Sign in to follow this  
Xaaji Xunjuf

Somalilands Afro hashemite students take part in inter Jordanian cultural students day +PICS

Recommended Posts

Ardayda Reer Somaliland Ee Dalka Jordan Oo Guul Ka Soo Hooyey Bandhig Jaaliyadeed Ay Ka Qayb-galeen 30 Dawladood, Lana Dhex Tagay Calanka Jamhuuriyadda + Ciyaar Dhaqameed Ay Dhigeen (Sawiro)

 

Irbid (Ramaas) Apr 16,2012 – Magaaladda Irbid ee dalka Jordan ayaa waxa lagu soo gabogabeeyay bandhig jaaliyadeed sanad walba loo qabto ardayda ajaanibka ah ee wax ka barta jaamacadaha dalkaasi oo ay ku jiraan arday badan oo reer Somaliland ah, kuwaasi oo wax ka barta jaamacadaha dalkaasi.

 

Bandhigan oo sanad walba la qabto si loo kobciyo is-dhex galka bulshooyinka ajaanibka ah ee ku dhaqan dalkaasi isla-markaana lagu soo bandhigo qaybo kala duwan oo ka turjumaya hidaha iyo dhaqanka jaaliyad kasta, taasi oo ka turjumaysa wadankii ay ka yimaadeen ayaa sanadkan guud ahaan jaaliyadahaasi ku soo bandhigeen ciyaar dhaqameedkooda iyo waxyaabo kale oo dhaqanka la xidhiidha.

 

 

Bandhigan oo sanadka ay qaban-qaabadiisa lahayd Jaamacada loo yaqaano JUST (Jordan University of Science and Technology) ee dalkaasi Jordan ayaa waxa ka qayb qaadanayay ilaa 30 dawladood oo Carab iyo ajaanib kaleba leh.

 

bandhigyada noocan oo kale ah ayaa sanad walba waxa loo qabtaa ardaydan, si loo kobciyo is-dhexgalka bulshooyinkan, isla markaana wax looga barto dhaqanka iyo hiddaha ay caanka ku yihiin wadamada ay ardaydani ka kala yimaadeen.

 

 

Sanadkan ayaa markii ugu horaysay taariikhda bandhig-jaaliyadeedkan ka qayb qaatay ardayda jamhuriyadda Somaliland oo si weyn loogu soo dhaweeyay saaxadda jaaliyadaha ee jaamacadan.

 

Wefdiga matalayay wadanka Somaliland waxay ku guulaysteen inay soo bandhigaan qaybo kala duwan oo ka turjumaya hiddaha iyo dhaqanka bulshadeenu leedahay sida ciyaar-dhaqaameedyada oo ay soo bandhigeen ciyaarta loo yaqaan "Saylici" iyo cuntooyinka shacbiga ahba, kuwaasi oo guud ahaan ardaydii kale ee ajaanibka ahayd iyo waliba madaxdii ka soo qayb-gashay soo dhaweeyeen ciyaar-dhaqameedyada iyo cuntooyinka reer Somaliland caanka ku yihiin ee ay soo bandhigeen ardaydan oo sidoo kale halkaasi la tagay calanka Jamhuuriyadda Somaliland.

 

 

Ardayda reer Somaliland ee ku jira jaamacadaha dalka Jordan ayaa guul wax ku ool ah ka soo hooyey bandhigaasi iyagga oo calanka Somaliland la dhex tahay dad ka kala yimid 30 wadan oo adduunka ah.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Ardayda Iyo Jaaliyadda Soomaaliyeed Ee Jordan Oo Ka Qeyb Qaatay Bandhig Hido iyo Dhaqan Oo Jaamacadaha Dalkaasi Loo Qabtay

 

aaliyaddda ardeyda somaliyed oo si heer sare ah uga qeybqaatay bandhig-dhaqamedyo ka dhacay jaamcadaha kala ah JORDAN UNIVERSITAY OF SCIENCE AND TECNOLOGY(JUST) IYO YARMUUK UNIVERSITY ee wadankaas.

 

Hadaba bandhiga hore, oo soconayey muddo hal usbuuc ah,ayaa waxa uu maalintii axada aheed ee taariikhduna ku beegneyd 1-4-2012, si rasmi ah uga bilowday jaamacada JUST, oo ah jaamacada ay dhigtaan ardeyda ugu badan ee soomaliyeed ee wadanka jordan,, bandhig dhemeedkan oo sanadkiiba mar lagu qabto jaamcaddaaha kala duwan ayaa waxa uu wadan kasta ku soo bandhigaa dhaqanka iyo astaamaha uu goonida u leeyahay sida :cunada,labiska kheyraadka dabiiciga ah ,lacagta, cayaaro dhaqmeedyo,astaamaha qaran iyo wax kasta oo wadan walbu uu is leeyahay waad ku faanikarta. . xafladii furintaaka bandhigaasi ayaa waxaa ka soo qaybgalay islamarkaan haddalo kala duwan ka jeediyey madaxa jaamacadda JUST c/llaah Malakawi iyo masuulyiin ka kala socday wadamo faro badan oo dhamaantood ka hadlay muhiimada aqoontu u leedahay hormarka dunida.

