Sign in to follow this  
Qandalawi

Madaxwayne C/raxmaan Faroole oo Si caraleh ugu soo horjeestay Sida Dowlada KMG ah wax uwado

Recommended Posts

Madaxwayne Faroole ayaa waxyaabii uu kahadlay waxaa kamid ahaa Arinta dastuurka qabyada ah ansixintiisa,Roadmapka iyo Xaalada Ani ee deeganada Maamulka Puntlad sida uu yahay.

 

Intaa kadib Madaxwayne Faroole ayaa kahadlay qaadicidii Ergada Puntlad Shirka Odayaasha Dhaqanka ee lagu soo Xulayay Ergada Ansixinta Dastuurka taas oo ay Puntlad Ergadii kasocotay ay kugacansartay.

 

Faroole oo inbadan kagaabsanaya kahadalka Arintaas ayaa yiri.

 

,,Arimaha Soomaaliya doorwayn ayaan kaqaadanay waxaan kaqaybgalnay Shirkii garoowe iyo kii Muqdisho waxaana intaas oo dhan usamaynay Sidii Dalka Nabad looga dhalinlahaa,Shirarkii aan qabanay ee looga hadlayay Arinta Soomaaliya waxbadan ayaan kaqabanay ka Puntlad ahaan lakiin qolyahaan TFG da ah ayaa wax walba isku qasaya ayuu yiri Madaxwayne Faroole.

 

Waxaa kale uu yiri Madaxwayne Faroole anaga waxaan soo gudbinay waxyaabaha aan kudhaliilayno Dastuurka qabyada ah waana soo dirnay Ergadii Ansixinta Dastuurka lakiin dhibaatada waxaa ay katimid Dowlada KMG ah oo diidan Arintaas in laxaliyo.

 

Sidoo kale Madaxwayne C/raxmaan Sheekh Maxamad Faroole ayaa kahadlay Sababta ay ugu gacan seereen Shirka Odayasha ee Muqdisho kasoconaya.

 

,,waaxaan aragnay Warqada uu kuqaranyahay Qodabada Dastuurka,wax kuyaalo oo laqaadankara ama la aqbali karana kumajiraan sidaas daraadeed waxaa go’aansanay inaan isaga soobaxno Muqdisho.

 

Ugu dambayn Madaxwayne Faroole ayaa sheegay inaanay kuqanacsanayn Puntlad Sida ay wax usocdaan waxaana go,aansanay buu yiri inaan Beesha Caalamka lasocodsiino Arintaan Isla markaana laysugu tago Itoobiya laguna Xaliyo qodabada laysku mari la’yahay taas ayaynu u aragnaa buu yiri inuu Xalka Kujiro.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Madaxweynaha Puntland Cabdiraxmaan Maxamed Faroole ayaa sheegay in dowladda KMG ahi ay ka dhega adaygtay in Puntland ay gudiyada Dastuurka ansixintiisa ka shaqeynaya wax ku yeelato.

 

Madaxweynaha oo xiligan ku sugan dalka India ayaa waraysi uu siiyey laanta afka Soomaaliga ee Idaacadda BBC ku sheegay in Dastuurka ay DKG ahi ansixintiisa ku howlan tahay uu yahay mid aan dal Federaal ah lagu dhiqi karin.

 

Dr. Faroole ayaa dhinaca kale sheegay in Puntland ay dadaal dheer ku bixisay sidii Soomaaliya ay kumeel gaarnimada uga bixi lahayd iyo weliba sidii roadmapka lagu dhamaystiri lahaa.

 

Dowladda Fedraalka ah ayuu madaxweynuhu tilmaamay inay arintaas si aad ah uga caga jiideyso islamarkaana ay iska indha tirtay dadaalka Puntlland iyo kaalinta ay ku leedahay howlaha socda.

 

Khilaafka soo kala dhex galay dowladda KMG ah ee Soomaaliya iyo Puntland oo u muuqda mid aan xooganayn ayaa badankiisu ah mid salka ku haya Dastuurka oo ay Puntland qodobo kamid ah sheki ka muujisay.

 

Waxayna arintani kusoo beegmeysaa xilli in badan oo kamid ah Isimadii Puntland uga qayb gelayey shirka odayaasha dhaqanka ee magaalada Muqdisho ay dib Garoowe ugu soo laabteen.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Faroole ayaa sheegay in dowladda KMG ahi ay ka dhega adaygtay in Puntland ay gudiyada Dastuurka ansixintiisa ka shaqeynaya wax ku yeelato.

