Sign in to follow this  
Somalia

Somaliland Ruling Party Heckled, Fight Ensues, Police Intervenes

Recommended Posts

Sunday, 15 April 2012

Ina Kaahin Oo Nidaam Qabyaladeed Loogu Doortey Gudomiye Ku xigeen

 

 

Shirweynihii KULMIYE oo uu Gilgilay soo Gelitaankii Madasha ee C/raxmaan Cabdiqaadir oo Imaatinkiisa aan la Oggoleyn

 

Xanshaashaqii DUUR + Dhegataagii Cali Xuunsho iyo Ina Kaahin iyo Dareenkii Muuse Biixi

 

Hargeysa(Qaran news)-Guddoomiye-ku-xigeenka 1aad ee Xisbiga KULMIYE Md. Cabdiraxmaan Cabdiqaadir Faarax ayaa Shalay loo diiday inta Madaxweynuhu ku sugan yahay madasha inuu kasoo xaadiro Kal-fadhiga Shirweynaha Golaha Dhexe ee Xisbiga KULMIYE oo ka furmay Maansoor Hotel ee Magaalada Hargeysa.

 

Tallaabadan oo ay hore u gaadheen xubno sare oo ka mid ah Xisbiga KULMIYE iyo Xukuumaddu, kuna wargeliyeen Guddoomiye-ku-xigeenka 1aad ee Xisbiga KULMIYE in aanu Shirka iman inta uu Madaxweynuhu ka baxayo madasha Shirweynaha, iyadoo arrintan food-saaro ay uga dhigeen xubnahaasi xurgufo Siyaasadeed oo dhexyaala Madaxweynaha iyo Md. Cabdiraxmaan Cabdiqaadir.

 

Arrintan ay xubnahaasi ula yimaadeen waxa ay noqon weyday mid qancisa Guddoomiye-ku-xigeenka, Sidaa darteed-na waxa uu yimi madashii Shirka wax yar ka hor intii aanu Madaxweynuhu soo gaadhin Hoolkii uu Shirku ka socday, waxana soo gelitaankiisu markiiba ay gilgishay dareenka xubnihii fadhiyey shirka, gaar aana xubnihii watay mooshinka ah in aanu Cabdiraxmaan Cabdiqaadir Shirweynaha iman, taasoo si cad uga muuqatay Guddoomiyaha Xisbiga KULMIYE oo madaxa ka ruxay soo gelitaankiisa

 

Weriye ka tirsan Wargeyska Yool oo goob-joog ka ahaa Shirka waxa uu intaa ku daray in Guddoomiye-ku-xigeenku markii uu madasha soo galay uu soo dhaweeyey Xildhibaan Cabdiraxmaan Yuusuf Cartan, isagoo si gacal-tooyo leh ugu baaqay inuu soo fadhiisto kaalintiisii, hase-ahaatee intii aanu fadhiisan Guddoomiye-ku-xigeenku waxa u yimi Wasiirka Arrimaha Gudaha Maxamed Nuur Carraale (Duur) oo ay dhexmareen weedho Xan-shaashaq ahi, Maxamed Kaahin iyo Cali Xuunsho ayaa iyana isa soo daba taagay oo dhegaha u raacinayey tiraabaha, balse iyadoon dhamaan hadalkii ay is-weydaarsanayeen ayuu fadhiistay Cabdiraxmaan Cabdiqaadir, iyadoo Wasiirkuna soo fadhiistay Kursigii kale eek u xigay, halkaana ay kasii socotay wada hadalkii u socday oo aan cidi maqlayn marka laga reebo intii daba taagnayd oo ay ka mid yihiin Maxamed Kaahin iyo Cali Xuunsho.

 

Guddoomiye-ku-xigeenka Xisbiga KULMIYE Md. Cabdiraxmaan Cabdiqaadir oo Saxaafaddu wax ka weydiisay arrintan wuxuu sheegay in loo soo jeediyey codsi ah inuu ka maqnaado madasha Shirka gelinka hore inta Madaxweynuhu Shirka joogo, taasoo siduu sheegay loogu sababeeyey in aanu Madaxweynuhu raali ka ahayn imaatinkiisa Shirka, hase-yeeshee, in aanu ku qancin codsigaas loo soo jeediyey, Sidaa darteed-na uu kasoo qaybgalay bilowgii Shirka ee gelinka hore.

