Sign in to follow this  
mahad yare

PM Abdiweli Gaas in Shabeele Sh/ Dhexe

Recommended Posts

Muqdisho, June, 26, 2012 ———- Wafdi uu hogaaminayo Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya, Dr, Cabdiweli Maxamed Cali ayaa maanta booqday Degmada Balcad ee gobalka Sh/Dhexe oo saakay gelinkii hore Ciidamada Xoogga dalka Soomaaliya iyo kuwa AMISOM ay la wareegeen gacan ku heynta Degmadaasi.

 

 

 

Ra’iisul Wasaare Dr. Cabdiweli, waxaa booqashadiisa Degmada Balcad ku wehlinayay qaar ka tirsan Golahiisa Wasiirada, Saraakiil iyo waliba Saxafiyiin goobta loo qaaday.

 

 

 

Ra’iisul Wasaaraha iyo wafdigiisa ayaa dadweynihii reer Balcad si heer saro ah ugu soo dhaweeyay.Iyagoona ka muuqatay farxad iyo hididaalo nabadeed in ay heleyn.

 

 

 

Ugu horeyn Gudoomiyaha Gobalka Sh/Dhexe, Cabdi Jiinoow Calasow, ayaa war bixin ka siiyay Ra’iisul Wasaaraha Jamhuuriyadda Soomaaliya howlgaladii ay maanta kula wareegeen degmada Balcad ee Gobalka Sh/Dhexe.

 

 

 

“Mudane Ra’iisul Wasaare, maanta waxaa noo farxad ah inaan kugu soo dhaweyno Degmada Balcad oo ah degmadii ugu horeysay ee gobalka Shabeelada hoose ee laga xoreeyay gacantii cadowga ee Al-Qaacidda, waxaa kaloo inoo farxad ah in maanta inoo tahay maalin ciid maadaama 26,June aan u dabaal dageyno xorminadii Gobalada Waqooyi ee Soomaaliya iyo maanta oo aan xureyney Degmada Balcad oo iyadana ah maalin aan u dabaal dageyno labadaasi farxadood”.

 

 

 

Wuxuu sidoo kale sheegay in guusha maanta la gaaray ay hormuud u yihiin Ciidamada Xoogga dalka Soomaaliyeed iyo kuwa AMISOM.

 

 

 

Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya, Dr. Cabdiweli ayaa isna Saxaafadda kula hadlay goobta, Wuxuuna sheegay in maanta ay tahay maalin taariikhi ah waayo waa 26,June oo aheyd maalintii ugu horeysay ee geyiga Soomaaliyeed laga taago Calanka Soomaaliya islamarkaana ay aheyd maalintii ay xornimada qaateen Gobalada Waqooyi ee Soomaaliya, Sidoo kale waxaa farxad labaad inoo ah in maanta Degmada Balcad laga xureeyay nimankii sharwadayaasha ahaa ee Al-Shabaab, Waxaana mahadaa iska leh Ciidamada Xoogga dalka Soomaaliyeed iyo kuwa AMISOM.

 

 

 

“Ciidamada Xoogga dalka Soomaaliyeed waa kuwa difaacaya dalka oo muujinayo wadaninimo iyagoo waliba aan ognahay iney ku shaqeyaan oo ku dagaalamaya daruufo adag laakiin taasi wax caqabad ah kuma noqon marka hore ayayba u diyaar garoobeen iney dalkooda difaacaan oo ay xornimo u horseedaan”.

 

 

 

Ra’iisul Wasaare Dr. Cabdiweli ayaa sidoo kale xusay in maanta ay farxad weyn u tahay in uu imaado Degmada Balcad maadaama markii iigu dambeysay uu yimid Sanadkii 1983 oo uu jaamacadda Soomaaliya ka qalin jabinayay waxaan marka ku faraxsanahay inaan 31 sano kadib ku soo laabto degmada Balcad ee gobalka Shabeelada Dhexe .ayuu yiri

 

 

 

Ugu dambeyntii Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya ayaa dadweynaha u sheegay in ay soo dhowaatay dowladnimadii taamka aheyd ee Soomaaliyeed oo aan ka baxeyno KMG sidii lagu yiqiinayna Soomaaliya meeshey joogtay la gaarsiiyo, taana waxaa lagu gaari karaa wada jirkeena,Midnimadeena, waxaana la gaarayaa 26,June ee soo socta Soomaaliya oo meel walba xor ah oo ay dowladd taam ah yeelatay, Waxaana Shacabka ula dardaar mayaa in ay la shaqeeyaan Ciidamada Xoogga dalka Soomaaliyeed ayna garab istaagaan Ciidankooda taas ayaan ku gaari karnaa in dalka intiisa kale la xureeyo.

Share this post


Link to post
Share on other sites

of course they are all fakes, they are not elected nor do they will a power , they are bunch of well fed hens in a chicken coot protected by the UN and fed and clothed by the UN, iam sadenned by the sight of these poor people and this well-fed monkey in 4 peiece suit its indeed a grizly sight for any decent somali.

 

Look at that poor kid in yellow shirt , probably he has seen half a dozen of take overs back and forth , one theif pushing another theif

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this