Sign in to follow this  
kingofkings

Vice President of Puntland open new facility for minister of livestock Garowe

Recommended Posts

Garowe(Puntlandi.com):- Madexweyne ku xigeenka Puntland ayaa xariga ka jaray Dhismayaal cusub oo ay leedahay Wasaarada Xanaanada Xoolaha Puntland oo isla xarunta Wasaarada laga dhex dhisay.

 

Munaasabad aad u balaaran oo ka dhacay xarunta Wasaarada Xanaanada Xoolaha Puntland ee Magaalada Garowe oo ay ka soo qaybgalay Masuuliyiinta sar sare ee dawlada Puntland oo uu Madexweyne ku xigeenku hor kacayo sialamarkaana ay ku jiraan xubno farabadan oo ka tirsan labada gole ee dawlada, Shaqaalaha Caafimaadka Puntland, xubno ka socday qaar ka mid ah Hay’adaha Caalamiga ah ee Puntland ka hawgala, Dhaqaatiir iyo marti sharaf kale oo aad u farabadan.

 

Madaxweyne ku xigeenka Dawlada Puntland Gen, C/samad Cali shire ayaa xariga ka jiray dhismi cusub oo ay leedahay Wasaaradan oo laga dhexdhisay Xarunta wasaaradda Xanadda Xoolaha kana kooban Xafiisyo, Hoolkii shirarka iyo Shaybaar weyn oo ay yeelanayso wasaaradan xanaanada xoolaha.

 

Madexweynu ku xigeenka Puntland ayaa si weyn uga hadlay Muhiimada ay xanaanada xooluhu leedahay iyo sida ay u wanaagsantahay ka warqabka Caafimaadka xolaha nool, wuxuuna Wasaarada Xanaanada ku booriyay in ay dadaal fiican ka muujiso la socoshada iyo dawaynta xoolaheena Soomaaliyeed oo uu madexweyne ku xigeenku sheegay in ay Asaas u yihiin Nolosha iyo dhaqaalaha Umada Soomaaliyeed.

 

Goobtan waxaa iyaguna ka hadlay xubno faraban oo uu ka mid yahay Guddoomiyaha Baarlamanka Puntland, Wasiirka Amniga, Wasiirka Maaliyada, Wasiirka Xanaanada xoolaha, Aqoonyahano iyo xubno kaloo farabadan waxayna aad uga hadleen muhiimada xoolaha nool ay u leeyihiin umada Soomaaliyeed iyo sida loogu baahanyahay in dhawrida Caafimaadkooda la isaga kaashado.

 

Xafladani waxay sidoo kale lagu sagootinayay Tiro dhaqaatiir ah oo Wasaaradu ay u dirayso dhamaan gobollada Puntland si ay xog ururin uga soo sameeyay deegaanada ay tagayaan, Caafimaadka xoolaha sidoo kalana ay dawooyin u soo siiyaan xoolaha dawaynta u baahan ee inta ay safarka ku jiraan kula kulmaan gobollada ay tagayaan, wuxuuna madexweyne ku xigeenku dhaqatiirtan u sheegay in ay yihiin badbaadiyayaashii Umada ismalarkaana looga baahan yahay in ay garwaaqsadaan kaalinta sare ee ay umada u joogaan iyo doorka uga banaan hagaajinta Nolosha Umada.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this