Sign in to follow this  
Mooge

Faroole: Godane ma doonayo Al-Shabaab inay u guuraan Somaliland.

Recommended Posts

Mooge   

Garowe, Apr 07 -Madaxwaynaha dowladda Puntland Dr Cabdiraxmaan Sheekh Maxamed Faroolle ayaa sheegay inay ururka Al-Shabaab ay tan iyo bishii Augosto ee sanadkii 2011 oo ay ku dhawaaqeen inay ka baxeen magaalada Muqdisho ay u soo guurayeen buuraha Golis ee gobolka Bari.

M/weyne Faroolle ayaa waxaa uu sheegay dadwayanha in looga baahanyahay inay ka hortagaan qorsha Al-Shabaab ay ku doonayaan burburinta jiritaanka dowladda Puntland.

” Ilaa bishii Augosto markii Al-Shabaab xamar ka baxay Puntland Geeddi baa kusoo socday, balse intii ugu dambaysay ee Xamar iyo meello kale laga raray ciidamo badan oo wadamo dariska ah ah oo mushkiladda argagaxisada ah taabatay ay Soomaaliya galeen dhulbadana ka qabsadeen, sida gobolka Hiiraan Beledwayne gobolka Galguduudna Ceelbuur, gobolka Baayna Baydhabo,Jubada Hoose iyo Gedo, hadee nin walbaa waa tahashanayaa waxa ay ku tashadeen, go’aanna ku gaareen inay usoo guuraan buuraha Golis’ ayuu yiri m/weyne Faroolle.

M/waynuhu waxaa uu hoosta ka xariiqay hogaanka Al-Shabaab Axmed Cabdi Godane inuusan rabin in loo guurro deegaanka uu ka soo jeedo ee Waqooyi Galbeed Soomaaliya, taa badalkeedna uu dhowaan ku baaqay Al-Shabaab inay usoo guuraan gobolada Puntland.

Dr Faroolle ayaa ugu baaqay shacabka inay dowladda ka taageeraan dagaalka lagula jirro ururka Al-Shabaab.

 

allboocame.com

Share this post


Link to post
Share on other sites
Carafaat   

Markaa Godane ma qabyaladiste baa? :D

 

Smart of Faroole to try to divide along clan lines. Al Shabaab we u dhamatay, I tell ya.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this