Sign in to follow this  
kingofkings

Siilaanyo must be stopped

Recommended Posts

Hargeysa(RBC):- Xukuumadda Somaliland ayaa is-hortaagtay qabsoomidda muddaharaad ay siddeed Urur oo ku hadhay qiimaynta wejiga labaad ee Guddiga diiwaangelinta ay taageerayaashooda shalay ugu baaqeen inay isugu soo baxaan, si ay u muujiyaan diidmadooda la xidhiidha inaanay ku qanacsanayn natiijada Guddiga diiwaangelintu shaaciyeen Jimcihii.

 

 

Hase-yeeshe, Wasiirka arrimaha gudaha Somaliland Maxamed Nuur Carraale (Duur) oo ka hadlay Idaacadda afka dawladda ku hadasha ee Radio Hargeysa, ayaa sheegay inaanay Xukuumaddu oggolaannin wax bannaan-bax ah oo ay sameeyaan Ururrada ku-meel-gaadhka ahaa ee ku hadhay qiimaynta wejiga labaad ee Ururrada, sidaa daraaddeedna uu shacabka ugu baaqayo inaanay ka qaybqaadan muddaharaadyo sharci-darro ah oo ay aanay Wasaaraddu oggolaannin, cid soo weydiisatayna aanay jirin.

 

 

Inkasta oo aanay taa ku waaban Ururrada ku baaqay muddaharaadku, haddanay ma noqon mid sidii la filayey u bilaabma muddaharaadkaasi, ka dib markii Taageerayaasha iyo hoggaanka Ururka UDHIS isku dayeen inay xafiiskooda Hargeysa ka bilaabaan muddaharaadka loo ballansanaa, ka dib markii Ciidammada ammaanka ee loo yaqaanno RRU iyo SPU ee Booliska Somaliland la dhoobay xarunta bannaanbaxa laga bilaabayey, isla markaana ay rasaas nool ku kala kexeeyeen Taageerayaasha iyo hoggaanka UDHIS ee bilaabay muddaharaadka, kaasoo halkaa ku hakaday.

 

 

Arrintan ayaa ka dambaysay markii Guddiga diiwaangelinta Ururrada Siyaasadda Somaliland iyo ansixinta kuwa Xisbiyada u soo gudbaa ay Jimcihii dorraad ku dhawaaqeen Natiijada ururrada soo gubay ee ka qaybgeli doona doorashada dawladaha hoose oo sannadkan qabsoomaysa iyo kuwa ku hadhay wejiga labaad ee shuruudaha ururrada laga doonayey, taasoo ay Sagaal Urur oo hadhay qaaddeceen, isla markaana siddeed ka tirsani Ururrada hadhay taageerayaashooda ugu baaqeen inay isugu soo baxaan muddaharaadyo saddex cisho socda oo ay ku muujinayaan siday uga soo horjeedaan natiijada Guddigu soo saartay oo ay ku tilmaameen mid caddaalad-darro ah.

Share this post


Link to post
Share on other sites

We urged the UN to stop the "toothless afweyne" before he ruins SL. What happen to SL democracy:confused: Do the people of SL not have rights:confused: Why are the SL folks on sol quite on the issue of their people's right be limited by "toothless afweyne":confused:

Share this post


Link to post
Share on other sites
Carafaat   

Siilanyo has all his tooths, maanshallah. But nontheless, its strange how these party's came through selection. On the other hand does it matter,

When there are only 3 left at the end anyway. So I advice the complaining lot to join a party and build bridges to Somalia's political parties. Otherwise these parties stay relative businesses rather then ideological movements.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this