Sign in to follow this  
Fiqikhayre

Puntland President letter to the EU and UK Government

Recommended Posts

AKHRISO warqad uu Madaxwaynaha Puntland u qoray Midowga Yurub iyo dawladda Ingiriiska oo kusaabsan wadahadalladii dhex maray TFG iyo Somaliland.

 

Puntlandi.com

 

Taariikhdu markay ahayd 19-kii bishan aynu ku jirno ee Juun , madaxwaynaha Puntland oo ku hadlaya magaca dawlddiisa iyo dadkiisa wuxuu warqad u qoray dawladda Britian, dawladda Norway iyo waliba midowga Yurub .Warqada oo English ah riix halkaan

 

 

Ujeedada warqaddu ay ka hadlaysay ayaa waxay ahayd shirkii magaalada London ku dhex maray TFG iyo Somaliland, oo dawladda Puntland ay saluugsanayd waxyaabo si ula kac ah loo khalday.

 

Warqaddan xubnaha ay sida gaarka ah ugu socotay waxay ahaayeen, Matt Bough oo ah safiirka Ingiriiska u fadhiya Soomaliya , Alex Rondos wakiilka gaarka ah ee midowga Yurub ee Afrika, iyo Per Ludvig Magnus oo ah ambassador-ka Norway u fadhiya Kenya.

 

Sidan ayaa madaxwaynuhu hadalkiisu u dhignaa:-

 

Mudanayaal

 

Xukuumadda Puntland waxay taageero u muujisay dawladda Britain isku daygii iyo qabashadii shirkii Soomaalida ee London ka dhacay 23-dii Feberaayo 2012, kaasoo Soomaalidu ku kulantay qodobbo dhaxal gal ahna laga soo saaray.

 

Ayadoo isla shirkaasi London laga shidaal qaadanayo , madaxwaynaha dawladda kumeel gaark ah ee Soomaaliya wuxuu magacaabay 7 xubnood oo dar dargaliya wada hadallo u dhexeeya TFG iyo Somaliland.

 

Go aankaasi uu madaxwaynuhu ku magacaabay guddigaasi 15-kii April 2012 , wuxuu ahaa go’aan uu madaxwaynuhu qaatay oo mudnaantiisa lahaa marka la eego xaaladaha adage ee dalka ka jira.

 

Dawladda Puntland waa ay aqoonsatay guddiga uu madaxwaynaha dawladda federaalku magacaabay oo ka koobnaa 7 xubnood oo ay ku jireen 2 xubnood oo aad u sareeya oo ka tirsan dawladda Puntland. Tixgalintan gaarka ah waxay ahayd mid saxan marka la eego waxyaabaha 10-kii sano ee lasoo dhafay soo dhex marayay Puntland iyo Somaliland, gaar ahaan Somaliland barakicinta ay ku haysay qoysas badan . Cabashooyin adag oo ka dhan ah Somaliland-na waxay kallifeen in dagaalo lagala horyimaado Somaliland , taasoo khal khal galisay xasiloonida gobolka.

 

Dadka kunool gobollada Sool iyo Sanaag iyo waliba Buuhoodle oo daris la ah waxay milatariga Somaliland kala kulmeen dhibaatooyin iyo tacaddiyo badan , xilli ay beesha caalamku ay ka aamusan tahay wali. Hadda oo la joogo Somaliland way waddaa siyaasado rabshad iyo qas kusalaysan oo is ballaarin ah.

 

Mudanayaal

 

Waxaan ognahay inay London marti galinayso wada hadal u dhexeeya TFG iyo Somaliland, waxaana ogaannay in TFG ay si kadis ah booska uga saartay xubnihii dawladda Puntland u matali lahaa wada hadalka sabab aan la garan Karin, ayadoo ka dhigtay 5 xubnood xubnaha wada hadallada ka qayb galaya.

 

Liistiga cusub ee laga tagay xubnihii matalayay dawladda Puntland waxay ku tusinaysaa in madaxda TFG cadadis siyaasadeed kadib inay isku dhiibeen dalabkii Somaliland ee ahaa wada hadallada fool ka foolka ah.

 

Waxaan u aragnaa arimaha soconaya kuwo kuwo aan sharci ahayn, oo si khalad ah ay isku naas nuujinayaan labada dhinac TFG iyo Somaliland, waxaana arintani ay si cad meel uga dhacaysaa oo dhaawacaysaa yididiiladii loo qabay shirkii London ee 23-kii Feberaayo ka dhacay magaalada London.

 

Sida saadaasha ah wada hadallada dhex maraya koonfurta Soomaaliya iyo Somaliland waxay siinayaan awood aysan u qalmin iyo mudnaansho dheeri ah Somaliland oo doonaysa inay ku dooddo helidda madax bannaani , ayadoo si indho adayg ah ku sheeganaysa xudduuddii gumaystayaashu ay xilli hore sameeyeen , isla markaana si cad isaga indho tirayso runta iyo xaqiiqada meesha k ajirta.

 

Puntland waxay horay tanaasulaad uga gashay kabixidda guddiga wada hadallada inta ka harsan xilliga kumeel gaarka ah oo ahaa 4 bilood, laakiin sidaas oo ay tahay , Puntland ma aqbali doonto is beddelada hadda socda iyo wixii kasoo baxa shirka wada hadallada ee TFG iyo Somaliland taasoo meesha ka saartay xubnihii Puntland, si ay Somaliland jaanis ugu hesho daneheeda go’itaanka.

 

Mudanayaal

 

Dawladda Puntland waxay ka codsanaysaa Dawladda boqortooyada Ingiriiska inay dib u milicsato marti galinta iyo soo dhawaynta shir noocaan oo kale oo aan loo dhammayn, Puntland-na ma aqoonsan doonto, raallina kama noqon doonto waxa kasoo baxa shirkaasi tan iyo inta waxa khaldan laga saxayo.

 

Tan iyo markii la aasaaasay Puntland 1998-dii , Puntland waxay ku hawlanayd xasilinta deegaannadeeda ayadoo adeegsanaysa dadkeeda iyo ciidankeeda, iyo waliba habkooda gaarka ah . Puntland way sii wadi doontaa dadaalkii wanaagsanaa ee looga bartay si loo helo dawlad awood leh oo Federaal , waxayna ugu yeeraysaa beesha caalamka inay ka qayb qaataan dhiiri galinta nabadda ,dib u heshiisiinta iyo horumark Soomaaliya ayadoo la isticmaalayo hab wanaagsan oo nadiif ah loona samaynayo dadka Soomaaliyeed taageero la taaban karo .

 

Madaxwaynaha Puntland

Abirahman Mohamed Mohamud (Farole)

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this