Sign in to follow this  
General Duke

India: Puntland President welcomes India's support...

Recommended Posts

............................................................................................................................................................................................................................Madaxweynaha oo soo dhoweeyey taageerada India

16 May 16, 2012 - 8:11:59 AM

 

Madaxweynaha Puntland Dr.Cabdiraxman Maxamed Maxamuud Farole ayaa sheegey inuu soo dhaweynayo taageerada India oo qayb ka ah hawlgalka la-dagaalanka burcada badeeda xeebaha Somalia.

 

Madaxweyne Farole ayaa haatan ku sugan magaalada New-Delhi ee xarunta dalkaasi kadib casumaad rasmi ah uu ka helay wasaarada arrimaha dibedda India.

 

Dr.Cabdiraxman Farole ayaa habeenimadii xalay 1 May ,2012 ka qaybgalay xaflad uu soo agaasimey Golaha India ee arriamaha dibedda oo ka dhacdey New-Delhi waxana uu ka sheegey in tababarida ciidamada Puntland ayaa xoojineyso dadaalada lagula dagaalamayo burcad badeeda isagoona raaciyey in xukuumaddisu si guul ka gaartey hawlgaladii beriga balse aysan wax badan ka soo hoyin dhinaca badda.

 

‘’Dhulka ayaa kala dagaalanaa ,balse taageero mahaysano dhinaca badda mana haysano waxyaabihii aan ugu tagi lahayn’’ ayuu yiri Dr.Farole.

 

Waxa uu soo jeediyey madaxweynaha Puntland in kor loo qaado tayada iyo tababarka ciidamada badda Puntland PMPF si burcada dhulka ugala dagaalamaan,isagoona codsadey taageero dhaqaale iyo mid khibradeedaba sidii loo curyaamin lahaa weerarada burcad badeeda ka geestaan xeebaha Somalia.

 

Dr.Farole waxa uu diidey in fariisino militeri ay ka sameystaan ciidamo shisheeye deegaanada Puntland oo uu raaciyey inaysan marnaba ogolaneen jogitaanka shisheeye dhulkooda.

 

Muhiimada in burcadnimada la dhameeyo ayuu ku sheegey in la dhiso dhaqaalaha magaalooyinka ku teedsan badda oo dhalinta shaqo u abuuraya isla markaasina ka jeedinaya hanqaltaaga afduubka maraakiibta iyo doonyaha.

 

Ku dhowaad 60 badmaaxiin u dhashey India ayaa biyaha Somalia afduub loogu haystaa,waxana uu qirey madaxweyne Farole in burcad badeedu Puntland soo gasho kana baxdo balse aysan fariisimo ku lahayn dowlad goboleedka Puntland.

 

Dhowaan ayaa lagu wadaa in madaxweynaha Puntland Dr,Cabdiraxman Maxamed Farole iyo wafdigiisu soo gabagabeeyaan socdaalkooda India inkastoo aan weli la shaacin goobta ku xigi doonta oo ay wafdigani u kicitimayaan.

 

GAROWE ONLINE

Share this post


Link to post
Share on other sites

Somalia: President Farole welcomes India assistance to fight piracy

16 May 16, 2012 - 5:08:42 AM

 

GAROWE, Somalia May 16 2012 (Garowe Online) – Puntland President Abdirahman Mohamed Farole said he supports India’s assistance with anti piracy operations off the coast Somalia, Radio Garowe reports.

 

President Farole, who is currently in India after receiving an official invite from India’s Ministry of Foreign Affairs, said he supports India naval operations to fight piracy off of the coast of Puntland.

 

President Farole said at an event hosted by the India Council for World Affairs (ICWA) in New Delhi, that training for Puntland naval forces would strengthen Puntland’s fight against piracy. The Puntland government has successfully thwarted pirate operations on land, but has had less success on sea.

 

The Puntland government acknowledged that more needs to be done, “We are fighting them on the land, but we do not have support from the sea. We do not have the means to reach them in the sea,” said President Farole.

 

Capacity building of Puntland naval forces fighting piracy on land and off was proposed by the Puntland government. President Farole asked for support whether finances or expertise to help hamper piracy off of the coast of Somalia. But foreign presence on land in Puntland was rejected by President Farole who said that his government will not allow foreign military bases in Puntland.

 

President Farole stressed that more importantly what was needed to end piracy in Somalia was to build economic growth on the Somali coast that would offer youth attracted to piracy other job opportunities.

 

“We believe that expensive naval patrols off the coast of Somalia cannot eradicate piracy alone, as long as the world continues to neglect the domestic conditions that produce piracy,” said President Farole.

 

There are currently 60 Indian sailors being held hostage in Somali waters. President Farole admitted that pirates move in and out of Puntland jurisdiction but do not have bases in the autonomous region.

 

In March the EU issued a controversial mandate to fight against pirates on land by targeting boats, vehicles and bases on the coast. Tuesday morning EU naval forces aboard attack helicopters targeted an alleged pirate lair, 18 kms north of Harardhere.

 

GAROWE ONLINE

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this