Sign in to follow this  
Xaaji Xunjuf

Somaliland: Omaar company opens a new hotel in Togdheer Burco+PICS

Recommended Posts

Shirkadda Ganacsiga Ee Oomaar Oo Hotel Weyn Oo Casri Ah Ka Hirgalisay Badhtamaha Magaalada Burco

May 31st, 2012

 

(Somaliland.Org)-Shirkadda Caalamiga ah ee Oomaar ayaa Hoteel cari ah oo sanadadii u danbeeyay dhismihiisu socday ka hirgalisay xarunta gobolka Togdheer ee Burco ,gaar’ahaan badhtamaha magaaladaasi.

 

Hoteelkan oo iskugu jira qaybo kala gadisan oo ay ka midyihiin Hurdo ,Hoolal xafladeed ,Meherado ganacsi ,Masaajid iyo qaybo kale oo la dhigay qalab casri ah ayaa kulan qado sharafeed ah oo maanta lagu qabtay hoteelkaasi oo magaciisa loogu wanqalay (Maandeeq Hotel) waxa lagu macsuumay oo ka soo qaybgalay laamaha Dawladda ee xarumaha gobolka Togdheer ,aqoonyahano ,madaxdhaqameed ,ganacsato iyo dad kale oo ka tirsan qaybha bulshada ee reer Burco.

 

Inkastoo aan wali la dhigin munaasibadii huteelkan lagu furaayay oo dib loo dhigay ayaa hadana waxa soo dhaweeyay dhismaha hoteelkan casriga ah ee Shirkadda Oomaar magaalada Burco ka hirgalisay dadweynaha ku dhaqan magaalada Burco oo qaar ka mid ahi ay warbaahinta la hadlay.

 

“ Aad iyo aad ayaan ugu faraxsanahay Hoteelkan baaxada leh ee shirkadu ka dhistay magaalada Burco ,waxaanu sare u qaaday bilicda iyo quruxda magaalada waxaanan leeyahay Shirkadaha kale ku dayda Shirkadda Oomaar oo hantidiina magaalada ku dhista “ Sidaasi waxa yidhi Cabdi Wali Xasan oo warfidiyiinada u waramay .

 

Cabdiraxmaan Xasan Cali oo isna halkaasi ka hadlay ayaa waxa hadaladiisii ka mid ahaa “ Waa wax lagu faano hadii ay shirkadu garatay dhaqaalaheedii wadanka ka shaqaysatay in ay dalka ku maalgashato oo waliba Burco ka samaysato hoteel casri ah oo magaalada wax badan ku soo kordhin-doona markaa waanu soo dhawaynaynaa “.

 

Geesta kale iyadoo ay magaalada Burco ay wakhtiyadan danbe ay ku soo kordhayeen dhismayaasha waaweyn ee magaaladaasi laga samaynaayo ayaa hadana dhismahan Shirkadda Oomaar ka hirgalisay ayaa noqday mid soo jiitay Indhaha dadweynaha ku dhaqan magaalada Burco.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Blessed   

Wasn't this the 'deero' building? I guess, wey u dhisayeen uun. Burco could also do with more from the retail businesses owned by the Omaar brand.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Pepole don't eat hotels and motels, instead of wasting 100k on another motel with no swege why not buy a land and plant few olive trees and produce cooking oil??

 

****** people with ****** wealth.

Share this post


Link to post
Share on other sites

ma wax aan laga xanaaqin baa , umad dhan oo wax kaste dibada uga yimaadaan oo Kabriid samaysan karin oo ku faanaya hudheel 100k ah?? xataa caanaa la cabo waxay uga yimaadaan Saudi Arabia, markaasay ku faanayaan hudheel.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Blessed   

Oo waliba, Omaar baa wadanka soo galiya, iska daa ducoy qabaane. Runtii, inkasto oo ay beeruhu bateen, waxa loo bahan in xaga warshadaha la badiyo, laakin aqoontii ayaan dalka oolin maantadan. Adigu intaad raga kale maalkooda halkay geliyaan ku maagaysid, dee wax keen. Ninba waa in uu doorkiisa ka soo baxo sow maaha? The service and retail sector yagaba waa loo bahan yahay.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Anigu 100k iyo dheeraad ma hayo, maalkiisana kamaan xisaabin kan Oomaar la baxay, ee waxan diiday kuwan ku faanaya hebel Oomaar oonu isku reer hebel nahay baa Hudheel dhistay , Oomaar iyo noocisu waa dhiig miirato umadii suuqii ku xidhay, they are the price gaugers of food and basic living, any decent humanbeing shouldn't proud of these blood suckers.

Share this post


Link to post
Share on other sites

*Blessed;836886 wrote:
^heedhe maxaad la kacsantahay? Ma jinac baa ku qaniinay? LOL.

Blessed, nothing crazy about the suggestion....its not only patriotic but good business to think long term and expand your tiny village's export commodity.....

 

 

Your tuulo is not home to the few expatriates like Alpha who put two dollars together to open a maqaayad or

a hotel(I'm sorry Alpha for using you as an example)......majority of the

population live below the poverty line, illiterate, and most of all, do not have basic service, like decent shelter and healthcare....

 

You want to secede? It cannot be all talks, and its not enough that your tuulo wants to talk about their peaceful

existence, state planning is not opening a cafe here, a barbershop there....and it does not include

enriching the few, while the many are left to fend for themselves...

 

You are playing with the big boys now, you have to dress, and walk like a big boy@silaanyo's Admin....

and it means making big boy decisions, like freezing construction, unless it is schools or hospitals....

 

 

Real estate bubble is a short term goal, it doesn't solve the tiny tuulo's financial and economic problems in the

long term......and you know what happened to S. Barre, right Blessed?

 

The economy first collapsed , followed by state collapse, and you know what you get? over two decades of

anarchy....

Share this post


Link to post
Share on other sites
Blessed   

Layzie,

You're losing your touch, intaad laba website soo eegtid sowdigii sidii a real expert u hadli jiray? Waa maxay little tuulo? waa maxay Burco iyo anarchy after Siyaad in the same sentence? Huuno, google u soo sheekee, Burco soo yara baro, markaa ii soo noqo.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this