Sign in to follow this  
Positive

Kobcinta aqoonta Af-soomaaliga qaybtii 8aad

Recommended Posts

Positive   

Waxa wanaagsan oo dhammi waa saddex ayaa la yiraahdaa. Marka tusmada sheeko xariirada soomaalida iyo hayb-sooca waxaan ku kordhinayaa, haddii Ilaah idmo, saddex madax oo cusub oo kani kow ka yahay. Sidii hore oo kale ayaan erayo calaamadin doono si aynu markaas fursad ugu helno inaynu micnahooda u gunda-degno. Waatan qaybtii 8aad ee sheekada ee akhris wanaagsan

 

Gacmo is-dhaafa ayey gacalo ku jirtaa.

 

Deegaankii cusbaa ayaannu ku nagaanay. Markaannu muddo labo bilood ku dhow joognay ayaan maalintii dambe tebey una hiloobay inaan booqdo walaashay Qalanjo oo kadib markay dumar dhex-gashay is-araggayagu yaraaday. Xange iyo aniga laftayadu waannu kala baadnay waayo qofba dad ay isku eyni ama dano yihiin ayuu raacay. Maalintaas ayaan soo baxay oo waxaan afka saaray jihaday igaga beegnaayeen guryo aan ku tuhmayey inay joogtay.

 

In door ah markaan u soo jiray guryihii oo aan maqlay soona dhawaaq raacay codka hees baxaysay ayaan u imi Qalanjo iyo dumar kale oo geed guryaha u dhow hoos fadhiya qaarna taagan yihiin; hawlo ay ku jirtay caws falkin ayey ku foognaayeen waxayna ku luuqaynayeen:

 

Cawskanoow sabool diidow,

hoyal,

waqan suuqa lagu dhiginey,

hoyal,

soddon lagugu baayiciney,

h,oyal,

yaa sameeyey lagu oraney,

hoyal,

ay hooyalayow hoyalee.

 

Markaan sii dhugtay waxaan arkay kebdo, dhiilo iyo haamo kala waaweyn oo ay tolayeen; saamo ay aslayeen iyo laamo dhaadheer oo dhuudhuuban oo intay soo gureen ay hareeraha iyo baarka ka saafayeen. Dumar da’ weyn oo hawlahaas waayo-arag u ahina way agaasimayeen. Intaanan il-boganba walaashay oo dareentay imaanshahayga ayaa sare eegtay oo markay i aragtay igu soo carartay oo intay igu soo booday minjaha iyo madaxa aannu is-qaadnay. Markii sakhraddii farxadda walaaltinimo soo yara degtay ayaannu gees u yara baxnay si aannu isu waraysano.

 

Si tuhun qalbigayga ku wareegayey aan uga shaki baxo ayaan walaashay weydiiyey oo iri “ walaal warran oo hawshan oo dhammi waa maxay ma wax aanan ogeyn ayaa soo kordhay?” Intay qosol ay iska keentay ku dhufatay ayey cod ay is-tiri run u ekaysi ku tiri “ walaal maxaa soo kordhay? Waxba walaal! Waxba. Ma anaa wax kaa qariya”.

 

Sheekooyin kale iyo is-xaal-waraysi markaan dhammaysanay ayaan nabadgelyeey waxaanna u dhaqaaqay meel lagu ballansanaa oo shir ka dhacayey maalintaas; intaan sii socday ayaan is-tusay in dumarku ay hayeen hawl weyn ee tollow ma aroos ayaa soo food leh ayaan ku fekeray; waxaanse ku daystay ‘war jiraaba Cakaar u imaan‘.

 

Goobtii shirku ka dhacayey ayaan imi.

