Sign in to follow this  
oba hiloowlow

Augori, Hambalyo,Congratulations, Somalia 52 Years!!

Recommended Posts

Soomaaliyeey toosoo

Toosoo isku tiirsada ee

Hadba kiina taagdaranee

Taageera waligiinee

 

Idinkaysu tookhaayoo

Idinkaysu taamaayee

Aadamuhu tacliin barayoo

Waddankiisa taamyeeloo

 

Sharcigaa isku kiin tolayoo

Luuqadaa tuwaaxid ahoo

Arligiina taaka ahoo

Kuma kala tegeysaan oo

 

Tiro ari ah oo dhaxalaa

Sideed laydin soo tubayoo

Ninba toban la meel marayoo

Cadowgiin idiin talin oo

 

Tuldo geel ah oo dhacan baad

Toogasho u badheedhanee

Ma dhulkaas dhanee tegeybaan

Ninna dhagax u tuurayn

 

Qaran aan hubkuu tumayo

Tooreyda dhaafayn

Oo aan taar samayn karin

Uur kutaallo weynaa

 

Hadba waxaan la taahaayoo

Togagga uga qaylshaa

Nin dalkiisii cadow taaboo

U tol waayey baan ahayee

 

Hadba waxaan laa ooyaayoo

Oo ilmadu iiga qubaneysaa

Iqtiyaar nin loo diidoo

La addoon sadaan ahayee

Share this post


Link to post
Share on other sites

Munaasabaddo loogu dabaal degayo Koowda Luulyo oo ku beegan caawa sanad guuradii 52aad ee kasoo wareegatay markii ay gobollada Koonfureed ee Dalkeenna xornimada ka qaateen gumeystihii Talyaaniga islamarkaana ay midoobeen gobollada Koonfur iyo Waqooyi ayaa ka kala socota gudaha Dalka iyo Dibadda.

 

Munaasabadahan ayaa Munaasabadda ugu ballaaran waxey hada ka socotaa xarunta Madaxtooyada Qaranka ayadoo Munaasabadanna ay ka qeybgalayaan Madaxda ugu sareysa Dalka,mas’uuliyiin,fanaaniin iyo qeybaha kala duwan ee Bulshada waxaana ay socon doontaa ilaa caawa saqda dhexe xiligaasi oo Calanka Jamhuuriyadda la saarayo.

 

Isla magaalada Muqdisho Munaasabad iyana si heer sarre ah loosoo agaasimay ayaa ka soconeysa Taliska Ciidammada Xoogga Dalka Soomaaliyeed ee Villa Beydhabo waxaana Munaasabadaasi soo qaban qaabiyey Taliska Ciidammada Xoogga Dalka sida uu soo sheegayo Sawir Qaade C/qadar Catoosh oo Villa Baydhabo ku sugan.

 

Ammaanka Caasimadda ayaa si weyn loo adkeeyey caawa waxaana magaalada guud ahaanba laga dareemayaa Munaasabadan qiimaha badan ee Koowda Luulyo ayadoo markaad marto wadooyinkana aad ku arkeyso leyrar kala midabo duwan iyo calankeenna Sharafta leh oo meel walba suran.

 

Sidoo kale Munaasbaddo iyana ay soo qaban qaabiyeen maamullada kala duwan ee ka jira gobollada Dalkeenna ayaa iyana ka kala socoto gobollada Shabeelada Dhexe,Hiiraan,Gedo iyo Jubooyinka oo iyagu sanadihii lasoo dhaafay aan Munaasabadahan laga xusin maadaama ay ku sugnaayeen Maleeshiyaadka diidan qarannimada iyo Jiritaanka umadda Soomaaliyeed halka gobollada Galgaduud, Mudug,Nugaal iyo Barri oo iyana sanad walba laga xusi jirey ay Munaasabaddo ka soconayaan sida ay kusoo waramayaan Wariyeyaasha Warbaahinta Qaranka ee gobollada.

 

Dhanka Dibadda dalka Kenya magaalada Caasimadda u ah ee Nairobi gaar ahaan dhismaha Safaaradda Soomaaliya ee dalkaasi ayaa waxaa ka soconaya Munaasabad si heer sare ah loosoo agaasimay taasi oo Safaaraddu ay soo agaasintay waxaana ay tahay markii ugu horeysay ee wixii ka dambeeyey burburkii dhulka Safaaradda Soomaaliyeed ee Kenya in Munaasabaddan qiimaha leh lagu qabto waayo dhowaan ayey Safaaraddu ku guuleysatay dhulkaasi in gacantii Umadda Soomaaliyeed ay dib ugusoo celiso ayadoo Munaasabaddana ay ku sugan yihiin fanaaniin ay ka mid tahay Fanaanada Soomaaliyeed Hibo Maxamed Hudoon (Hibo Nuura).

 

Turkiga magaallo madaxdiisa Ankara ayey iyana sidoo kale ka socotaa Munaasabad si heer Sarre ah loosoo agaasimay taasi oo ay soo qaban qaabisay Safaaradda Soomaaliya ee Turkiga.

Share this post


Link to post
Share on other sites

sareeyoow calankaygoow

sumadii wadankaygoow,

samada kii u ekaayoow

Sanad Guuro wanaagsan.

