Sign in to follow this  
General Duke

Update on new Parliment, Warlords, Ala Shiekh refused entry...

Recommended Posts

Muqdisho (RBC) Sida ay ogaatay Shabakada Raxanreeb waxay guddiga farsamada ee xulista baarlamaanka* saacadihii u dambeeyay ay dib u soo celiyeen qaar ka mid ah liisaskii xildhibaanadacusubee baarlamaanka Soomaaliya ee ay gudbiyeen beelaha qaarkood.

Magacyada oo Raxanreeb ay heshay ayaa waxaa ku jira shakhsiyaad hore Raxanreeb ay u shaacisay inay heleen baarlamaanka kadib markii beelaha ay ka soo jeedaan ay soo gudbisteen si ay uga mid noqdaan baarlamaanka cusub.

Mid ka mid ah xubnaha guddiga farsamada ee xulista baarlamaanka oo Raxanreeb ay u suurtagashay inay la hadasho ayaa sheegay inay cuskadeen shuruudo illaa toddoba qodob ah [Akhri shuruudaha] oo ay u adeegsadeen kala shaandheynta xildhibaanada baarlamaanka kuwaasoo horey loogu soo dejiyey guddiga inay raacaan.

Waa kuma shakhsiyaadka la soo celiyey?

Dadka la soo celiyey waxay kor u dhaafayaan illaa 50 ruux, waxaana arintan durba ay dhalisay dhaqdhaqaaq ka dhex socda odayaasha dhaqanka iyo siyaasiyiin saameyn ku leh xulista baarlamaanka kuwaasoo hadda raadinaya sidii ay u heli lahaayeen dad kale oo u bedela boosaska lagu soo celiyey.

Magacyada illaa hadda Raxanreeb ay heshay waxaa ka mid ah;-

1-Maxamed Qanyare Afrax (Waxaa keensaday beeshiisa. Wuxuu ka soo jeedaa Murusade/******)* Akhri warbixin hore

2- Bootaan Ciise Caalin “Xaaraan ku Naax” (Waxaa keensaday beeshiisa. Wuxuu ka soo jeedabeesha Dududle/******)

3- Aadan Saransoor (Waxaa keensaday beeshiisa. Wuxuu ka soo jeedaa Hadame/Mirifle).

4- Maxamed Ibraahim Xaabsade (Waxaa keensaday beeshiisa. Wuxuuna ka soo jeedaa Leysaan/Mirifle)

5- Xasan Abshir Faarax (Wuxuuna ka soo jeeda Ciise Maxamuud/**********).** Dood dheer kadib waxaa booska Xasan Abshir lagu bedelay walaashiis Sureer Abshir Faarax.* Xasan Abshir hadda musharax sida uu ku dhawaaqay isaga

 

Xasan Sheekh Maxamuud, gudoomiyaha Xisbiga Nabadda iyo Horumarka

6- Xasan Sheekh Maxamuud (Waa musharax xisbiga PDP. Wuxuu ka soo jeedaa Wacaysle/******, waxaana baarlamaanka u qortay beeshiisa).* Sida Raxanreeb ay ka ogaatay isla beesha dhexdeeda waxaa soo celinta Xasan ka timid Madaxweyne Shariif oo ku dooday in labo nin oo reerka ka wadatirsan aysan musharax wada noqon Karin. Akhri liiska musharixiinta

Arinta Xasan Sheekh Maxamuud weli dood weyn ayaa ka taagan oo beesha dhexdeeda ah.

Liis ka yimid beesha caalamka

Sida Raxanreeb ay ka ogaatay xubin ka mid ah guddiga farsamada ee xulista baarlamaanka waxaa xarunta guddiga la keenay lis ay ku qoran yihiin illaa 215 magac oo lagu sheegay inay yihiin SHAKHSIYAAD KA MAMNUUC AH SIYAASADDA SOOMAALIYA, waxaana liiskaasi ugu badan oo ku jira hogaamiye kooxeedyada iyo xildhibaanadii hore ee baarlamaanka.

markasta oo guddiga loo keeno liis xildhibaano, waxay ka fiiriyaan magacyada u qoran ee dadka WANTED ah, kaasi ayaan lagu kala xulaa dadka la aqbalayo iyo dadka la celinayo, sidaasi waxaa Raxanreeb u sheegay mid ka mid ah guddiga xulista oo aan rabin in magaciisa loo adeegsado warbixintan.