 

Ilaa hadda ma cadda waxa uu Shirweynaha Xisbiga KULMIYE ka yeeli doono tallaabadan, hase-ahaatee, waxa uu tibaaxay in la damacsan yahay in Golaha Dhexe uu ka qaado Jagadda Guddoomiye-ku-xigeenka ee Xisbiga, iyadoo uu xusay in waxa keliya xilka lagaga qaadi kara ay tahay Shirweyne maadaama Shirweyne loogu doortay.

 

Guddoomiye-ku-xigeenka oo ka mid ahaa xubnihii ay Madaxweynaha isugu dhawaayeen muddadii uu hayey xilka hoggaanka Xisbiga KULMIYE, ayaa waxay soo dhex-gashay ka dib markii uu Cabdiraxmaan Cabdiqaadir dhaliilay Maamulka iyo Siyaasada ay Xukuumaddu ku hagto dalka, taasoo bulshada dhexdeeda qaybo ka mid ah ka dhex abuurtay aragtiyo kala duwan oo Warbaahinta la isu mariyey, kuwaasoo ay ku kala taageerayaan Guddoomiye-ku-xigeenka Xisbiga KULMIYE iyo Madaxweynaha.

 

Yool

Share this post


Link to post
Share on other sites

Maxay reer Buuqland ugu daalayaan arimaha xisbiga Kulmiye!! cid kastaa way ogtahay in KULMIYE yahay xisbi dumuquraadiya oo codbixin gacan taaga ku meel marsada goaanadiisa. Nin diiday in loo codeeyo kursigiisa inuu sii fadhiyo iyo in laga qaado horna istaagay codbixintii haddii, askari saartay maxaa ku jaban.

Kulmiye wadaddii sharciga ahayd ayuu u maray arinkan. isagoo khaladaadka lagu haysto ninkan uu 6 bilood ka hor galay, balse la sugayay in golha dhexe isu yimaado iyadoo ay xilka ka qaadi kari lahayeen golaha fulinta oo kulan dagdag isagu yimaada sidii hore ay UDUB ugu samaysay xoghayahoogii hore Abdi Aw Dahir kadib markuu ka jabhadoobay,

 

Buuqland horta Dastuur yeelo, xisbiyo samayso one man one fout samee markaas ayaad wax ka sheegi kartaa waxa halkan ka dhacay.

B

Share this post


Link to post
Share on other sites

Halkan ka daawo siday wax u dhaceen aragna inaan cidina kursigiisii uu xaqa u lahaa u diidin ilaa la yidhi ha loo codeeyo waxa laga yeelayo. Wax fahan waa ninkii sanad ka hor warbaahinta aflagaadada u mariyay xisbiga iyo madaxwaynahaba ninka kursiga laga siiyay podium ka:

 

 

Share this post


Link to post
Share on other sites

Wiil Cusub;819245 wrote:
Maxay reer Buuqland ugu daalayaan arimaha xisbiga Kulmiye!! cid kastaa way ogtahay in KULMIYE yahay xisbi dumuquraadiya oo codbixin gacan taaga ku meel marsada goaanadiisa. Nin diiday in loo codeeyo kursigiisa inuu sii fadhiyo iyo in laga qaado horna istaagay codbixintii haddii, askari saartay maxaa ku jaban.

Kulmiye wadaddii sharciga ahayd ayuu u maray arinkan. isagoo khaladaadka lagu haysto ninkan uu 6 bilood ka hor galay, balse la sugayay in golha dhexe isu yimaado iyadoo ay xilka ka qaadi kari lahayeen golaha fulinta oo kulan dagdag isagu yimaada sidii hore ay UDUB ugu samaysay xoghayahoogii hore Abdi Aw Dahir kadib markuu ka jabhadoobay,

 

Buuqland horta Dastuur yeelo, xisbiyo samayso one man one fout samee markaas ayaad wax ka sheegi kartaa waxa halkan ka dhacay.

B

damn. the third one seeking asylum:confused: well, welcome. hopefully siilaanyo's p** will end soon.

Share this post


Link to post
Share on other sites

kingofkings;819248 wrote:
damn. the third one seeking asylum:confused: well, welcome. hopefully siilaanyo's p** will end soon.

Adigu goormaad soo gaadhi halka uu Kulmiye joogo ood xisbi yeelan

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this