 

sareeyoow dabcigaagiyo

waxaad saaka ku toostiyo

waxaad soo martay oo dhan

anba waan la socdaaye

sanad guuro wanaagsan.

 

sida aad tahay maantiyo

noloshaada sirteedu

ima seegana oo

sanadihii u danbeeyay

wixii aad ku sugnayd

anba waan la socdaayo

kaama seexdo habeene

sanad guuro wanaagsan.

 

sadrigaygiyo laabtiyo

sanbabkayga dushiisuu

iiga yaal sawirkaagoo

samahaagiyo guuliyo

inaad soo noqotoo

samadaa ka hilaacdaan

saatir kaaga baryaayo

silic kuuma rajeeyee

sanad guuro wanaagsan.

 

cabdilaahi suldaan iyo

sareeyoow ma nusqaamoow

kana siib kana saar

markaan soo yar xasuustaan

saydhiyaa il-madaydoo

naftu seexadka diidaye

sanad guuro wanaagsan.

 

seef laboodku dhammaan

saxariirta aduunkiyo

silic bay ku badeenoo

calan aan sal lahayn

inay soo sawirteenoo

samadaa babiyeen

adna ay salka hoosiyo

sagxadaa ku dhigeen

sareeyow maqlay taasnee

sanad guur wanaagsan.

 

si kaloon ku idhaahdo

saaka kuu garan maayo

saq-dhexaan ku jirnaayo

saan-saantaan arkaayaayoo

saadaashaadu ma fiicnee

samirkaaga dugsoo

salaantayda guddoonoo

sanad guuro wanaagsan.

 

sareeyoow adigoon

aduunkoo dhan safaarad

samadaa widhwidhaynoo

magacaagu sarrayn

saraakiil & ciidan

salaan kuu fidinayn

subaxdiina schoolka

ubadkoo saf utaagan

sacab kuu tumahayn

aduunkaan silicaa

allow yaanan sagootin

saatirow rabiyow

inta aanan socdaalin

su,aashaadayda ajiib..

Share this post


Link to post
Share on other sites
Ms MoOns   

Happy Somalia Independence Day. I pray for freedom and happiness. May we live to see that day. Ameen thumma ameen.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Dabaaldegyo lagu weyneynayo maalinta xorriyadda ee 1da Lulyo ayaa xalay iyo maantaba ka dhacaya Muqdisho iyo gobollada kale ee dalka, iyadoo dadka Soomaaliyeed meel kasta oo ay caalamka ka joogaanba si xamaasad iyo qiiro waddaniyadeed leh uga qeybqaadanayaan xuska maalinta xorriyadda oo sanadkan Muqdisho looga xusay si ka duwan sanadihii la soo dhaafay.

 

Iyadoo xafladdii ugu ballaarneyd ee ka dhacday gudaha dalka xalay lagu qabtay xarunta madaxtooyada qaranka ee Villa Soomaaliya ayna ka qeybgaleen madaxda qaranka, Saraakiisha ciidamada qalabka sida, cutubyo ka tirsan ciidamada XDS, hooyooyin iyo marti sharaf kale ayaa haddana xaflado kale waxa ay ka dhaceen magaalooyinka Dhuusamareeb, Beledweyne, Beydhabo, Beled-xawo, Balcad, Afgooyo iyo magaalooyin kale kuwaas oo si weyn looga xusay maalinta weyn oo 1da Lulyo.

 

Maantana Muqdisho waxaa ka socda dabaaldeg iyo fantasyo aad u ballaaran oo aysan hore u arag da’yarta ama dhallinyarada aan iyagu hore u soo dhadhamin nidaamka dowladnimada iyo qiimaha xorriyadda, waxaana la xiray dhamaan waddooyinka muhiimka ah ee Muqdisho sida waddada Maka Almukarama, ilaa garoonka Kubbadda Cagta ee banaadir, iyadoo kooxaha Bambeyda ay horkacayaan kummannaan dadweyne ah oo socod ku marayaann waddooyinka Muqdisho.

 

Dibadbaxa ka sokow waxaa xusid mudan ama wax lagu farxo ah in dareenkii waddaninimo ee bulshada uu sare u kacay wixii ka dambeeyay markii Muqdisho laga saaray kooxda banneeysatay daadinta dhiigga ummadda Soomaaliyeed iyo boobka hantidoodaba, waxaana sida muuqata soo laabatay kalsoonidii shacabka mar haddi aysan dheg jalaq usiineyn hanjabaadaha iyo gooddiga ka imaanaya maleeshiyaadka kooxda shabaab.

 

Waxaad la ashqaraareysaa ama la uurgubaneysaa marka aad aragto dhallinyaro aad u da’yar oo la ilmeeynaya una muusaabaysa jaceylka dalka, dadka, ciidda iyo Calankoodaba isla markaana ku qeylinaya kalmado ay ku muujinayaan sida ay ugu hilowsanyihiin dalkeenna oo hagaaga oo ay ka hanaqaaddo dowlad awood u leh in ay maamusho dalkoo dhan soona celisa isjacelyki iyo isku duubnidii shacabkeenna Soomaaliyeed.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this