Sign in to follow this  
General Duke

Hargaysa: Heavy fighting between Siilanyo clan militia locals

Recommended Posts

Dad rayid ah ayaa weeraray saaka saldhig milatari oo ay ciidamada Somaliland ku lahaayeen bariga magaalada Hargeysa waxaana halkaas ka dhaca iska horimaad xoogan oo geystey qasaare isugu jira dhimasho iyo dhaawac.

 

Weerarkan lagu qaaday xerada madaafiicda goobta ee magaalada Hargeysa ayaa la sheega in lagu diley shankamid ah ciidamada saldhigaas ku sugnaa iyo labo ruux oo rayidkii soo weeraray xerada.

 

Hase yeeshee iska horimaadkan ayaa waxaa lagu qabqabtay illaa iyo 28ruux oo loo haysto inay ahaayeen dadkii ka dambeeyey weerarkan waxaana ka mid ahaa dadkaas la qabqabtay siddeed ruux oo rayid ah kuna dhaawacmay iskahorimaadka.

 

Dagaalkan ayaa dhacay sida la sheegay kadib markii dad sheeganayay lahaanshaha dhul ay degen yihiin ciidamada madaafiicda ee magaalada Hargeysa. Dad u hadlay dadka weerarka qaaday ayaa sheegay in ay isku dayeen in ay si nabad ah ku helaan dhulkaas ay ciidamada xoogga uga degeen hase yeeshee laga diidey.

 

Xaalada ayaa degen hase yeeshee waxaa jira weli cabsi laga qabo in dagaalkan uu noqdo mid soo noqda maadaama aan weli xal laga gaarin sababta keentay iskahorimaadka.

 

 

 

 

 

Hoyga wararka Somaliyeed

www.jowhar.com

jowharnews@gmail.com

jowharcom@hotmail.com

Share this post


Link to post
Share on other sites

Wararka ka imanaya magaalada Hargeysa ayaa sheegay in iska horimaad hubeysan uu ku dhex maray magaalada Hargeysa dad rayid ah oo iyo ciidamo ka tirsan kuwa Somaliland.

Dagaalka ayaa ka dhacay xaafadaha dhanka Bari ee magaalada Hargeysa, waxaana dad rayid ah ay weerareen xero ciidan oo degenaayeen ciidamada Somaliland.

Iska hor imaadka ayaa dhexmaray *dad sheeganayay dhul ay degen yihiin ciidamada madaafiicda goobta ee Somaliland.

Iska horimaadkan ayaa la sheegay in ay ku dhinteen toddobo ruux ayna ku dhaawacmeen tiro kale. Waxana xabsiyada la dhigey illaa soddon ruux oo* ay ku jiraan dad ku dhaawacmay iska horimaadkan.

Wasiirka gaashaandhigga Somaliland oo ka hadlay iska hor imaadka ayaa marka hore ka tacsiyeeyey qasaaraha waxaana uu ku adkaystay in dagaalku dhexmaray ciidamada maamulka iyo dad sheeganayay dhulka ay degen yihiin ciidamada Somaliland.

Xaaladda ayaa iminka deggan balse maanta gelinkii hore magaalada Hargeysa waxaa ka socday xiisad iyo banaan baxyo looga soo horjeedo dagaalkaasi ka dhaca Bariga Hargeysa.

Iska horimaadkan ayaa ah mid noociisa oo kale aan hore uga dhicin magaalada Hargeysa oo ah magaalo ammaan buuxa ka jiro.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Israsaaseyn sababtay khasaare oo maanta ka dhacday Magaalada Hargeysa.

May 15, 2012 - Written by Webmaster - Edited byWebmaster

Tiro ka badan 7 Qof ayaa ku nafwaayay in kalena waa ay ku dhaawacmeen shaqaaqado gelinkii hore ee Maanta ka dhacay magaalada Hargeysa xarunta maamulka la baxay Soomaaliland ee Waqooyi Galbeed Soomaaliya.

Sida uu saxaafada u sheegay wasiirka Difaaca ee Maamulkaasi Axmed Cadami 3 ka mid ah todobadaasi qof waa ciidan degenaa goob ku taala magaaladaas kuwaasi oo ay weerareen koox ku hubeysan qoryaha fud fudud.

Waxaa sidoo kale uu sheegay Wasiirku in dhacdadani ay ka dambeysay ka dib muranno waayadii ugu dambeeyay ka jiray goobta ay degenaayeen ciidamadaasi halkaas oo ay sheeganayeen lahaanshaheeda qaar ka mid ah dadweynaha magaalada degen.

Inkastoo aan jirin faah faahin rasmi ah ayaa hadana dad goob joogayaal ah oo la hadlay saxaafada waxa ay sheegeen in khasaaruhu intaasi ka badanyahay ayna ciidanka adeegsadeen hubka cul culus oo siweyn saaka loogaga maqlayay magaalada.

Dhacdadani ayaa noqotay mid siweyn looga hadal hayo maanta gudaha Magaalada Hargeysa iyadoona dadka deegaanka ay la fadhiyaan goobaha lagu shaaho hadalheynta howshan, waxaana iminka goobtii ay dhibaatadu ka dhacday ku sugan ciidamadii horay u degenaa ee lagu soo weeraray.

Sikastaba xaalku ha ahaadee maleeshiyaadka shacabka ah ee la dagaalamay ciidamada Maamulkaasi ayaa ku doodaya in dhulka ay ciidamadaasi degen ay iyagu leeyihiin ayna tahay sharci daro in dowlada ay si qasab ah kula wareegto dhul shacabku leeyahay waasida ay hadalka u dhigeene.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Dagaalka Hargeisa kasocdaa waa in lajoojiyo, that's SOL appeal.

