Sign in to follow this  
Somalia

Sheikh Shariif welcomes new presidential candidates

Recommended Posts

Somalia   

Madaxweynaha dowladda KMG ah ee Soomaaliya Shiriif Sheekh Axmed ayaa sheegay inuu si aad ah ugu faraxsan yahay imaatinka ay musharixiinta faraha badan ee xilka madaxtinimada u taagani magaalada Muqdisho kusoo qul qulayaan.

Madaxweyne Shiriif ayaa tilmaamay inay wanaagsan tahay in la tartamo balse ay lagama maarmaan tahay in si nadiif ah loo tartamo iyadoo laga fekerayo masiirka iyo horumarka guud ee dalka.

 

Wuxuuna intaas raaciyey in Siyaasaddu aysan ahayn in marka koowaad madaxweynenimada laga soo bilaabo balse ay jiraan heerar kala duwan oo loo soo maro, haseyeeshee ay hadana wax lagu farxo tahay in si hufan loo tartamo.

 

Hadalka madaxweynaha ayaa imaanaya maalmo kadib markii uu shaaca ka qaaday inuu yahay musharax u taagan xilka madaxweynenimada ee dalka.

 

Waxaana todobaadyadii u danbeeyey magaalada Muqdisho kusoo qul qulayey siyaasiyiin badankood qurbaha ka yimid kuwaasoo sheegay inay u taagan yihiin xilka madaxweyne nimada.

 

Horseed Media

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this