:D:D

Share this post


Link to post
Share on other sites

Prime Minister Gaas says Puntland entitled to 'constitution response

 

MOGADISHU, Somalia May 17 2012 (Garowe Online) – Prime Minister Abdiweli Mohamed Ali Gaas said that the elders’ conference in Mogadishu is continuing as planned and that the delays are not due to disagreement between Puntland and the Transitional Federal Government (TFG), Radio Garowe reports.

 

Last week the Puntland government released a response on the Somalia draft constiutuion requesting that the draft constitution be revised and amended. Prime Minister Gaas who spoke to Universal TV on Wednesday said that the Puntland government is entitled to express questions and constraints about the draft constitution.

 

“Of course as a federal state and a very important region in Somalia, they have the right to request amendments or revision of certain articles they have an issue with,” said Prime Minister Gaas.

 

Contrary to what some news agencies in Somalia are saying, Abdirahman Omar Osman (Yarisow) spokesman for the TFG said Wednesday that the elders’ conference in Mogadishu has delayed but Puntland’s concerns with the Somalia draft constitution are not the cause of setback.

 

“There isn’t a disagreement or misunderstanding between the Puntland government and the TFG,” adding, “There are operational issues that have delayed the meeting and the government is currently working on those issues and we expect the conference to continue as planned,” said spokesman Yarisow.

 

The elders’ conference in Mogadishu was supposed to wrap up on Tuesday with 135 elders choosing a National Constituent Assembly (NCA), but operational setbacks have caused a delay the ever important constitution adoption process.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Madaxwaynaha Dowlada Puntland Dr. Cabdiraxmaan Sh. Maxamed Faroole oo waraysi siiyay Idaacada BBC-da ayaa wuxuu sheegey in ay heleen Dastuurka Qabya qopraalka bishii abril 30-keedii balse aysan ku cadeyn nidaamka Fedaraalka sidoo kalena aysan qeexneyn awoodaha siyaasada dhaqaalaha iyo adeega Dowlada.

 

Madaxweyne Faroole wuxuu sheegey “Arrimaha Soomaaliya waxa ka qaadanay door muhiim , waxa aan isku tax luujinay in ay wax hirgalaan oo wadankan nabad lagu soo dabaalo, iyadoo dastuurkana la hirgalinaayo,si waxaasoo dhan u hir galaan waxyaabo badan baan ka tanaasulay, Puntland waxa ay qabteen labo shir oo ka dhacay Garoowe, iyo kii Muqdisho waxyaabo badan ayaana ka soo baxay, annaga Puntland wixii noo gaarka ahaa waan hirgalinay, laakin qolyahaya dowladda Fadaraalka KMG ah, ayaa wax badan isku qasay, waxa aan annaga dooneynay in dastuur loo sameeyo Soomaaliya oo nanaku daro guddiyada ansixinaya, laakin MKG ayaa diidan arrintaass”.

 

Waraysiga uu siiyey Dr. Faroole BBC-da wuxuu ku sheegey inay dalbadeen in lixda saxiixayaasha ah ay isugu yimaadaan Adis ababa si ay uga wada hadlaan loona dhameystiro waxyaabaha dhiman Dastuurka.

 

Wuxuu kaloo sheegey Dr. Faroole in Dowlada kumeel gaarka ahi ay dhowr jeer ka dhaga adaygtay in Puntland ay Gudiyada Dastuurka ka shaqaynaya qayb ku yeelato isagoo xusay intaas badalkeeda ay isku haleynayeen Wasiirka Dastuurka oo iyo Raysal wasaaraha oo kasoo jeeda Puntland.

 

Mar la waydiiyey Madaxweynaha in la qanciyey cabashadooda iyo in kale ayuu sheegey ineysan jirin wax lagu qanciyey balse aysugayaan shirka lagu qabanayo Adis ababa, wuxuuna Madaxweynuhu eeda cabashada Dastuurka dusha ka saarey iney Masuul ka yihiin dadkii qoray Dastuurka.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Arimaha Soomaaliya doorwayn ayaan kaqaadanay waxaan kaqaybgalnay Shirkii garoowe iyo kii Muqdisho waxaana intaas oo dhan usamaynay Sidii Dalka Nabad looga dhalinlahaa,Shirarkii aan qabanay ee looga hadlayay Arinta Soomaaliya waxbadan ayaan kaqabanay ka Puntlad ahaan lakiin qolyahaan TFG da ah ayaa wax walba isku qasaya ayuu yiri Madaxwayne Faroole.

 

Qolyahan TFG isagu manu TFG hoos iman muxu kala wad wada.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this