 

Goobtu waxay ahayd geed weyn oo Allaa weyne geed ka weyni uusan degaanka ka ool; hooskiisa 300 oo qof ayaa fariisan karay. Markaan imi hal-doorkii degaanka ayaa badi ku dhammaa laakiin dumar ma joogin; carruur wiilal ah oo yara roon-roon oo aabbayaashood la socday ayaa weheliyey ragga meesha fadhiyey. Wejiyada dadka waxaa ka muuqday farxad waxayna ku lebisnaayeen dhar qurux badan oo kala midabo ah; ninkastaana si dhawrsan ayuu u fadhiyey waxaadna arkaysay in mararka qaar kuwa is xigaa ay cod hoose oo aan la maqlayn ku xanshashaqayeen. Gogol qurux badan oo dhabarka dambe laga gaafay waxaa ku fadhiyey odayaal dhowr ah oo garar boosh-caddaa ah leh oo muuqaalkooda iyo isku kalsoonidooda aad ka dheehanaysay inay ku duugan tahay waayo-aragnimo iyo aqoon hoggaamineed. Dadka kale inta ii muuqday waxay ku fadhiyeen dhulka oo lahaa ciid burciid ah oo aan dharka usgag u yeelayn.

 

Halkii ayaan aniguna fariistay anigoo is-uruurinaya.

 

(Qaybta hoose sii akhri)

 

Toosiye2

Share this post


Link to post
Share on other sites
Positive   

( waa qaybta sare oo sii socota)

 

Waqti yar ka dib waxaa bilowday shirkii oo ay daadihiyeen guddidii odayaashu halkaas oo shirka lagu bilaabay quraan, duco iyo dalab inay is-cafiyaan ciddii xumaani dhex-martay. Waxaa laga hadlay arrimo badan oo dan guud ah waxaase markii dambe loo soo degay qodob la xiriiray in naloo xoolo-gooyo.

 

Guddomiyihii shirka ayaa hadlay oo yiri “ Huriwaa dib ayeynu u dhigaynaa oo weli muu qaan-gaarin ee tan Xange waxay noqonaysa: lo’ boqol ah oo ugu yaraan konton sac ku jiraan; geel boqol ah oo ay ku jiraan toban halaad oo riman iyo toban dhalay oo ermaan, awrkoodii baar-qab iyo ugu yaraan saddex awr oo raray ah; boqol iyo konton ari ah iyo beer”. Intuu yara hakaday oo isha dadkii mariyey ayuu cod la wada maqlay ku yiri “ aaway nimankii meertada u lahaa xoolo-gooyadan?”

 

Nin ayaa shirkii ka dhex kacay oo yiri “ nimanka meertada u leh xoolo-gooyada anigoo magacooda ku hadlaya xoolahaas iyo beertaasu waa diyaar! Waxaa kale oo diyaar ah ciddii xoolaha raaci lahayd iyo ciddii beerta fali lahayd inta Xange ka itaalaysanayo oo hawshaas isaga iyo dadkiisu ku filaanayaan. Waajib dhaqanka iyo xeerku na saarayo weeyaan, waannuna ajiibnay”. Marka ninkii intaas yiri oo uu fariistay ayaa reen farxad lehi ka yeeray meeshii; waa loo mahadnaqay loona duceeyey nimankii xilkaas gutay.

 

Aniga iyo Xangese filan waa ayuu nagu noqday abaalka intaas le’eg ee naloo galay. Amakaag iyo af-kala-qaad ayey nagu noqotay arrintu waayo wax aannu filanaynay ama aannu ku riyoonay ma ahayn. Waxaase ka sii yaab badnayd dadka Xange xoolaha siiyey ma anaan aqoonsan mar hore iyo mar dambe midna. Ninkaas istaagay oo inuu wax bixiyey anaan hubin mahee cid kale oo xoolaha bixisay ama ka hadashay ma anaan arag.

 

Arrinta meesha ka dhacday waxay nagu noqotay cajiib iyo dhaqan cusub!

 

Xange ayaa guddomay xoola-gooyadii isla markaasna wuxuu ballan-qaaday inuu ku biiray beesha oo xeerarkeeda uu ogol yahay una hoggaansami doono; shirka hortiisii ayaa lagu dhaariyey, waa loo wada duceeyey waana lagu soo dhoweeyey xubin ka ahaanshaha bah-weynta.Sidaas ayuu mustaqbal cusubi ugu bilowday gaar ahaan Xange; laakiin aniga iyo Qalanjona horseed ayuu noo noqday.

