Sign in to follow this  
kingofkings

President Faroole gives Press Conference in India

Recommended Posts

Madaxweynaha Dowlada Puntland Dr. cabdiraxmaan Sh. Maxamed Faroole ayaa Magaalada New delhi ee wadanka Hindiya wuxuu khudbad dheer ka jeediyay shir caalami ah oo ay soo agaasimeen Golaha Arimaha Dibada ee Dowlada Hindiya, kulanka uu Madaxwene Faroole ka jeediyey khudbada ayaa waxaa goob joog ahaa in ka badan 40 wadan safiiradooda jooga Hindiya.

 

Madaxweyne Faroole wuxuu warbixin guud ka siiyey Martidii kulanka Xaalada guud ee Soomaaliya iyo halka uu marayo Qorshaha geedi socodka Nabada, wuxuu kaloo Madaxweynuhu ka hadlay arimo ay kamid yihiin Xaalada amaan ee Soomaaliya, la dagaalanka Argagixisada iyo Burcad badeedka, wuxuu kaloo madaxwenuhu taataabtay halka ay marayaan guud aaan xaalada soomaaliya.

 

Kulamo kale oo Madaxweyne Faroole iyo wafdiga la socda ay si gaara ula qaateen Masuuliyiinta Hindiya ayaa laga wada hadlay Arimo dhowra.

 

Madaxwyne Faroole wuxuu kaloo sigaara ula kulmay safiirada wadamada Democratic Republic of Congo, Turkey, UAE, Algeria, Yemen, Ethiopia, Malawi, Burkina Faso, Benin, iyo Masar.

 

Wasiirka Arimaha Gudaha dowlada Puntland Mudane Cabdullahi Axmed Jamac oo isna kamid ah wafdiga aya kulamo gaara la qaatay Masuuliyiin Dowlada Hindiya u qaabilsan arimaha dibada.

 

Dhowaan ayaa Wafdiga Madaxweynuhu ka soo kici timi doonaan Dalka Hindiya, inkastoo aan wali la shaacin meesha ay u kicitimayaan, waxaase laga yabaa iney si toosa ugu soo laabtaan garowe iyagoo Soo maraya Dalka Itoobiya.

 

Warar kale oo waxaa jira sheegaya inay kusoo wajahan yihiin Dalka Kenya halkasoo laga yaabo inay kula kulmaan Qaybaha kale ee hogaanka soomaaliya iyo Qaramada Mdoobay waxaana laga yabaa in laga wadahadlo ama Dowlada KMG ay warbixin ku siiso halka uu marayo Qorshaha Geedi socodka nabada (Barnaamijka Road map-ka).

Share this post


Link to post
Share on other sites

Madaxweynaha Puntland Cabdiraxmaan Maxamed Maxamuud Faroole oo socdaal shaqo ku jooga dalka India ayaa la kulmay golaha arimaha dibadda dalkaas u qaabilsan.

 

Madaxweynaha oo safarkiisa ay ku weheliyaan xubno ka tirsan golaha wasiirada Puntland ayaa khudbad dheer oo dhinacyo badan taabanaysa ka jeediyey kulankii uu la qaatay golaha arimaha dibadda ee dalka India.

 

Madaxweynuhu wuxuu ugu horeyn si kooban uga sheekeeyey taariikhda Puntland, tirada dadka ku nool iyo Juqraafi ahaan meesha ay Soomaaliya kaga taal, isagoo intaas raaciyey in Puntland dadka ku dhaqani ay u badan yihiin dad xiligii burburka kasoo qaxay gobolada koonfureed ee dalka.

 

Dr. Faroole waxa kale oo uu ka hadlay Dastuurka qabyo qoraalka ah ee Soomaaliya ee ansixintiisa lagu howlan yahay, marxaladda kala guurka iyo qorshaha Road Map-ka isagoo dhinaca kale tilmaan ka bixiyey sida uu xiligan ammaanka Puntland yahay.

 

Khudbadda madaxweynaha oo ah mid dheer waxyaabihii uu kusoo qaaday waxaa kamid ahaa Burcad-badeed isagoo sheegay in Puntland ay dadaal badan ku bixisay sidii ay deegaanadeeda uga sifeyn lahayd islamarkaana ay si weyn ugu guuleysatey arintaas.

 

Qoysaska dadka u dhashay dalka India iyo eheladooda ayuu madaxweynuhu uga tacsiyeeyey afduubka loo haysto badmaaxiinta Indianka ah inkasta oo uu sheegay in lagu haysto meelo ka baxsan xeebaha deegaanada Puntland.

 

Ugu danbeyntii wuxuu madaxweynaha Puntalnd Dr. Faroole uu sheegay in Puntland ay u baahan tahay in lagu taageero sidii ay uga faa’iideysan lahayd khayraadka ceegaaga badeheeda islamarkaana ay uga hortegi lahayd kaluumaysiga sharci darada ah iyo Burcad-badeeda.

 

Safarka madaxweynaha Puntland oo ah kii ugu horeeyey ee uu madaxweyne Puntland ka tirsani ku tago dalka India wuxuu yimid kadib markii uu dhowr beri kahor magaalada Adis-ababa kulan kula yeeshay madaxda dalka Itoobiya.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this