Sign in to follow this  
Fiqikhayre

Somalia: Puntland President’s Delegation Returns to Ethiopia After Attending Istanbul Conference

Recommended Posts

Unity and Federalism

 

Since its inception in 1998, Puntland State has focused on peace, security, stability, governance, and socio-economic development into the 21st century. We remain committed to preserving the sovereignty, national unity and territorial integrity of the Federal Republic of Somalia, united only under a negotiated and agreed-upon Federal Constitution.

Share this post


Link to post
Share on other sites

On Puntland and Istanbul Projects of 2010

 

To contribute towards peace and development, Puntland State needs peace- building development projects, in water sector, roads and energy development, and creating sustainable livelihoods by improving the productivity of livestock and fisheries sector. At this point, I wish to remind everyone that the Istanbul Declaration of May 2010 clearly mentioned Garowe and Bossaso airports as priority reconstruction projects in Somalia, but regrettably, nothing has been done yet to improve the airports.

 

Puntland State adheres to the values of peace, tolerance, and good relations with neighbors, and pursuing socio-economic development. I want to emphasize to the world at large that Puntland will continue to pursue a policy of self- development and will seek conflict resolution through dialogue. We are confident that our development is a benefit for Puntland, for Somalia as a whole, and for the wider world, as Puntland constitutes a key regional security pillar.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Abwaan   

dsc_0065.jpg Mudane ku bishaarayso liiska burcad-badeedda ayaa lagugu daray.

 

Faroole = Anigu maxaan sameeyey?

 

7.jpg Sidee wax u jiraan? Odayga maxaa liiskaas loogu daray, hadduu ii sheegee?

Share this post


Link to post
Share on other sites

ADDIS ABABA: Madaxweynaha D. Puntland oo Kulan la qaatay Issimada iyo Bulshada Rayidka ah

 

June 6, 2012

 

Addis Ababa: (pp)- Wafdiga uu hogaaminayo Madaxweynaha Dowladda Puntland Dr. Cabdiraxman Maxamad Maxamud (Farole) ayaa kula kulmay caasimaa Addis Ababa, Issimada iyo Bulshada Rayidka ah ee Reer Puntland uga qeybgalay shirkii Istanbul 2 Somalia (31 May 2012 ilaa 1 June 2012).

 

Shirkaan oo dhacay Talaado (5 June 2012) ayaa lagu qabtay hoolka shirarka hotel ku yaala Magaalada Addis Ababa ee xarunta dalka Ethiopia, iyadoo wufuudda Reer Puntland ay dhowaan degi doonaan magaalada Garowe ee xarunta Dowladda Puntland.

 

Waxaa goobta shirka warbixino ka jeediyay Madaxweyne Farole iyo Xubno ka tirsan Golaha Wasiirada Puntland sida Wasiirka Arrimaha Gudaha Gen. Cabdullahi Axmed Jamac (Ilkajir), Wasiirka Waxbarashada Cabdi Farax Juxa, iyo Wasiirka Qorsheynta Dauud Maxamad Cumar.

 

Sidoo kale, Issimadii goobta shirka ka hadlay waxaa ka mid ahaa: Suldan Siciid Suldan Cabdisalam, Garaad Maxamad Cilmi Shirwac, SuldanBashir Muse Konte, Boqor Cabdullahi Maxamad Cali Dabogoye, Suldan Cabdulqadir Cumar Shabeel, iyo Suldan Cabdisalam Suldan Sheikh Maxamud. Goobta shirka waxaa sidoo kale hadalo kooban ka jeediyey xubno ka socda ururada bulshada rayidka ah ee Puntland, Mr. Maxamad Ismacil Shilkom iyo Marwo Fadumo Ibrahim oo ah masuul ka socota ururka PUNSAA.

 

Goobta shirka waxaa la isweydaarsaday warbixino iyo talooyin wax ku ool ah, waxaana laga hadlay shirarkii ka dhacay Muqdisho, Garowe, Galkacyo, Addis Ababa, iyo Istanbul, waxaana sidoo kale laga hadlay doorka Odayaasha Dhaqanka Soomaaliyeed ay ku leeyihiin xulidda xubnaha Golaha Dastuuriga Somalia iyo Baarlamaanka Federaalka cusub.

 

" Illaahayow Jidka Toosan na waafaji, Quluubteenana isu soo due" Aamiin

Issimadii goobta shirka ka hadlay ayaa cadeeyey in deegaamada Puntland ay ka jirto Dowladnimo, xasilooni iyo degaansho sidaa darteedna ay Issimada dalka dib ugu noqon doonaan si ay wadatashi ula yeeshaan beelaha Reer Puntland marka la xulayo xubnaha Golaha Dastuuriga iyo Golaha Baarlamaanka Federaalka.

 

Waxaa hoosta laga xariiqay in la ilaaliyo midnimada Reer Puntland sidoo kalena arrimaha guud ee Somalia lagu lahaado door muhiim. Shirkaasi ayaa ku dhamaaday jawi wanaagsan, waxaana lagu balamay in la hormariyo xiriirka, iskaashiga iyo wadashaqaynta Dowladda Puntland iyo Issimada Reer Puntland.

