Sign in to follow this  
Liibaan

Liiska Xildhibaanada Barlamaanka Federaalka Soomaaliya ee Kasoo Jeeda KHaatumo State

Recommended Posts

Liibaan   

120806152651_abdikarim_304x171_other_noc

 

CabduKariim Ayaa Hishiiskii Mahiga Iyo Faroole Ganafka Ku Dhuftay Sheegayna In Uusan Qayb Ka Ahayn Shirkii Burburay ee Ka Dhacay Nairobi

 

C/Kariin Xasan Jaamac Oo Magaciisa Lagu Sheegay War Saxaafadeedka Ka Soo Baxay Shirkii Nairobi Ugu Soo Gaba-Gaboobay Shan Kamid Ah Lixdii Saxiixayaasha Road Map-Ka.

 

C/Kariin ayaa BBC-da u sheegay in uusan qayb ka ahayn heshiiskii lagu gaaray Nairobi oo dhigayo in mudanayaasha gobolkaasi ay soo kala xulaan Odayaal Dhaqameedyo ku kala sugan Muqdisho iyo Garoowe.

 

Bayaanka ka soo baxay shirka ayaa lagu sheegay in wada-xaajoodka arrinta Khaatumo uu qeyb ka ahaa Cabdikariin Xasan Jaamac oo horey u ahaa jirey wasiirka warfaafinta ee dawladda KMG ka ah ,Hase yeeshee C/kariin ayaa arrinkaa ganafka ku dhuftay sheegayna in uusan qayb ka ahayn shirkii shalay ka dhacay Nairobi.

 

Maamulka Khaatumo ayaa isagu ah mid had iyo jeer ku hawlan taaba galinta siyaasadeed ee Goboladaas.

 

Tan ay wadaan Faroole iyo Sabiga C/wali ayaa ah mid aan weecin Karin hadafka Khaatumo oo ah in dib loo yagleelo dawladda Soomaaliyeed iyo Qaran kii taaba galka ahaa oo mar labaad ka dhasha wadanka Soomaaliya.

 

Isimada Khaatumo ayaa iyagu ah kuwa xulay Xildhibaanadii Uga qayb gali lahaa Maaamulka Khaatumo Baarlamaanka Cusub iyaga oo liiskii iyo dadkii ka qayb gali lahaa intooda badan gacanta ku haya.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Liibaan   

www.awdalpress.com

 

Maamul Goboleedka Galmudug: "Caalin Wuxuu Saxiixay Waa Wax Aanay Dadkiisu Oggolayn"

 

“Caalin Waxaa Is Weydiin Leh Marka uu Shirka Ka Qeybgalayo Yuu Wakiil Ka Yahay.? Cidda uu Wakiilka Ka Yahay Ma Ka La Tashaday Inuu Qalinka Ku Duugo In Saamigii Ay Laheyd Beesha KHaatumo Inuu Afka u Dhigto Faroole, Teeda Kale Arrintaasi Galmudug Beri Bey Ka Tahay, Waxeyna Aamisan Tahay Cidda Xaqa u Leh In Lagala Tashado Soo Xulitaanka Xildhibaanada In Ay Yihiin Siyaasiyiinta, Odayaasha Dhaqanka Ah ee Soo Jireenka Ah ee Beesha KHaatumo & Maamulka Khaatumo” Ayuu Yiri Cabdifataax Sabriye.

 

 

 

 

Cabdifitaax Sabriye oo ka mid ah siyaasiyiinta beesha Galmudug ayaa ku tilmaamay heshiiskii Nairobi oo Galmudug ay ka mid aheyd darafyadii heshiiskaasi saxiixay in Caalin uu ku saxiixay magaciisa, oo aanu kaga qeybgelin shirkaasi isagoo metelayey Galmudug, wuxuuna C/fitaax sheegay in madaxweydiinayo Galmudug ay tahay baarlamaankeeda, dhaqankeeda & madaxweyne Jen. Cabdiqeybdiid.

 

“Caalin waxaa is weydiin leh marka uu shirka ka qeybgalayo yuu wakiil ka yahay.? cidda uu wakiilka ka yahay ma ka la tashaday inuu qalinka ku duugo in saamigii ay laheyd beesha KHaatumo inuu qalinka ku duugo inuu afka u dhigto Faroole, teeda kale arrintaasi Galmudug beri bey ka tahay, waxeyna aamisan tahay cidda xaqa u leh in lagala tashado soo xulitaanka xildhibaanada in ay yihiin siyaasiyiinta, odayaasha dhaqanka ah ee soo jireenka ah ee beesha KHaatumo & maamulka Khaatumo” ayuu yiri Cabdifataax Sabriye.

 

“Faroole marka uu shirka imaanayey wuxuu meesha la yimid wixii ay dadkiisa la ogaayeen, Caalin waxaan weydiin lahaa dadkaaga ma kula ogaayeen inaad Faroole u saxiixdo baadilkaasi.? su’aashaasi waxey u taalaa in ay ka jawaabaan Galmudug” ayuu yiri Cabdifitaax.

 

“Caalin maadaama uu naf la caari yahay wax wanaag ah oo ka soo socdaana aysan jirin, wuxuu doonaya inuu noloshiisa ku dhammeysto xaafadda Islii, haddii uu ugu bato Faroole ayuu marti ugu noqon karaa Garoowe” ayuu yiri Cabdifitaax.

 

 

 

www.awdalpress.com

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this