Sign in to follow this  
General Duke

Breaking News: Somaliland Ministers flee for their lives from East Hargaysa as tension rise..

Recommended Posts

Wasiiro Xalay Ka Qaxay Xafada New Hargeysa Cabsi

Awgeed Xalada oo Kacs

 

 

Mudaharaadyo xalay Gil-gilay New Hargeysa, xukuumadda

oo Ciidamo dhoobtay iyo Wasiiro ka qaxay xaafadihii

ay ka deganaayeen

 

Xukunkii Maxkamadda Ciidamadda oo Xalay Hurdada u

diiday Reer New Hargeysa iyo Xukuumadda oo Cabsi ladi

weyday

 

Wasiir Duur iyo Wasiir Xirsi oo la sheegay cabsi

awgeed inay ka qaxeen xaafadahoodii iyo kuwo kale oo

Amnigooda la adkeeyay.

 

Wasiir Duur ayaa dhayal sadey Kacdoonka shacbka

isagoo shaley ku fanaanyayey Cidan Dawladeed iney

haystaan.

 

Hargeysa(TVSLE) Kooxo is abaabulay Dhawaqii Xukunka

Maxkamadda Ciidamadda kadib ayaa xalay xidhay Jidka

dheer ee dhex mara Xaafadda New Hargeysa ee bariga

Hargeysa, waxaanay ku gooyeen Taayiro ay gubeen, hase

yeeshee waxa markii danbe la tacaalay Ciidamo badan

oo Booliis ah oo ay Xukuumaddu ku filqisay xaafadaasi

iyo Madax dhaqameedka beesha degtam inkasta oo ay ku

guulaysan kari waayeen inay seexiyaan.

 

Dhinaca kalena warar aanu xalay ka helnay xaafadaasi

kadib markii ay xaaladdu sii cakirantay ayaa

Saxaafada u xaqiijiyay in Wasiiradda Arrimaha Gudaha

Maxamed Nuur Carraale Duur iyo Wasiirka Madaxtooyadda

Xirsi X Cali ay cabsi darted guryahoodii faaruqiyeen

oo ay u qaxeen meelo aan la garanayn.

 

Xukunka Maxkamadda ayaa Soomal haad iyo soo jeed ku

riday dadka xaafadaas degan oo ka cadhooday

Go’aankaasi, halka Xukuumadda Somaliland-na xalay oo

dhan ay Heegan ugu jirtay inay xakamayso dadkaasi si

aanay khasaare kii doraad ka dhacay Xerada Ciidanka u

sababin.

Dad goob jog ahaa oo aanu ka waraysanay siday wax u

dhacayeen xalay oo magacyadooda ka gaabsaday ayaa

yidhi “ dadku aad bay u gadoodsan yihiin waxaanay

taagan yihiin Jidka iyo xafadaha Taayiro ayay gubeen,

Ciidamo Booliis ahbaana lagu soo daadiyay si ay u

kala kaxeeyaan, waxaase yimi Suldaan Yuusuf Xiiray

iyo Suldaan Saleebaan oo isku dayay inay kala

kaxeeyaan laakiin way diideen oo gidaarada ayay wali

tuban yihiin dadkii “ ayuu yidhi

Waxaanu intaa raaciyay “ Suldaan Xiiray dadkii way ku

gadoodeen oo way eryadeen laakiin Suldaan Saleebaan

ayaa ku beerlaxawsaday imikaan Madaxweyanaha ka soo

baxay xukunkani maaha mid la fulinayo waxa la

doonayaa uun inaanay dad danbe Xero Ciidan weerarin

anigaa idiinka balanqaadaya oo Madaxweynaha imikaaban

ka socdaa” ayuu yidhi wuu ku tiraabayay

Mid kale oo aanu isna khadka Telefoonka kula

xidhiidhnay ayaa yidhi “ Guriga Wasiir Duur baan hor

taaganahay sadex Laydh oo kuwa banaanka ah ayaa

shidan laakiin gurigu wuu bakhtiisan yahay, waxaana

la ii sheegay inaanu joogin. Imikadan dad Telefoon ii

soo diray ayaa igu leh wuu ka qaxay oo xagaa iyo

Dunbuluq buu u sii socday, Xirsi-na isna gurigiisu

waa faaruq” ayuu yidhi

Goor danbe oo aanu isku daynay inaanu la socono

xaalada ayaanu helnay qof kale oo goobta joogay “

taayiraa la gubayaa imika oo qiiqii iyo Ololkii baa

is qabsaday Ciidamo Booliis ah ayaa soo weeraray oo

rasaas ku riday dadkii gubayay markaa way kala eryeen

waxaana ii muuqda Askar badan oo Bilays ah oo iyaga

laftigoodu baqaya oo feejignaani ka muuqato”ayuu

yidhi.