 

Isimada Puntland & Madaxda Puntland ayaa lagu wadaa inay sidda ugu dhaqsaha badan ugu laabtaan deegaanada Puntland ee Soomaaliyeed , si halkaas uga sii wadaan howlaha Qaran ee horyaala.

 

Daabacaadda: Puntlandpost.com

Share this post


Link to post
Share on other sites

" Illaahayow Jidka Toosan na waafaji, Quluubteenana isu soo due" Aamiin.

 

Issimadii goobta shirka ka hadlay ayaa cadeeyey in deegaamada Puntland ay ka jirto Dowladnimo, xasilooni iyo degaansho sidaa darteedna ay Issimada dalka dib ugu noqon doonaan si ay wadatashi ula yeeshaan beelaha Reer Puntland marka la xulayo xubnaha Golaha Dastuuriga iyo Golaha Baarlamaanka Federaalka.

 

Maashaallaah

Share this post


Link to post
Share on other sites
Haatu   

Faroole needs to understand that national reconciliation is needed. If certain sections of society don't want federalism, their opinions need to be taken into account. There's no benefit in saying we're only gonna accept federalism. You have to be more flexible than that. If reer P/land want to be autonomous, let them say so. There's no need to drag the rest of the country into something they're not ready/willing for. We could then have decentralized regions in the South and autonomous regions in the North for the time being.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Wasiirka iskaashiga caalamiga ee Holland oo Garowe yimid

 

6 Jun 6, 2012

 

GAROWE ONLINE

 

Wasiirka Iskaashiga caalamiga iyo arrimaha Yurub Holland u qaabilsan Mr.Ben Knapen ayaa maanta 6 June,2012 waxa uu booqasho ku soo gaarey magaalada Garowe xarunta dowaldda Puntland.

 

Masuuliyiin ka tirsan dowladda ayaa garoonka diyaaradaha ku soo dhaweyey sida wasiirka duuliska hawada iyo garoomada Puntland Cali Axmed Gamuute ,wasiiru dowlaha qorshaynta iyo xiriirka caalamiga ah Dr.Cabdiqaadir Cabdi Xaashi iyo agaasimaha guud ee madaxtoyada Puntland Dr.Jaamac Warsame.

 

Wasiirkan ka socdey dalka Holland ayaa waxa wehelinayay safiirka u qaabilsan Kenya Joost Reintjes iyo agaasimaha hawlgalada wasaarada gaashaandhiga Holland Major Gen.Leo Beulen.

 

Kormeer ayay ku tageen wafdiga Holland xarumo ku yaal caasimada Puntland sida xarunta laanta danbi baarista (CID) oo tababar uga socdey koox danbibaarayaal ah waxana warbixntooda siiyey wasiirka mid kamida macaliminiita wadey hawshas oo UNDP ka tirsan.

 

Mida kamida xeryaha barakacayaasha Garowe ayaa ku xigtey booqashada goobaha uu ku tagayey Mr.Ben iyo xubnaha la socdey waxana halkaasi u kuurgaleen xaalada bini’aadanimo ay ku suganyihiin dadaaksi iyagoona si gaar ah u wareystey qaar kamida.

 

Aqalka madaxtoyada ayuu kula kulmey kadib intaasi ku xigeenka madaxweynaha Puntland ahna sii hayaha xilka Gen.Cabdisamad Cali Shire iyo qaar kamida wasiirada sida Dekedaha iyo la-dagaalanka burcad badeeda Eng.Siciid Maxamed Raage iyo wasiirka deegaanka Cabdiqani Yuusuf.

 

Inkastoo saxaafadu kulankaasi banaanka ay ka joogtey haddana markii uu soo dhamaadey ayay madaxda Puntland iyo masuuliyiinta Holland waxay shir saxaafadeed ku qabteen madaxtoyada Garowe oo ku saabsan nuxurka wadahadalkooda iyo ujeedka socdaalka wasiirka.

 

Gen.Cabdisamad Cali Shire ayaa tilmaamey inay ka wada hadleen Puntland iyo Holland la-dagaalanka burcad badeeda , argagixisada ,taageerida mashaariicda horumarineed iyo weliba xasilinta guud ahaan dalka.

 

Dhankiisa ayuu ka cadeeyey Ben Knapen qorshaha kowaad ee Holland inuu yahay nabadgelyo ka dhalata Somalia iyo in lagu socdo qorshaha geedi socodka nabada Somalia oo Bisha August2012 dowlad cusub dhalaneyso.

 

Puntland ayuu sheegey inay u yimaadeen sidii ay indhahooda ugu soo arki lahaayeen halka ay marayaaan mashaariicday bixiyaan iyo taakulo Holland u fidineyso Puntland.

 

Xabsiga Garowe oo dhismihiisu socdo ayuu ugu danbeysiiyey booqashadiisa wasiirka Iskaashiga caaliamiga ee Holland waxana uu duuley dhinaca Addis Ababa oo caawa lagu wado inay isku arkaan madaxweynaha Puntland Dr.Cabdiraxman Maxamed Maxamuud Farole kulan casho ah.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this