Waxaa kaloo jira toddobo qodob oo horey loogu dejiyey in loo adeegsado xulista baarlamaanka cusub. HALKAN KA AKHRI QODOBAAS

Dhanka kale maanta oo Isniin ah ayaa loo ballansan yahay in guddiga xulista ay isugu yeeraan xildhibaanada ku guuleystay baarlamaanka si ay u dhaariyaan. Waxaana warar ku dhow guddiga ay sheegayaan in la qorsheynayo dardargelinta kulankii ugu horeeyay ee baarlamaanka cusub uu yeelan doono.

Illaa hadda waxaa muuqata ifafaalo ah in doorashada madaxtinimada aysan ku dhici Karin waqtiga loo ballamay ee ah 20-ka Agoosto sababo la xiriira tirada kooramka baarlamaanka uu ku fariisan lahaa oo ah 184 mudane oo aan la heyn, hase yeeshee waxaa suurtagal ah in guddiga ay qaataan go’aan kale.

Wararkeena dambe ayaan ku soo bandhigeynaa hadba meesha ay marayaan xulista baarlamaanka. Haddaba isha ku hay Raxanreeb.com.

*

RBC Radio

Nairobi/ Kenya

Share this post


Link to post
Share on other sites

In kabadan 60-Kamid ahaa Xildhibaanada Cusub oo laga diiday inay ku biiraan, Yey u badnaayeen Xildhibaanadaas.

Posted by nbi on August 13th, 2012

Wararka ay Warbaahinta Puntlandi ka helayso magaalada Muqdisho ee caasimada dalka Soomaaliya ayaa xaqiijinaya in halkaas siweyn uu uga socdo Isbedel buuxa iyo isku shaandhayn lagu samaynayo baarlamaanka cusub ee beeluhu soo gudbiyeen iyadoona taasi ay noqotay Midii ugu balaarnayd lana soo celiyey rag badan oo siyaasada kujiray mudo dheer.

 

 

Wararka ay Puntlandi helayso ayaa hoosta ka xariiqaya in 60-xildhibaan iyo tiro intaas ka badan ay xubinimadooda ka hor istaageen gudiga ku mashquulsan howlaha xildhibaanada ee ah guddiga farsamada, *iyadoona xildhibaanadaasi ay isugu jireen kuwo ku cusub siyaasada, siyaasiyiin rugcadayaal ah, wadaado, iyo xubno kale oo kamid ahaa isbahaysigii la magacbaxay dib u xoraynta iyadoona taasi ay walwal xoogleh gaarsiisay hogaamiyeyaasha dhanka siyaasada ee xafiisyada madaxweynaha.

Xubnaha maanta laga saaray liiska xildhibaanada cusub ee Baarlamaanka waxaa safka hore uga jiray siyaasiyiin ka agdhow madaxweynaha Soomaaliya garabkiisa (Aala Sheekh) iyadoona xubnahaas ay sida warar hoose sheegayaan ay ku jiraan *Cabdikariim Xassan Jaamac

Sidoo kalena waxaa ku jira rag iyana aan soo buuxin shuruudihii xildhibaanimada sida war crimes: *danbiilayaal dagaal iyadoona loo diiday inay ku biiraan Xildhibaanada cusub.

Wararka hoose ee caawa Puntlandi ay Muqdisho *ka heshay ayaa sheegaysa inay xitaa meesha ka maqan yihiin quotadii dumarka ee ahaa 30%.

 

Xafiiska Puntlandi, Nairobi

Share this post


Link to post
Share on other sites

Who is out?

 

1.Maxamed Qanyare Afrax .....

