Sign in to follow this  
Somalia

Breaking News: PM Abdiweli Gaas is running for presidency

Recommended Posts

Somalia   

Nairobi(Pi) Xog rasmi ah oo Puntlandi.com heleen ayaa shaaca ka qaadeysa in Raysal Wasaaraha Soomaaliya Prof. Cabdiwali Maxamed Cali Gaas uu u sharaxan yahay Jagada Madaxweynaha Soomaaliya doorashada bisha Ogosto, Waxaa sidaas Puntlandi u xaqiijiyay Shaqaalaha ku howlan Ololaha musharaxnimada Raysal wasaare Cabdiwali Maxamed Cali Gaas.

 

Daahir Mire Jabriil oo bilihii u dambeeyey ku sugnaa Nairobi ayaa hogaaminaya kooxda maamulaysa ololaha uu Raysla wasaare Gaas ugu jiro inuu noqdo Madaxweynaha Soomaaliya ,fadhigooduna waa Nairobi Kenya.

 

Sida aan warar rasmi ah ku helney Raysal Wasaare Cabdiwali Waxaa ku dhaliyey inuu isu sharaxo Madaxweynanimada soomaaliya ka dib markii ay aqoonyahano iyo Waxgarad Soomaaliyeed ku dhiiri galiyeen inuusan ka bixin siyaasada Soomaaliya, tasoo naloo xaqiijiyey in Prof. Gaas uu wakhti dheer ka fakarayay, aakhirkiina cadaadis badan ka dib wuxuu aqbalay inuu isusoo taago jagadaan.

 

Odoyaal dhaqameedyo iyo Aqoonyahano Soomaaliyeed ayaa markey arkeen sida uu Raysal wasaare Gaas u maareeyay marxalada Soomaaliya uguna guuleystey inuu bilowfican u horseedo umada Soomaaliyeed ayay ku dadaaleen iney Raysal wasaare Gaas ka dhaadhiciyaan inuusan faraha kala bixin siyaasda soomaaliya, wxaana illo wareedyo hoose Puntlandi u xaqiijiyeen inuu Raysal Wasaare Gaas aqbaley arintaan losoo jeediyey .

 

Raysal Wasaare Gaas wuxuu dhowaan si rasmi ah ugu dhawaaqayaa musharaxnimadiisa, waxaana loo badinayaa dabayaaqada Todobaadka soo socda(21 luuliya wixii ka dambeeya).

 

Puntlandi.com

 

Xarunta Wararka Deg dega ah

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this