Sign in to follow this  
Liibaan

MadaxWeyne Shariif“Marnaba Ka Tanaasuli Mayno WaxKasta HaNagu Qaadatee Midnimadii Somaliyeed

Recommended Posts

Liibaan   

MadaxWeyne Shariif “Waqooyiga Somaliya Waa Qayb Somaliya Ka Mid Ah” Waraysi Turkish TV

 

“Marnaba Aniga Iyo Dawladdaydu Ka Tanaasuli Mayno Wax Kasta Ha Nagu Qaadatee Midnimadii Soomaaliyeed, Taasina Cid Weliba Way Ogtahay”

 

 

 

Muqdisho (Bnn) Madaxweynaha dawladda ku meel gaadhka ah ee Soomaaliya oo u waramaayey Telefishan laga leeyahay dalka Turkiga ayaa sheegay in wada-hadal ay dawladiisu la gasho Somaliland ay imika kaga weyntahay inay qabtaan doorashada madaxtinimada iyo in la ansixiyo dastuurka Soomaaliya.

 

Mr. Shariif wuxuu ku tilmaamay Somaliland qayb Soomaaliya ka mid ah oo la dudsan burburkii Soomaaliya gaadhay “waanu dareensanahay walaalahayo Waqooyi inay weli la dudsanyahiin dhibaatadii ka gaadhay nidaamyadii dalka ka jiray, waxaanse huba inay midnimada iyo wada jirka ummadda Soomaaliyeed wax walba ka horaysiinayaan”

 

Shariifku wuxuu sheegay in hawlaha ugu waaweyn ee Maamulkiisa hadda hor yaalla tahay sidii loo qaban lahaa doorasho madaxtinimada ciddii isaga bedeli lahayd wuxuuna sheegay in nidaamka doorashada ay qayb ka yahiin wuxuu ku tilmaamay gobolada Waqooyo oo uu ula jeeday Somaliland ”waxaa hadda Muqdisho iyo gobolada dalka Soomaaliya oo ay gobolada Waqooyi ku jiraan ka socda habkii iyo qaban qaabadii ergooyinka oday dhaqameedyada, waxaanu xoogga saarayna sidii aanu ballan-qaadnay in ka hor bisha August ay Soomaaliya yeelato Madaxweyne rasmi ah oo aan ku meel gaadh ahayn” ayuu yidhi Shariifku.

 

Shariifku wuxuu soo dhaweeyey dedaal ay dawladda Turkigu ku wadday dhex dhexaadin dhex marta nidaamkiisa iyo kooxda Alshabaab “Alshabaab waxay qirteen inay yahiin qayb ka mid ah alqaacida, marka ciddii fekerka alqaacidnimada ka soo laabanaysa diyaar ayaanu u nahay inaanu la hadalo” ayuu yidhi Shariifku.

 

Shariifku wuxuu sheegay inaanay Dawladiisu Sinaba Uga Tanaasulayn Midnimada Soomaaliya “Marnaba Aniga Iyo Dawladdaydu Ka Tanaasuli Mayno Wax Kasta Ha Nagu Qaadatee Midnimadii Soomaaliyeed, Taasina Cid Weliba Way Ogtahay” Ayuu Yidhi Shariifku.

 

arrintani ayaa ku soo beegmaysa iyadoo Xukuumadda Somaliland ka laabatay wada-hadal la sheegay inay la galaysay Somaliland iyadoo ku xidhay in wada hadaladaasi laga saaro laba xubnood oo asal ahaan ka soo jeeda Somaliland

Share this post


Link to post
Share on other sites
gooni   

Waa arin wanaagsan waa markii ugu horaysay oon hadal madax weyne ka maqlo,snm ama haku gacan sayrto ama ha iska qayisho,waa arin niyadda u dhisi karta shacabka dulman ee waqooyi soomaaliya

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this