 

2- Bootaan Ciise Caalin “Xaaraan ku naax"

 

3- Aadan Saransoor

 

4- Maxamed Ibraahim Xaabsade

 

5- Xasan Abshir Faraax.. Sureer Abshir Muse

Share this post


Link to post
Share on other sites

Guddiga Farsamada ee Soo Xulista Xildhibaanada Baarlamaanka ayaa waxay eedeymo kulul ay u jeediyeen Odayaasha Dhaqanka, iyagoona ku eedeeyay inay u soo gudbiyeen niman aan ka soo bixin Sharuudihii laga rabay.

 

Gudoomiyaha Guddiga Farsamada Soo Xuliska Baarlamaanka Mudane C/Laahi Xiirey, oo la-hadlay Warbaahinta Magaalada Muqdisho ayaa marka hore sheegay inay meel wanaagsan mareyso soo xulista Xildhibaanada Baarlamaanka.

 

Gudoomiyaha ayaa tilmaamay in Odayaasha Dhaqanka ay weli ku mashquulsan yihiin Soo Xuliska Xildhibaanada Baarlamaanka cusub ee Soomaaliya loo-sameynaayo, isagoo intaasi ku daray in ilaa iyo iminka loo-soo gudbiyay 2,20 Xildhibaano, sida uu yiri.

 

Hase yeeshee wuxuu si kulul uu u sheegay in magaca ragga loo-soo gudbiyay aysan qaarkood soo buuxin sharuudihii laga rabay, sidaasi daraadeed ayaa wuxuu carabka uu ku adkeeyay inay dib ugu celin doonaan Odayaashii u soo gudbiyay.

 

Odayaasha Dhaqanka ayaa wuxuu ku canaantay inay u soo gudbiyaan niman buuxin karaaya sida uu yiri Sharuudaha looga baahan yahay, isagoo ka digay in la-dhinac maro sharuudaha laga doonaaya ragga noqonaaya sida uu sheegay Xildhibaanada.

 

C/Laahi Xiirey ayaa sidoo kale sheegay in mudada loo-qabtay Odayaasha Dhaqanka ay dhamaatay, laakiin wuxuu markale uu si deg deg leh uu ugu baaqay inay soo dhameystiraan tirada ka dhiman xubnaha Baarlamaanka, oo uu cadadkoodu ku egyahay 2,75 Mudana-yaal.

 

Xilli mudada Dowladda Kmg ah ee Soomaaliya ay ka harsan tahay 7 cisho oo qura, ayaan weli la-soo dhameystiran xubnaha Baarlamaanka cusub ee Soomaaliya loo-sameynaayo, iyadoo welina ay harsan tahay Doorashada Gudoomiyaha

Share this post


Link to post
Share on other sites

Muqdisho (RBC) Waxaa lagu wadaa in labada maalmood ee soo socota la soo bandhigo markii ugu horeysay liiskii ugu horeeyay ee baarlamaanka cusub ee Soomaaliya kaasoo xulidiisu ay mareyso meel gabagabo ah, sida ay Raxanreeb ka soo xigatay xubno ka tirsan guddiga farsamada ee xulista baarlamaanka.

Maanta oo Isniin ah [13/08/2012] ayaa waxaa si rasmi ah loo ansixiyey 165 xildhibaan oo ka kala yimid beelaha Soomaalida kuwaasoo markii lagu sameeyay baaritaan iyo raadraac dukumintiyadooda la xaqiijiyey inay yihiin dad ka gudbay shuruudihii loo dhigay xulista baarlamaanka cusub ee dalku yeelanayo.

Haddaba sidee xulista maanta u dhacday?

Sida ay Raxanreeb ugu xogwarameen xubno ka mid ah guddiga farsamada ee xulista waxaa guddiga ay qabteen illaa 205 xubnood oo isugu jira rag iyo dumar kuwaasoo ku jiray liisas beryahan ay keensadeen odayaasha dhaqanka ee beelaha kala duwan.* Waxaana baaritaan lagu sameeyay liiskaasi ka dib loo kala saaray sida soo socota;

- 165 xubnood waa la aqbalay xildhibinimadooda kadib markii lagu qancay inay shuruudaha buuxiyeen.* 22 Xubnood oo ka mid ah 165waa haween, taasoo micneheedu yahay in 12% kaliya ay yihiin dumar illaa hadda tirada baarlamaanka cusub.