 

Aniga hadal layma furin maalintaas umanaan is-taagin inaan hadlo. Waqtigeeda iyo mar dambe ayaa arrintaas loo dhigay!

 

Markii dambe ducaysi dheeraad iyo faatixada inta shirkii lagu xiray ayaa waxaa bilaabatay xaflad kale oo naloo sheegay in la yiraahdo “ gacmo is.dhaafis”.

 

Waxaan ogaaday in dhaqanka xafladan oo fac weyn la qabto 3dii biloodba mar. Reerkastaa wuxuu maalintaas xafladda keenaa cunto iyo cabitaan. Dhar qurux badan ayaa lagu soo lebistaa, timaha waa la soo jartaa garkana waa la soo feertaa. Ciid kama dhacdo maalintaasi. Dumarka iyo badi carruurtuna gaar ayey xafladda u qabsadaan ragguna gaar; wiilasha yaryar markay gaaraan cimri roon waxaa lagu dhiiriyaa inay aabbahood raacaan. Cuntooyinka la keeno oo dhan inta laysku daro ayaa marka dambe inta koox-koox loo fariisto la wadaagaa iyadoo gacmaha lagu cunayo. . Cuntada kadibna gabay, xifaaltan iyo xikmad wadaag ayey u jeestaan ciddii rabtaa. Ciddii kale boodaalaysi, orod iyo legdan ayey ku foofaan; la yaabse ma leh haddii la arko kuwo dhereg awgeed hurdo dhacadiidsada dhirta harka qabow ee tamuuxdu ku hoos guglan tahay. Habeenkiina ciyaaraha hiddaha iyo dhaqanka oo gaar ahaan dhallinyaradu, wiilal iyo gabdho, ay ka qayb galaan ayaa lagu khatimaa.

 

Xafladdaas ’ Gacmo is-dhaafis’ maalintaas iyo habeenkii ku xigay ayaannu ku bashaalay.

 

Maalin dambe ayaan intaan Xuurteeye xafladda la soo qaaday ayuu wuxuu yiri “ Soomaalidu waxay tiraahdaa gacmo is-dhaafa ayey gacalo ku jirtaa”. Wuxuu ku daray “ waxkastaa shaqo ayey u baahan yihiin! ula-jeedadu xafladdu waa in si joogto ah dadka kal-gacal looga dhex abuuro si markaas wannaagga dhexyaal u kobco”.

 

Ilayn qof nooli feker ma daayo ee waxaan is-tusay in ummadda samo-falka ku taamtaa ay ku tallaabsato nabadgelyo, horumar, bash-bash iyo barwaaqo.

 

Dhammaad

 

Kelmado kale oo aadan fahmin miyey jiraan? Na weydii.

 

Toosiye2

Share this post


Link to post
Share on other sites
Positive   

Erayada calaamadsan micnaha ay sheeko xariirada ugu jiraan waa sidan:

 

nagaanay= aan ka tegin; degnay.

tebey= xasuustay markaan arki waayey; meeshaan joogay ku arki waayey.

hiloobay = aad u jeclaystay arageeda; doonay mar uun inaan arko.

baadnay = kala raagnay; aan is-arag muddo dheer.

eyni = isku da' ah.

caws= wax ka mid ah waxyaabaha aqal-soomaaliga lagu dhiso.

falkin = samayn (tusale cawska, aloolka iwm.).

dhugtay = eegay; jeedaaliyey; fiirshay( si hubsiino ku jirto )

kebdo= wax isaguna sida cawska oo kale lagu gaafo aqal-soomaaliga; ama awrta rarka laga xejiyo.

dhiilo = weel badi saab leh oo caanaha lagu kaydiyo ama lagu lulo.

haamo= weel ka weyn dhiisha oo saab leh oo biyaha iyo caanaha lagu kaydiyo.

il-bogasho= si wanaagsan u wada eegis ama il-ka-buuxsi..

war jiraaba Cakaar u imaan= waa la ogaan; ma qarsoomi doonto.

