Sign in to follow this  
kingofkings

Puntland Law Students @ PSU

Recommended Posts

Kulan Lagu Dhiirigelinayey Ardayda Waxkabarta Kulliyadda Qanuunka ee Jaamacadda PSU oo Garoowe Ka Dhacay

 

Hoolka shirarka ee Jaamacadda PSU waxaa ka dhacay kulan baraarujin ah oo loo sameeyey ardayda wax ka barta Jaamacadda PSU gaar ahaan kulliyadeeda shareecada iyo qaanuunka.

 

Kulankaas waxaa kasoo qayb galay wasiirka cadaaladda Puntland, gudoomiyaha maxkamadda Sare ee Puntland, madax ka socotey hay’adaha UNDP, UNHCR, UNPOSS, maamulka Jaamacadda, arday iyo marti sharaf kale oo badan.

 

Gudoomiye Ku xigeenka Jaamacadda PSU ahna maamulaha Kulliyadda Shareecada Salim Saciid Saalim ayaa ka warbixiyey ujeedada kulanka, wuxuuna sheegay in kulankani uu yahay mid baraarujin ah oo lagu dhiiri geliyo ardayda wax ka barta kulliyadda shareecada iyo qaanuunka ee Jaamacadda PSU

 

Salim Saciid Saalim ayaa sidoo kale xusay in kulliyaddan la furay 2008 ayna dhamaan ardaydii xiligaas la qaatay yihiin kuwo shaqeeya isagoo xusay in hirgelintii kulliyaddan ay Jaamacadda PSU ka caawisay haydda UNDP.

 

Salim Saciid Saalim ayaa waxa kaloo uu sheegay in manhajka waxbarasho ee kulliyaddan laga so oqaato dowalado Islaam ah oo ay kamid yihiin Suudaan, M asar iyo Pakstaan, wuxuuna intaas raaciyey in kulliyaddu ay ku jirto sanadkii 4-aad sanad walbana dufcad hor leh ay qaadato.

 

Gudoomiyaha maxkamadda sare ee Puntland Cabdiqaadir Axmed Daahir oo isna kulankaas ka hadlay ayaa ku dheeraaday sida ay muhiim u tahay barashada sharicigu, wuxuuna ardayda ku booriyey inay dadaalkooda xoojiyaan si ay bulshadooda ugu faa’iideeyaan aqoonta sharciga ee ay barteen.

 

Mr Nike oo ah madaxa xafiiska UNDP ee Puntland ayaa isna kamid ahaa mas’uuliyiintii goobtaas ka hadlay wuxuuna tilmaaamay in aqoonta ardayda kulliyaddan wax ka bartaa ay tahay mid sareysa sidaas darteedna looga fadhiyo marka ay waxbarasahda Jaamacadda dhameystaan in iyagoo daacad ah ay bulshadooda u shaqeeyaan.

 

Wasiirka cadaaladda, arimaha diinta iyo dhaqan celinta ee Puntland Eng. Khaliif Xaaji Xasan (Ajaayo) oo isagu kulankaas soo xiray ayaa sheegay in Puntland ay baahi u qabtay dad badan oo sharciga yaqaan balse hadda ay usoo baxeen dhalinyaro badan oo shariciga yaqaan arintaasina ay tahay mid lagu farxo.

 

Kulankan oo ahaa mid ay mas’uuliyiin badani kasoo qayb galeen ayaa ahaa mid ujeedadiisu ay ahayd in arydayda lagu dhiiri geliyo islamarkaana bulshada lagu gaarsiiyo in Jaamacadda PSU ay leedahay kulliyadda balaaran oo arimaha qaanuunka lagu darso.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Garoowe (APL ) : Kulankan oo ahaa mid lagu daahfurayey kuliyadda shareecadda iyo Qanuunka ee Jaamacadda PSU Garoowe,waxaana ay ka dhacday hoolka shirarka ee jamacadda iyadoo ay kasoo qaybgaleen wasiiro,Xildhibaano,Gudoonka Garsoorka,Hay,adaha Caalamiga ah sida UNDP,UNHCR ,UNPOSS,Maamulka ,Macalimiinta,ardayda psu iyo marti sharaf kale.