Xubnaha Beesha caalamka ka jooga oo ay ugu horeeyaan UN-ka iyo guddiga xulista waxay taagan yihiin inay ka go’an tahay sidii loo gaari lahaa koontadii 30% loo qoondeeyey dumarka illaa laga xaqiijinayana aanu jieri doonin waxkale oo lagu bedelo go’aankaasi.

- 24 xubnood waa la soo celiyey, waxaana ku jira labo haween ah oo loo arkay inay ka gudbi waayeen shuruudihii loo dhigay xildhibaanada cusub.

- 16 xubnood waxaa dib loogu dhigay baaritaan dheeri ah kadib markii lagu qanci waayey cadeymaha ay la yimaadeen.* Raxanreeb waxay ogaatay in shahaadooyinka ay keensadeen xubnahan laga shakiyey oo hadda guddigu ay baaris ku wadaan.

Dadka la diiday

Xubnaha la celiyey ee ay guddigu diideen inay aqbalaan waxaa ka mid ah haween lagu magacaabo Shariifo Caddow oo sida Raxanreeb loo xaqiijiyey ka mid ahayd haweenkii ka qeybqaatay dagaaladii afarta bilood ee sanadkii 1992-kii Muqdisho* ku dhexmaray taageerayaashii Gen Caydiid iyo kuwii Cali Mahdi oo ku saleysnaa hab qabiil.* Ilo wareedyo kale waxay xaqiijiyeen in Shariifo Caddow lagu helay inay dhowr jeer hanjabaado u dirtay ururadii bulshada rayidka iyo kuwa xuquuqul Insaanka ee Muqdisho ka hawlgeli jiray sanadihii 1990-meeyadii xilligaasoo dagaalo ahli ah ay dalkaka socdeen dad badana la xasuuqay.

Dadka kale ee la soo celiyey waxaa ka mid ah wiil uu dhalay Maxamed Qanyare Afrax oo lagu magacaabo C/weli Maxamed Qanyare oo sida la sheegay lagu soo bedelay kadib markii aabihii [Maxamed Qanyare] laga soo saaray liis ay horey beeshiisa u soo gudbisay oo ay diideen guddiga xulista.*** Guddigu waxay weli ku doodayaan in C/weli Maxamed Qanyare laftiisa uu qeyb ka soo qaatay colaadihii sokeeye ee Muqdisho ka dhacay sidaasi awgeed loo arko nin aan buuxin karin shuruudaha.

Waxaa la bedelay Xasan Abshir Faarax oo lagu bedelay Sureer Abshir kadib markii guddigu ay dib u soo celiyeen liiskii uu ku jiray Xasan Abshir Faarax oo rabay inuu xildhibaanada ka mid noqdo.* Sidoo kale Aadan Saransoor, Maxamed Ibraahim Xaabsade, Cumar Finish iyo Maxamed Dheere ayaa dib loo soo celiyey.

Waxaa xusid mudan in Maxamed Ibraahim Xaabsade, Cumar Finish iyo Aadan Saransoor uu taageerayay Shariif Xasan oo hadda ah musharax u tartamaya jagada madaxtinimada Soomaaliya. Halkan ka Akhri

Liis ka yimid beesha caalamka

Sida Raxanreeb ay ka ogaatay xubin ka mid ah guddiga farsamada ee xulista baarlamaanka waxaa xarunta guddiga la keenay lis ay ku qoran yihiin illaa 215 magac oo lagu sheegay inay yihiin SHAKHSIYAAD KA MAMNUUC AH SIYAASADDA SOOMAALIYA, waxaana liiskaasi ugu badan oo ku jira hogaamiye kooxeedyada iyo xildhibaanadii hore ee baarlamaanka oo loo bixiyey qaswadayaal “spoilers”.

markasta oo guddiga loo keeno liis xildhibaano, waxay ka fiiriyaan magacyada u qoran ee dadka WANTED ah, kaasi ayaan lagu kala xulaa dadka la aqbalayo iyo dadka la celinayo, sidaasi waxaa Raxanreeb u sheegay mid ka mid ah guddiga xulista oo aan rabin in magaciisa loo adeegsado warbixintan.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Mooge   

General Duke;856811 wrote:
Who

 

5- Xasan Abshir Faraax.. Sureer Abshir Muse

Sureer is in. Abshir is out.