Mid kale oo ka mid ahaa dadka u dhaw jidka New

Hargeysa ayaa yidhi “ waxaan ka baqayaa xaaladu inay

sii xumaato, dadkii way is abaabulayaan Xukuumadduna

Xoog bay adeegsanaysaa oo Ciidamo dhar cad ah iyo

kuwo qoryoolay ahba way soo dhoobtay xataa kuwo kale

oo xaga Dararweyne ka soo socda ayaan maqlayaa inay

Haleeya soo gaadheen markaa mooyi si waaguba ku baryi

doono” ayuu kaga baxay

Saacadihii danbe ee xalay ayaa lagu daad gureeyay

Ciidamo Tikniko wata si ay u ilaaliyaan Amaanka

masuuliyiinta iyo dadka magaca leh ee xaafadaas degan

si aan waxyeelo loogu geysan, waxaana xaafadaha

qaarkood la geeyay ciidan xoogan oo sugi kara

Amnigooda.

Si kasta ha ahaatee go’aanka Maxkamadda sare ayaa

xalay dood dheer dhaliyay marka laga yimaado

dhacdooyinkii xaafadda New Hargeysa xalay ku

gedaanaa, waxaanay dadka qaarkood u arkayeen talaabo

loo baahnaa oo lagu abaal marin karo cidii falkii

waxashnimada ahaa ee Xerada Ciidanka weeraray

geysatay, halka ay dad kale go’aanka Maxkamadda u

arkayeen mid lagu dajinayo khasaarihii dhacay oo aan

la fulin doonin.

Hase yeeshee waxa loo wada fadhiyi doonaa halka uu ku

danbeeyo Go’aanka Maxkamaddu iyo sida ay XukuumaddA

Somaliland uga dabaalato khasaare danbe oo intii hore

ka balaadhan oo dhaca.

Dhinaca kale xukuumada oo aanu isku daynay inaanu

Dhacdooyinkan wax ka waydiino ayaanay noo suurto

galin

Share this post


Link to post
Share on other sites

Xaaji Xunjuf;831014 wrote:
Nonsense

No Adeer 10 people where killed, 17 are to be executed by military court order. The East if the City is a no go zone for Siilanyu & his gang. This is big news lad.

Share this post


Link to post
Share on other sites

General Duke;831018 wrote:
Why are they fleeing East Hargaysa?

What monsters reside there that would force a minister with technicals to flee?

 

No one is feeling east Hargeysa don't believe everything you read duke.

 

if you want to know more listen to Sultaan Yusuf Sultan Maxamad Xiiray from eastern Hargeysa.

 

http://oodweynenews.com/news/171722-own-halkan-ka-dhegaysta-waraysi-aanu-maanta-ka-qaadbay-suldaan-yuusuf-m-xiiray-oo-aanu-ka-warasannay-waxay-ka-qabteen-iska-hor-imaadkii-shalay-ee-ciidanka-iyo-shacabka.html

Share this post


Link to post
Share on other sites

Xaaji Xunjuf;831019 wrote:
Everything is fine in east Hargeysa aka new Hargeysa the incident is almost solved you will hear about the details the next coming days.

You seem rattled, what's wrong mate?

Share this post


Link to post
Share on other sites

He is an elder a nabadoon he is talking about the situation and what happened and how it happened tomorrow is a holiday in Somaliland. But the day after elders and nabadoons from new hargeysa will have a word with the Elders from the Guurti Parliament of SL. Sultan Xiiray explained it in details duke this is a land dispute it goes way back to the 70s. But it was never really solved and on top of that President rayaales,regime sold some parts of the same land to businessmen from new hargeysa its a long story.

Share this post


Link to post
Share on other sites

You have not explained how such militia could organize and attacks a militia base.

You say it's a long story, well go ahead explain. Also are the locals from Oodweyne's clan pissed that the land is sold to a businessman from

NGOONGE's clan or Dahabshiil and this is basically the gang warfare from Burco transplanted to Hargaysa

 

Do explain. Also this is troubling 10 dead and 17 to be executed...

Share this post


Link to post
Share on other sites

The guy who bought the land is not from Siilaanyo's clan he hails from the same clan as the folks in eastern Hargeysa this is not a clan issue this is a land dispute and that needs to be solved and it will be solved.

 

By the way hargeysa is the capital of Somaliland every one is welcome in Somaliland no one can claim it from others.

Share this post


Link to post
Share on other sites

GoldCoast;831047 wrote:
The usually informative and news resourceful XX suddenly is tight lipped what happened man?

even XX is confused with how the Habraha chemical formula works, you need to be a good scientist to figure it out.

99208-50-1.jpg

Share this post


Link to post
Share on other sites

Xaaji Xunjuf;831048 wrote:
The guy who bought the land is not from Siilaanyo's clan he hails from the same clan as the folks in eastern Hargeysa this is not a clan issue this is a land dispute and that needs to be solved and it will be solved.

 

By the way hargeysa is the capital of Somaliland every one is welcome in Somaliland no one can claim it from others.

People are stating that it's Dahsbshiil that bought the land & are paying the elders to keep quite. How did these men get all these arms?

Also why did the two Ministers run away for their lives?

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this