hal-doorkii= xulkii; intaad dooran lahayd.

xanshashaqayeen= cod hoose oo qofka lala hadlayaa uun maqli karo.

dhacadiidsi = is-waraa; si caajis ku jiro ( nacasnimo) u seexda.

gaafay = laga deday ama xiray hareeraha/gadaal.

boosh-caddaa= wada cirro ah; tin madow aan lahayn.

burciid= carro/ciid cad oo aan wasakh/usgag lahayn ( nooc )

 

 

Erayada haray qayb dambe ayeynu ku micnayn

 

Toosiye2

Share this post


Link to post
Share on other sites
Positive   

Wadani, adigaa mudan.

 

Erayadii haray micnaha ay sheeko xariirada ugu jiraan waa sidan hoos ku qoran.

 

xoolo-gooyo= qofka saboolka ah ama aan wax haysan xoolo gacalkiis siiyo..

baar-qab = awr aan dhufaan ahayn oo geela lagu daro.

raray = awr dhufaan ah oo la rarto.

meerto= tooko, wareeg; qofba markiisa.

reen= dhawaaq guux ah oo nooluhu bixiyo markuu helo/waayo wuxuu aad u doonayo.

Amakaag = yaab; fajac

af-kala-qaad = yaab iyo fajac.

boodaalaysi= boodo ( magac )

tamuux= ciid/carro cad oo nadiif ah; ciid laga helo meesha ay togaggu maraan.

taamis= higsasho; qalbiga ku hayn inaad gaarto ( meel sare/wanaagsan)

 

Erayo kale oo aadan garan hadday jiraan waad soo bandhigi kartaa.

 

Toosiye2

Share this post


Link to post
Share on other sites
Wadani   

Walaal, af soomaaliga marka la qoroyo 'dh' da reer waqooyigu ma 'r' bay isu badalysaa? Masalan, kalmadda 'xadhig' ma waxa ka saxsan 'xarig'? Mise xeer la isku waafaqsanyahay kama dajisna oo labaduba waa sax?

Share this post


Link to post
Share on other sites
Positive   

Ilaa hadda xeerku waxa weeye in qofkastaa lahjaddiisa ku qoran karo af-soomaaliga.

 

Labada xaraf ee 'r' iyo 'dh' waa laysku beddeli karaa erayada ay isku beddelmaan. Laakiin 'r'da ayaan door-bidaa waayo inta badan soomaalidu 'r' ayey isticmaalaan. Tan labaad lahjooyinka in la isku soo dhoweeyo ayaa loo baahan yahay oo gaar ahaan marka la qorayo la dhiiri geliyo qaab qoraal oo joogto ah.

 

Laakiin isticmaalka 'dh'du meelo badan ayuu kaga wanaagsan yahay 'r'da. Tusaale waxaa la yiraahdaa jidh iyo jir (roob) oo labadaba lahjadda 'dh'da lagu isticmaalo. labada erayba lahjadda 'r'da waxaa la yiraahdaa jir. Waxaan kale soo qaadan karnaa jiir (dooli ) iyo jiidh ( hilib aan baruur lahayn), iyo erayo badan oo kale. Erayga gabar laftiisa wadarta wuxuu noqdaa gabdho oo 'dh'da ayuu isu rogaa.

 

Waa lagu doodi karaa in 'dh'du habboon tahay. Laakiin halkan 'r'da ayaan dhiiri gelinayaa.

 

Toosiye2

Share this post


Link to post
Share on other sites
gooni   

Mahad sanid

Reen waa taah oo kale waxaana inta badan gaar u leh riyaha ama ari cadka hadba saad u taqaano waxayna reemaan markay fadhiga ku nagaadaan ama biyo badan iyo baad badan calooshooda gasho

 

Dhaqan yaqaanka soomaalidu ama suugaan leydu waxay ku hal qabsadaan calaamadaha ama dhawaqyada xoolahoodu bixiyaan sida,,,.

Waan ku ololaa sida geel ka reeboo, reenka iga bixi darisku wada yaabye, waa catawga qof jacayl asiibay iwm.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this