Sign in to follow this  
Dr_Osman

Another Massive Copy Has Happened. Somaliland Begins 5 Year Education Reform

Recommended Posts

Dr_Osman   

Shir lagu dejinayo qorshaha Waxbarashada Somaliland ee shanta sano ee soo socda oo Hargeysa ka furmay

Comments (0) | Write Comment

 

Hargeysa(RBC):- Wasiirka Wasaaradda Waxbarashada iyo Tacliinta Sare ee Somaliland Samsam Cabdi Aadan, ayaa maanta furtay shir lagu dejinayo qorshaha shanta sannadood ee soo socda lagu hagi doono Waxbarashada Somaliland.

 

Shirkan oo lagu qabtay Huteel Ambassator ee magaalada Hargeysa, ka sokow Wasiirka Waxbarashada waxa ka qaybgalay Masuuliyiin Xukuumadda ka tirsan oo uu ka mid yahay Wasiirka Wasaaradda Warfaafinta iyo Wacyigelina Cabdiraxmaan Yuusuf Ducaale (Boobe), Xildhibaanno Golayaasha Baarlamanka ka socda, Agaasimayaasha Waaxaha Wasaaradda Waxbarashada iyo Tacliinta sare, Macallimiin, Aqoonyahaniin Jaamacadaha ka socda, Xubno ka socday Xafiisyada gobollada ee Wasaaraddaas iyo Khoboro kale.

 

Wasiirka Waxbarashada iyo Tacliinta sare oo furitaankii Shirkan ka hadashay, ayaa sheegtay in sababta shirkan loo qabtay tahay in qorshe dhammaystiran oo shanta sano ee soo socda lagu hago hannaanka Waxbarasho ee Somaliland la helo, isla markaana ay Wasaarad ahaan muddo qorshaynayeen sidii shirkan loo qaban lahaa, qorshe midho-dhal ah oo wax ku ool ahna looga soo saari lahaa.

 

Wasiirku waxay sheegtay in loo baahan yahay in Xubnaha ka qaybgalayaasha shirka iyo Khoborada wada dejinaya qorshaha shanta sano ee soo socda lagu hoggaaminayo Waxbarashada Somaliland ay si deggan oo taxadir badani ku jiro uga fiirsadaan muhiimadda qorshaha looga fadhiya inay dejiyaan uu u leeyahay bulshada reer Somaliland guud ahaanba iyo sida Xukuumaddu masuulka uga tahay dejinta qorshayaasha noocan ah oo ay tahay in sida ugu habboon loo habeeyo.

 

Wasiirka Waxbarashada iyo Tacliinta Sare ee Somaliland Marwo Samsam Cabdi Aadan oo sharraxaad ka bixisay ujeeddada shirkan waxa ay tiri; “Ujeeddada aynu maanta shirkan u qabanaynaa waa sidii qorshe dhammaystiran oo lagu hago Waxbarashada shanta sano ee soo socda aynu u samayn lahayn. Waxaana loo baahan yahay intiinna maanta halkan joogtaa inaad maskaxda tuujisaan oo qorshe laga fikiray oo aad looga baaraan-degay dejisaan, idinka oo maanka ku haya muhiimadda qorshaha la idiinka fadhiyaa Somaliland u leeyahay.”

 

“Waayo? Waxbarashadu waa hal-bawlaha ummadi leedahay, wixii ka qalloocda qorshaha iyo siyaasadda waxbarashada Somaliland oo dhan ayuu ka qalloocanayaa, markaa qorshe aan qabyo ka muuqan baa la idinka sugayaa labada cisho ee aad halkan joogtaan inaad dejisaan.” Sidaa ayey tiri Wasiirka Wasaaradda Waxbarashada iyo Tacliinta sare ee Somaliland Samsam Cabdi Aadan.

 

Sidoo kale, Wasiirka Wasaaradda Warfaafinta iyo Wacyigelinta Somaliland Cabdiraxmaan Yuusuf Ducaale (Boobe) oo isaguna halkaa ka hadlay, ayaa sheegay inay wada-shaqayn toos ahi ka dhaxayso Wasaaradaha Waxbarashada iyo Warfaafinta, isla markaana uu muhiimad badan Somaliland u leeyahay shirkani.

 

“Halkan aynu maanta joognaa waa meelaha ugu habboon ee la isugu yimaaddo, waayo Waxbarashadu waa meesha Bulshada horumarka higsanaysaa ka korto ama dib uga dhacdo. Marka dal u guurayo horumar halka laga horumaraa waa Maskaxda, Waxbarashadu waa Maskaxdii iyo Aqoontii lagu hayaamayey.” Sidaa ayuu yiri Wasiirka Warfaafinta iyo Wacyigelinta Somaliland.

 

Wasiir Boobe oo hadalkiisa sii wataa waxa uu intaa ku daray oo uu yiri; “Markaa, shirkan maanta furmay ee qorshaha shanta sano ee Waxbarashada lagaga hadlayaa waa mid aad u muhiim ah, loona baahan yahay in muhiimadda uu leeyahay idinka oo dareensan wax Waxbarashada wax ku soo kordhin karta oo dhammaystiran ka soo saartaan. Waxaanan rejaynayaa inaad qorshe fiican dejin doontaan muddada shirku idiin socdo.”

 

Xildhibaanno ka kala socday golayaasha Baarlamanka ee Guurtida iyo Wakiillada Somaliland, Aqoonyahaniin, Masuuliyiinta Waaxaha Wasaaradda Waxbarashada iyo Tacliinta Sare iyo Agaasimaha guud ee Wasaaraddaas, ayaa iyaguna shirkaa ka hadlay, isla markaana si isku mid ah u iftiimiyey muhiimadda uu shirkan qorshaha shanta sano ee soo socda ee Waxbarashada Somaliland lagaga hadlayo iyo sida loogu baahan yahay in qorshe fiican lagu dejiyo.

 

Geesta kale, Wasiirrada Waxbarashada, Warfaafinta, oo ay Weheliyaan, Guddoomiyeyaasha Xisbiyada KULMIYE iyo UCID, Madaxda Gobolka Saaxil iyo Maayerka Degmada Berbera, ayaa isla maanta dhagax-dhigay Dhismayaasha Dugsiyo Borden ah oo laga hirgelin doono magaalada Berbera ee xarunta gobolka Saaxil.

 

Si kastaba ha ahaatee, waa markii ugu horreysay ee shirkan oo kale oo qorshe shan sannadood ah loogu dejinayo Waxbarashada ay qabato Wasaaradda Waxbarashada iyo Tacliinta sare ee Somaliland.

 

RBC Radio

Share this post


Link to post
Share on other sites
Dr_Osman   

copy iska daa. Health and education reforms are well known in Puntland waana qorshaha shan sano ah. LET ME GUESS U WILL START LIVESTOCK ADVANCED QUARANTINES SOON

Share this post


Link to post
Share on other sites

Soon they'll start copying vaccination programs, how dare they come to the same conclusions on the betterment of their people!

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this