 

Bandhiga sanadkan oo ay ka soo qeyb galeen ku dhawaad 20 dowladood ayaa somaliya oo loogu bartay wadamad sida joogtada ah uga qeybgalayey sanadihiii ugu dambeeyey, waxey sanadkan la soo shirtagtay bandhig si weyn u soo jiitay dhamaanba dadkii soo booqanayey goobta lagu qabanayey bandhigan oo ah gudaha compus-ka jaamacadda . madaxa jaamcadda JUST pr.C/llah Malkawi oo isla goobta kula kulmay gudoomiyaha midowga ardayda soomlida ee Jordan Axmed Cabdi Shire ayaa mahadcelin kadib, si weyn u amaanay firfircoonida jaaliyadda soomaaliyed iyo waliba sida ay mar walba uga qeybqaatan howlaha ama nashaadaadka kala duwan jaamacadu qabato, iyadoo dhinaca kalena jaaliyadu ay madaxda iyo dhamaan dadkii ka ka soo qeybgalayba u sharxayeen su’alaah la xariira dhanqanka

 

Bandhig labaad oo ahaa mid kaa la mid ah ayaa isna jaaliyaddu ku qabatay jaamacadda Yarmuuk usbuucaan guduhiisa waxaana si la mid ah kaa hore furitaanka xafladiisa ka soo qeybgalay marti sharaf kala duwan iyo madaxa jaamacadda Yarmuuk pr.C/llah al-musaa oo asna dhankiisa amaanay kaalinta ardeyda soomaliyed ee jaamacadda.intii bandhigu socday ardeydu waxey soo bandhigayeen ciyaar dhaqameedyo ay aad u jeclaysteen dhamaan ka soo qeybgalayaashu.

 

Waxaa xusid mudan in badhiga somalida ee sanadkan uu ka duwanaa sanadyadii hore jaaliyaduna ay galisay juhdi iyo karti dheeraad ah sida uu sharxayo gudoomiyaha jalliyada ardeyda somaliyed ee jordan ahmed shire “macradka/bandhiga sanadkan juhdi iyo dadaal dheeraad ah iyo wax kasta oo aan awoodnay ayaan galiney..sababtuna waxey tahay waad la socotaan sanadkii hore wadankayaga waxaa ka dhacay majaaco ama gaajo iyo abaar baahsan, warbaahintuna si qaldan ayey wax u turjemeen oo dhinaca xumaanta ayey diiradda saareen, marka anagu waxaan rabnaa in suurada qaldan aan badalno oo dhinaca wanaagsan ee dalkayaga aan caalamka wax ka barno” ayuu yiri guddoomiye ahmed shire.

 

Si kastaba ha ahaatee ma han oo kaliya 2daan jaamacaddood , balse waxaa jira in jaaliyadda ardyeda somaaliyeed ee ku dhaqan wadanka jordan ay ka qeybqaataan dhamaanba bandhigyada noocan oo kale ah,kuwaas oo lagu qabto jaamcadaha kala duwan ee wadakaas.waxeyna arrintani muusjineysa sida ay ardayda iyo guud ahaanba shacbiga soomaaliyeed meel kasta oo ay joogan ay kal-gacal iyo dareen wadaniyadeeba ugu hayaan dalkooka hooyo, iyo waliba sida ay uga go’antahay sidii ay astaanta iyo magaca soomaaliyeed uga dhigilahaayeen mid sarreeya meel kasta iyo waqti kasta oo lajoogo.

 

mvno7n.jpg

 

12492mx.jpg

 

5w9klg.jpg

 

34ditjk.jpg

 

20pq5n6.jpg

 

4fv6gn.jpg

More images on Raadiyo Muqdisho

Share this post


Link to post
Share on other sites

fk4m8o.jpg

 

Sawirkaan waxa kor kor loogu soo sawiray sabab ayaa jirto oo la qarinaayo. Haddii sawirka si caadi ah oo hor hore loo sawiri lahaa kuwaan soo bixi lahaa oo kuwa sawirkaas qaaday inay qariyaan damcay.

 

npp6xz.jpg

 

2567j43.jpg

 

Miiskee calamada kor saareen waa isla miiskaan.

____________________

 

2v2h9oi.jpg

 

Gabdhahaana dhaqanka Soomaalida soo gishteen oo miiska bandhigga Soomaaliya ayee taaganyihiin. Waxaa ka garaneysaa qariirada gadaashooda ka muuqato oo ka muuqato ereyada bilowga Hargeysa iyo Berbera. Qariiradaas waa isla qariiradaan miiska Soomaaliya ku dhagan:

 

fzc2zs.jpg

 

Isla gabdhahaas mid ka mid ah sawirkaan ayeeba ka muuqataa dhanka bidix ee dambe, dhanka alindiga meesha suran.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sensei   

I am proud of them regardless, Hashemites & the non-Hashemites, and the Habros & the Hersies, and all the Xashies & the Xalimoos.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this