 

 

Weerarkan lagu qaaday xerada madaafiicda goobta ee magaalada Hargeysa ayaa la sheega in lagu diley shankamid ah ciidamada saldhigaas ku sugnaa iyo labo ruux oo rayidkii soo weeraray xerada.

Shacabkii iyo maleeshiyaadka Hargeisa waa is baabiyeen.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Iskahorimaad khasaare geystay oo ciidamada Somaliland iyo dad Shacab ah ku dhexmaray Bariga Magaalada Hargeysa

Talaado, May 15, 2012 (HOL) — Dad shacab ah iyo ciidamada amniga Somaliland ayaa maanta dagaal waqti kooban socday wuxuu ku dhexmaray bariga magaalada Hargeysa, kaasoo sababay khasaare dhimasho iyo dhaawac ah oo soo kala gaartay labada dhinac.

Dagaalkan ayaa waxa uu ka dhashay dad shacab ah oo sheegay inay dhul ay leeyihiin xoog kaga haystaan ciidamadda milatira iyo ciidamadda amniga oo iyana ku doodaya inay dhulku yahay mid dan guud oo xerana u ahayd ciidanKa.

Ilaa hadda si cad looma sheegin khasaaraha dhabta ah inta uu leeg yahay, inkastoo laba dhimasho iyo afar dhaawac ah la soo gaadhsiiyey cisbitaalka guud ee magaaladda Hargeysa oo ka mid ah dadkii shacabka ah sida hawl-wadeenadda cisbitaalku noo xaqiijiyeen,.

Warar kalana waxa ay sheegayaan in dhaawacu intan ka badan yahay balse dadku gaysteen cisbitaalo gaar loo leeyahay, taasina ay keenayso in si dhaba loo ogaado khasaaruhu inta uu leeg yahay.

sidoo kale, ciidamada booliska iyo Milatariga ayaa dhaawac iyo dhimasho ka soo gaadhay rabshadahaasi, waxaana wararka aanu ka helayno ciidamadda amnigu sheegayaan in afar askari halkaasi ku dhinteen, dhaawacanu intaas ka badan yahay, haseyeeshee, dhaawaca iyo dhimashadda waxa la geeyey cisbitaalka ciidamadda milatariga, waxaana ilo u dhow dhowi sheegayaan in afarta askari saddex ka mid ahi yihiin milatariga, halka midna yahay booliska.

Meeshan dagaalku ka dhacay ayaa ah bariga magaaladda Hargeysa oo ah meel ciidanku milatariga leeyihiin, balse dad shacab ahi ku doodayaan in wakhtigii dawladii hore ee Siyaad Bare xoog kagaga qaaday xero ciidanna ka dhigay.

Wasiir ku xigeeenka Amniga Cabdilaahi Abokor Cismaan oo xafiiskiisa warbaahinta kula hadlayey ayaa sheegay in aanay wali kala cadayn khasaaraha dhabta ah ee labadda dhinaca soo kala gaadhay, balse ay jiraan dhimasho iyo dhaawac labadda dhinac ah.

Wasiirku xigeenku waxa uu xusay in dhibaatooyinka ugu badan ee amni darada ka dhaliya somaliland yihiin arrimaha dhulka oo mar kasta la isku qabsado, arrintana uu khasaaruhu ka dhashayna ay tahay arrimahaasi oo ay dad shacab ahi sheegayaan dhul xero milatari ah.

Sidoo kale, Maayarka magaaladda Hargeysa Xuseen Maxamuud Jiciir ayaa isna sheegay in afar qof ka dhinteen dadkii weerarka soo qaaday, saddex kalana askarta ka dhinteen, dad lagu qiyaasay 12 qof oo uu sheegay inay ku eedeysan yihiin dadkii rabshadahan ka dambeeyeyna la xidhay.

Dadkan dhintay ayaa waxa ku jiray haweenay uur leh oo la garan waayey eheladoodda oo aan ku jirin dadka meesha isku haystay, balse la sheegayey in iyadoo meesha maraysa ay qabsaday xabad habow ahi, waxaana la dhigay qolka maydka ee cisbitaalka magaaladda Hargeysa, iyadoo dad badani ku xoonsanayeen si loo garto.

Barkhad-Ladiif M. Cumar, Hiiraan Online

barkhadladiif@hiiraan.com

Hargeysa, Somaliland

Share this post


Link to post
Share on other sites

uchi, you are right, we expected Xx and Carafaat to report this, the two most active members of SOL's politics section. They ignored this and are busy on federalism and the constitution.

Share this post


Link to post
Share on other sites

^Makaa yeelaayaan hadee

 

Siilaanyo intuu yimid ayaa meeshiba waxay noqotay a war zone, mar uu kuduulo Sooljoogto iyo mar maleeshiyadiisa iyo shacabka isku laayaan L.A iyo Hargeisa. Every other week and month dagaal ayaa meesha kasocda, what's this, the security of the north west is out of control. Amaankii ayuu faraha kabixiyay Siilaanyo.

Share this post


Link to post
Share on other sites

The leadership needs to take responsibility fir this grave incident. The death of miltias is bad young men duped to fight for nonsense. However the death of the civilians are more tragic. Those who want to ignore such an incident are themselves in denial and Somali lives seem to have no value to them.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this