Sign in to follow this  
Xaaji Xunjuf

Somaliland President Ahmed Siilaanyo to visit Kenya.

Recommended Posts

Wasiirka Madaxtooyadda oo maanta safar gogol xaadh ah ugu kicitimaya Kenya oo uu Madaxweyne Siilaanyo Martiqaad ka helay

Hargeysa(Waaheen) Wasiirka Wasaaradda Madaxtooyadda Somaliland Xirsi X Cali Xasan ayaa saaka safar Gogol xaadh ah ugu kicitimaya dalka Kenya oo la filayo Madaxweyne Siilaanyo inuu ku tagi doono martiqaad uu ka helay Madaxda Dalkaasi.

Gogol xaadhida Wasiirka Madaxtooyadda ayaa lagu wadaa inay qaadato muddo laba cisho ah, iyadoo Madaxweyne Siilaanyana maalmo gudahood ugu bixi doono dalkaas safarkiisa.

Ilaa hada ma cada ujeedada safarka Madaxweyne Siilaanyo uu ku tagayo dalka Kenya iyo cida casuuntay toona, hase yeeshee waxa ay wararka aanu ka helayno Madaxtooyaddu sheegayaan in ay Xukuumadda Kenya Martiqaaday iyadoo uu dhawaana helay mid ka horeysay balse ay u suurtogeli weyday arrimo farsamo awgeed inuu u baxo.

Safarka Madaxweyne Siilaanyo ayaa ku soo beegmaya wakhti uu Madaxweyne ku-xigeenkiisii iyo wefti uu hogaaminaya socdaal ku joogaan dalka Jabuuti, isagoo sida uu Wasiirka Arrimaha dibadu hore u sheegay Madaxweyne Siilaanyo safar uu Turkiga ku tagi lahaa inuu uga baaqday safarka Madaxweyne ku-xigeenkiisa awgeed.

Safarada Madaxweyne Siilaanyo iyo ku-xigeenkiisa C/raxmaan Saylici ayaa ku soo beegmaya wakhti ay beesha Caalamka iyo Dalka Turkiguba ku mashquulsan yihiin shirar ay u qabanayaan kooxaha Somaliya, isla markaana ay u tafaxaydan yihiin sidii Nabad waarta looga samayn lahaa Deegaamadda ay dagaaladdu ka socdaan oo ay qaarkood Ciidamadda Huwanta ah ee dalalka Jaarku ay ku qabsadeen meelo badan oo ay Al-shabaab ka talin jirtay.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Mario B   

Jacaylbaro;837520 wrote:
Yeah, delivering some food

I'll be dissapointed if he were to turn up empty handed given it's a refugee camp we are talking about.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Wasiirka Madaxtooyadda oo u baqoolay Kenya iyo Raysal Wasaare Odinga oo casuumay Madaxweyne Siilaanyo

 

June 2nd, 2012

 

Berbera (Somaliland.Org)- Wasiirka wasaaradda Madaxtooyadda Somaliland Md. Xirsi Cali Xaaji Xasan, ayaa maanta u kicitimay dalka Kenya oo uu sheegay inuu socdaalkiisu gogol xaadh u hayay wefti uu Hoggaamin doono Madaxweynaha Somaliland Md. Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo) uu ku tagi doono dalkaasi oo uu ka helay martiqaad rasmi ah.

 

Wasiirka Madaxtooyadda oo maanta ka dhoofay madaarka Berbera, oo saxaafadda ugu waramayay halkaasi ayaa sheegay inuu socdaalkiisu salka ku hayo gogol xaadhka socdaalka madaxweynuhu ku tagi doono dalka Kenya oo uu tilmaamay inuu madaxweynuhu martiqaad ka helay Raysal wasaaraha Kenya Railla Odinga.

 

Wasiirku wuxuu intaasi ku daray in qasdiga Socdaalka Madaxweynaha ee Kenya uu qeyb ka yahay iskaashiga ay Somaliland la leedahay dalalka gobolka iyo mandaqadda Geeska Afrika.

 

Md. Xirsi Cali Xaaji Xasan wuxuu tilmaamay in Somaliland iyo Kenya ka wada hadli doonaan sidii kor loogu qaadi lahaa iskaashiga labada dal, isla markaana ay Somaliland ay wadammadda gobolka ugala shaqayn lahayd dhinacyada nabadgelyadda iyo horumarkaba.

 

Marti-qaadkan rasmiga ah ee Raysal wasaaraha Kenya u fidiyay Madaxweynaha Somaliland ayaa qeyb ka ah qorshe ay Somaliland dedaal xoog leh ugu jirto inay xubin sharafeed ka noqoto Urur-goboleedka IGAD oo dhawaan ay u qadintay dalab ku wajahayn sidii ay xubin uga noqon lahayd urur-goboleedkaasi.

 

Waxa kale oo socdaalka Wasiirku ku soo beegmay iyadoo wefti Madaxweyne Ku xigeenka Somaliland Md. C/Raxmaan Cabdilaahi Ismaaciil (Saylici) uu hoggaaminayaa ay ku joogaan dalka Jabuuti, waana socdaalo ujeedooyinkoodu isku xidhan yihiin oo xukuumadda Axmed Siilaanyo ay ku qaaday dalalka gobolka.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this