 

Saalim Siciid Saalim oo ah kuxigeenka Jamacadda ahna madaxa kuliyadda Qanuunka iyo shareecadda ayaa jeediyey ujeedada rasmiga ah ee kulanka waxaana uu sheegay in ujeedadu tahay sidii Bulshada loola socodsiin lahaa Faaiidooyinka shareecadu ay bulshada u leedahay,madaama ay yaradeen dadka yaqiin sharciga iyo qaanuunka kuwasoo qaarkoodna gaboobay kuwo kalana ay dalka isaga tageen.

 

Gudoomiye kuxigeenku waxaa uu sheegay in kuliyadaan laga hirgaliyey jamacadda sanadkii 2008 ayna gacan lixaadle ka gaysteen hay,adaha caalamiga ah sida UNDP,waxaana ay hay,adu meelaysay arday gaaraysa 88 qof kuwasoo la geeyey saldhigyada Booliiska ,Maxkamadaha iyo Xarunta u qareemida sharciga (Legal Aidka ).

 

Saalim waxaa uu sidoo kale sheegay in kuliyadaan manhajkeeda laga diyaariyey kan dowladaha islaamka sida Suudaan,Masar,Pagistaan & Urdun,ayna jamacadu qaadato ardayda kasoo baxa dugsiyadda sare ee dalka ,kuliyadana ay ku jiraan 110 arday oo 46% ay shaqeeyaan jamacaduna ay hayso qaybtii sadexaad.

 

Faaiidooyinka laga dhaxlay kuliyadaan ayaa waxaa ka mida in ay soo baxayaan dhalinyaro xirfadlayaal ah oo aqoon dheer u leh kuliyadda qanuunka iyo shareecadda, Saalim ayaa sidoo kale xusay in caqabadaha haysta habka ay u soconayso kuliyadani Maktabada jamacadda oo aanay u dhamaystirnayn adeegyadii waxbarashada sida Buugaata & Dhismaha,ayna hore gacan uga gaysatay hay,ada UNDP oo iminka looga fadhiyo in ay sii dardargeliso habka wax u socdaan .

 

Gudoomiyaha Maxkamadda Sare ee Puntland C/qaadir Axmed Maxamed ayaa isna qaatay hadalka waxaana uu yiri " Sharci waa Caadooyin & Qanuunka Bulsho ka Dhaxeeya kaas oo Bulshadaas lagu kala hago".Gudoomiyaha ayaa ardayda kula dardaarmay in ay dhowraan sharciga ,Cadaaladda ,ka fogaanshaha Laaluushka si sumcadda garsoorku ay kor ugu kacdo,sidoo kalana waxaa uu ardayda u balanqaday in kuwooda dhamaysta kuliyadda uu shaqo la raadindoono dalkuna u baahanyahay.

 

Mr, Nike waa madaxa UNDP waxaa uu ardayda ku booriyey in ay uga faaiideeyaan Bulshada Waxaa ay soo barteen ee la xiriirta cilmiga Shareecadda & Qanuunka,waxaa kaloo uu gudoonka maxkamadda sare ugu baaqay in in wiilasha kaliya aan la howlgaline gabdhahana lagu meeleyo Xarumaha Garsoorka Deegaanada puntland. Ardayda kuliyadaan wax ka barata ayaa iyaguna fikirkooda ku muujiyey macluumaadka ay ka heleen kuliyaad iyo farqiga u dhaxeeya xiligii hore iyo iminka oo ay barteen shareecadda iyo Qaanuunka.

 

Wasiirka Wasaaradda Cadaaladda ,Diinta & Dhaqancelinta Puntland Eng,Khaliif Xaaji Xasan (Ajaayo )oo soo gabagabeyey kulanka ayaa sheegay in kuliyadaani ahmiyad weyn u leedahay ummadda soomaaliyeed iyadoo wasaaradiisu ay kaalin baxadle ka gaysatay dhalinta barata kuliyadana ay howlgalisay wasaaraddu.

 

Eng, Ajaayo ayaa ardayda kula dardaarmay in ay uga faaiideyaan sharciga iyo cadaaladda madaama burburkii dalka soomaaliya digaashaday ay keentay taaba galid la ,aanta sharciga .

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this