Share this post


Link to post
Share on other sites

How about current TFg official that stole millions of dollars from the poor.

 

Why are they running for presidency and high level position . We can stop previous warlords but we can't stop

people who stole Monday from thier own people.

 

Why in the world is sharif Sakiin running for presidency ?

 

This is just ridiculous

Share this post


Link to post
Share on other sites

Haddaba dadka la soo celiyey oo Raxanreeb ay heshay magacyadooda waxaa ka mid ah;

 

1- Xasan Macalin (beesha ******)- Wasiiru dawlihii hore ee madaxtooyada DKMG ah sidoo kalana xildhibaan ka ahaa baarlamaankii hore. (Xasan wuxuu ka tirsan yahay kooxda Aala Sheekh)

 

2- Sheekh C/qaadir Cali Cumar (beesha ******)- oo ahaa gudoomiyihii maxkamadaha Islaamiga ee gudaha ee loo yaqaanay “muqaawamada”. Sheekh C/qaadir wuxuu kaloo wasiir arimaha gudaha u ahaa xukuumadii Cumar C/rashiid ee la dhisay 2009.

 

3- Dr C/casiis Sheekh Yuusuf (beesha ***)- oo ah wasiirka caafimaadka ee hadda (xukuumadda C/weli Gaas). Dr. C/casiis wuxuu sidoo kale wasiirka caafimaadka ka noqday xukuumaddii Cali Maxamed Geedi.

 

4- C/laahi Sheekh Ismaaciil (beesha ***)- oo DKMG ah mar ka noqday wasiirka arimaha dibadda, mudo dheerna ahaa xildhibaan ka tirsan baarlamaanka KMG.

 

5- C/raxmaan Xaaji Aden Ibbi (beesha ***)- oo wasiirka kalluumeysiga ka soo noqday xukuumaddii Cumar C/rashiid 2009, sidoo kalana xildhibaan ka ahaa baarlamaanka. Ibbi waxaa si gaar ah loogu eedeeyay inuu u hanjabay xubnaha guddiga xulista baarlamaanka oo uu ugu goodiyey dil.

 

C/raxmaan Ibbi weli wuxuu ka tirsan yahay kooxda Aala Sheekh.

 

Soo celinta xubnahan ayaa waxaa ka dhalatay dood adag, kadib markii odayaasha beelahooda ay sheegeen inaysan aqbalayn sida guddiga xulista ay wax u wadaan, waxayna odayaasha beelaha ay raggan ka soo jeedaan ku goodiyeen inay baarlamaanka ka bixi doonaan haddii aan laga aqbalin ragga ay keensadeen. Haddiise ay dhacdo in guddiga ay dib u aqbalaan xubnaha ay celiyeen waxaa dhici karta in beelihii horey dadka qaar looga celiyey ay iyaguna so laba kacleeyaan.

 

Waxaa isaguna booska xildhibaanimada waayey Sheekh Daahir Maxamuud Geelle (oo ah wasiirkii hore ee warfaafinta) haatana hogaamiya Madasha Daljir inkastoo la sheegay in Daahir isqabqabsi dhanka beesha uu ku waayey booska xildhibaanimada.

 

Dhanka kale, sida xubnaha guddiga xulista ay u sheegeen Raxanreeb waxaa liiska xildhibaanada baarlamaanka ay hadda marayaan 240 mudane oo ah tirada illaa hadda la aqbalay, waxaase laga warsugayaa in beryaha soo socda la dhameystiro ugu yaraan tirada 284 mudane oo kalfadhiga baarlamaanka [kooranka] uu ku furmi karo.

 

Xubnaha guddiga xulista ayaa rajo wanaagsan in maalmaha fooda nagu soo haya si rasmi ah loo soo afmeero xulista baarlamaanka cusub kadibna la gudagalo doorashooyinka loo ballansan yahay in dalka ka dhacaan.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this