay, waan ka baxnay Boosaaso ayaan tagnay. Qandala ayaan sii marnay.
Soomaalileyn Laasqoray ayaan ka galnay, Ceerigaabo ayaan sii marnay, Burco ayaan marnay, Hargeysa ayaan tagnay
.

Intaas baaba aniga i qancisay ,,,,, :D

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this