Sign in to follow this  
Xaaji Xunjuf

Drones hit Alshabaab bases in the Garowe clan enclave

Recommended Posts

Duqeyn ka dhacday gobolka Bari

 

Duqeynta loo geystay deegaanka Gumbax ayaa dhalisay cabsi xooggan

Duqeyn ay geysteen labo diyaaradood oo aan la garaneyn cidda leh ayaa xalay ka dhacday deegaan lagu magacaabo Gumbax oo u dhaxeeya degmooyinka Baargaal iyo Xaafuun ee gobolka Bari.

Xog-hayaha dowladda hoose ee Gumbax, Guure Cali Cumar oo wareysi siiyay Bar-kulan ayaa sheegay in diyaaradaha duqeynta geystay ay shan gantaal ku garaaceen meel 5 km dhanka xeebta kaga beegan deegaankaasi.

Lama oga khasaaraha rasmiga ah ee ka dhashay duqeynta iyo waliba sababta loo bar-tilmaameemdsaday deegaankaasi, walow xog-hayaha dowladda hoose ee Gumbax uu sheegay inuusan jirin khasaare soo gaaray dadka halkaasi ku nool.

Guure ayaa intaas ku daray inaysan garaneyn sababta loo duqeeyay deegaankooda, wuxuuna shaaciyay in halkaasi aaneyn joogin kooxaha burcad badeedda.

Hasa yeeshee, waxaa jira warar sheegaya in kalluumeysato halkaas joogtay loo maleeyay in ay yihiin burcad badeed.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Diyaarado Dagaal Oo Duqeyn Ka Geystey Degmada Gumbax Ee Gobolka Bari

 

Diyaarado dagaal oo aan la garaneyn cidda iska leh ayaa xalay duqeyn ka geystey degmada Gumbax ee gobolka Bari.

 

Duqeynta ay diyaaradahaasi geysteen oo ahayd mid si weyn looga argagaxay ayaa waxaa ku dhaawacmay labo qof.

 

Labada qof ee dhaawacmay waxay kamid ahaayeen kaluumaystada degmada Gumbax iyagoona xiligii ay duqeyntu dhaceysey badda ku jirey.

 

Duqa degmada Gumbax Faarax Siciid Jaamac oo Horseed Media la hadlay ayaa ka warbixiyey sida ay wax u dheceen.

 

Wuxuun sheegay in duqeyntaasi ay xalay saqdii dhexe ka dhacday meel dhowr Mile u jirta xeebta degmada Gumbax.

 

Faarax Siciid Jaamac oo hadalkiisa sii wata ayaa sheegay in diyaaradihii duqeynta geystey ay gubeen qalab badan oo kuwa kaluumaysiga ah.

 

Duqa Gumbax oo ay Horseed Media weydiisey inay garanaayaan cidda weerarakaas geysatey iyo sababtaba wuxuu tilmaamay inaysan waxba kala socon.

 

Haseyeeshee ay u malaynayaan in dadkaas kaluumaysatada ah laga shekiyey islamarkaana loo qaatay inay ka tirsan yihiin kooxaha Burcad-badeeda ah ee ka qowleysta xeebaha Soomaaliya.

 

Dhinaca kale ma jiro wax war ah oo arintaas ku saabsan oo ilaa iyo hadda kasoo baxay dhinaca dowladda, waxaana wararka laysla dhex marayaa ay sheegayaan in diyaaradahaasi ay ku tirsanaayeen kuwa ciidamada NATO ee ku sugan xeebaha Soomaaliya.

 

Horseed Media

Share this post


Link to post
Share on other sites

First of all, this is like 5 day old news, and secondly it's clearly says they have destroyed fishing boats belonging to fishermen. So where does it say "AlShabab Bases"in the two article you have posted? Also, there are no drones mentioned in either of the posts. Malaha far Somali in lagu gashaa u baahan tahay!

Share this post


Link to post
Share on other sites

Maleeshiyadii Al-shabaab Ee Ku Sugnayd Galgala Oo U Digo Rogatay Buuralayda Xaafuun Ee Puntaland, Saldhigna Ka Samaystay Iyo Diyaaradaha Maraykanka Oo Cirka Ka Duqeeyey

 

Hargeysa, April 23, 2012 (Haatuf) - Maleeshiyada kooxdii Alshabaab ee dhawaan soo dagay Buuralayda Galgala ee bariga Somaliland, ayaa ka kolonyaystay Galgala, isla markaana uga digo rogteen dhinaca Buuralayda deegaanka Xaafuun ee Puntaland, kuwaas oo Saldhig ka samaystay Buuralaydaasi Xaafuun oo la sheegay in labadii maalmood ee u dambeeyay ay duqayn Cirka ku garaaceen Diyaaradaha dagaalka ee Maraykanku.

Kooxda Alshabaab oo iyagu ka soo firxaday dagaalada lagaga awooda roonaaday ee Somalia ku dhex maray Ciidamada dawlada TFG oo ay taagaaraan Ciidamada Midowga Afrika, isla markaana labadii todobaad ee ugu dambeeyay ku sugnaa Buuralayda Galgala ee xuduuda Somaliland iyo Puntland, ayaa wararku intaa ku darayaan in deegaanada Buuralayda Cal-miskeed oo ku taal Puntland ay ka samaysreen Saldhig gabood ah.

Wararka laga helayo deegaanadaasi ayaa sheegaya in kooxda Alshabaab ee soo dagay Xaafuun oo ku taala xeebta ay maamusho Puntland ayaa walaac weyn ay ka muujiyeen maleeshiyada Alshabaab ee soo dagtay deegaankaasi, kuwaas oo labadii maalmood ee shalay iyo doraad ay Diyaaradaha dagaalka ee Maraykanku ay duqaymo culus oo Cirka ah ka fuliyeen deegaanka Xaafuun iyo Buuralayda Cal-Miskeed oo 380 Km koonfur bari ka xigta magaalada Boosaaso.

Maleeshiyada Alshabaab ee u guuray deegaanada Puntland ayaa la sheegay inay hogaaminayaan xubno sare oo ka tirsan ururkaasi, oo ka soo jeeda dhalasho ahaan deegaanka Puntland, kuwaas oo wararku intaa raaciyeen inay ka mid yihiin Fu’aad Maxamed Khalaf (Shangole) iyo nin lagu magacaabo Kutub-weyne.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this