Sign in to follow this  
mahad yare

caasimada Puntland welcomes Mark Bowden

Recommended Posts

Wefdi uu horkacayo xiriiriyaha gargaarka bini aadminimada ee Soomaaliya Mark Bowden ayaa maanta magaalada Garoowe soo gaarey.

 

Marka Bowden iyo wefdigiisa oo si diiran loo soo dhoweeyey waxay kulan la qaateen madaxweynaha Puntland Cabdiraxmaan Maxamed Maxamuud Faroole.

 

Kulankaas oo ahaa mid ay Saxaafadu banaanka ka joogtey ayaa markii uu dhamaaday kadib waxaa si wada jir ah Saxaafadda shir ugu qabtay madaxweynaha iyo Mark Bowden.

 

Madaxweynaha oo isagu hadalka ku horeeyey ayaa ka warbixiyey waxyaabihii ay wefdigan UN-ka ka socda ka wada hadleen, wuxuuna sheegay inay ugu mihiim sanayd wax ka qabashada xaalada abaaraha iyo sidii loo caawin lahaa dadka barakacayaasha ah ee ku nool magaalooyinka waaweyn ee Puntland.

 

Mark Bowden ayaa isna sheegay in Qaramada Midoobey ay isku deyi doonto in intii awoodeeda ah ay wax ka qabato baahiyaha dhanka bini aadminimada ah ee Puntland ka jira.

 

Ma ahan markii ugu horeysey ee xiriiriyaha arimaha gargaarka Soomaaliya Qaramada Midoobey u qaabilsani uu magaalada Garoowe soo gaaro, haseyeeshee waxaa jirey dhowr mar oo hore oo sidan oo kale uu u yimid.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this